Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

  Dagaal ka Dhacay Deegaanka dixda Harawo oo Dad ku Dhinteen

       (Updated:-(Sun.13.Jan..2008)
 

Boorama (Bnn)- Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay, 7 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii dagaal culus gelinkii dambe ee shalay ku dhexmaray degaanka la yidhaahdo Dixda Harawo oo ku yaal duleedka galbeed ee magaalada Boorama labada ardaa ee Bahabar Cabdalle iyo Makaahiil Dheere oo ka wada tirsan beelaha Samaroon ee Gobolka Awdal.

Dagaalkan oo socday muddo dhawr saacadood ah ayaa la sheegay inuu ka dhashay muran dhinaca dhulka ah oo muddo dheer u dhexeeyey labada beelood oo wada degaanka Dixda Harawo oo ka tirsan dhulka Ismaamulka Kililka 5aad ee Soomaalida Itoobiya.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalkaas oo isugu jira labada dhinacba, ayaa la sheegay afar ka mid ah dhaawacyada la geeyey Cusbitaalka Boorama, halka kuwa kalena loo qaaday magaalooyin ka tirsan Kililka 5aad ee Itoobiya oo lagu dawaynayo.

Dagaalkan oo ku soo beegmay xilli galin dambe ah, isla markaana laysky gabbal-dhacsaday, ayaa ilaa hadda aanay jirin cid kala dhexgashay, waxana laga baqdin qabaa in uu mar kale ka dhex qarxo dagaal dhexmara labada geesood.

Dagaalka shalay qarxay ayaa la sheegay inuu mid labada beelood isu hub urursanayeen muddo afar bilood ah, isla markaana ilaa hadda ma jiro cid dhex-gashay iska-horimaadka oo laysku habeensaday, waxana laga baqdin qabaa inuu saaka markale dib u bilaabmo.|

Source Jamhuuriya News Paper 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye