Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

 Madaxweyne Rayaale Oo dhagan galiyey Xeerka Ladagaalka Musuqmaasuqa

     (Updated:-(Tue.1.Jan..2008)

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland

Date: 31/12/2007
Warsaxaafadeed

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu Maanta Soo Saaray go’aan ku saabsan dhaqan gelinta Xeerka Ka Hortaga Ku Tagri Falida Hantida Qaranka iyo La Dagaalanka Musuq Maasuqa .

Madaxweynuhu isaga oo tix gelinaya Ogolaanshihii Golaha Wasiirada iyo Go’aankii Golaha Wakiilada Somaliland ee ku salaysnaa go’aankaasi oo ay hore u ansixiyeen , waxa uu go’aansaday in uu dhaqan galo Xeerka Lambarkiisu yahay 302/2007 oo la xidhiidha Ka Hortaga Ku tagri falida Hantida Qaranka iyo La Dagaalanka Musuq Maasuqa , xeerkaasi oo waafaqsan qodobka 75-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa daraadeed, ay lagama maarmaan tahay in go’aankaasi uu si rasmi ah u dhaqan galo, loona faafiyo .

Allaa Mahad Leh

Siciiid Caddaani Mooge
La taliyaha Madaxwaynaha ee Arrimaha
Warbaahinta iyo Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye