Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Safarka Madaxwayne Riyaale (USA) iyo Turunturooyinka Mucaaridka By Yusuf Jama

     (Updated:-(Mon.31.Dec.2007))
Waxa la filaayaa in Madaxwayne  Riyaale  booqasho rasmi ah ku gaaadho dalka U.S.A , bisha J1          anuary,2008. Sida warar xog-ogaalahi  sheegayaan wuxuu ku beeganyahay Washington  9th January, waaxaanu  joogi doona muddo todobaad ah. Wuxuu la kulmi doono “ Top Officials”oo aan weli la shaacin.
Guud ahaan Dadwaynaha Somaliland  waxay naawilayaan inuu  Madaxwaynahu guulo waawayn soo hoyn doono JSL..Hadaba,waxa soo ifbaxaaya kooxo kala duwan, oo  jecel inuu Madaxwaynahu ku fashilmo socdaalkaas. Tusaale ahaan , Hogaamiyaashsa Urur Siyaasadeeka  Qaran, ayaa waxay  Qurbajooga kula xiriiri doonaan Video conference maalinta 12th January, 12:00 PM Washington DC time. Waxay Qurbajooga ka codsadeen inay kala soo xiriiraan info@qaransomaliland.com
Sida ay tibaaxeen, waxay ka warami doonaan xaaladda dalku ku suganyahay.
Dad badan oo qurba jooga, ayaa walaac ka muujiyay waxa isku  beegay Safarka Madaxwaynaha iyo Videoconferencka Qaran. Dad u doon daloola Hogaanka Qaran waxay iftiiminayaan inay abaabulayaan mudaaharaad lagu sameeyo Madaxwaynaha,oo hagoog looga dhigaanayo  “ Cabudinta Saxaafadda &  Xuquuq al Insaanka
Waxa mudaaharaadkaas si xoogan uga qayb qaadan doona taageeryaasha Mucaaradka iyo xoogag ka socda Coonfur Somalia.
Waxa kale oo xusid mudan maqaal u dhawaan soo saaray xildhibaan Cabdi Cartan “ kulmiye” ,oo uu ku doodaayo inaanay isqaban “ Sugida xuduudka Iyo qabsoomidda doorashooyinka’. Maqaalkaas waxa  lagu tarjumay Afka Ingiisiga , waxaana  la gaadhsiiyay meelo badan ,oo ay ka mid yaheen Safaaradaha Maraykanka ee Jabuuti & Addiis.
Isku soo wada duubo, waxa soo ifbaxayaa inaanu Mucaaridku jeclayn in Somaliland la ictiraafo ama Xadka la sugo, inta Madaxwayne Riyaale xukunka ka hayo.
 
Waa bilaahi towfiiq.
Yusuf Jama ‘ Shabash” Saudia, Jubail.

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye