Boorama(Bnn)Wasiirka
hawlaha guud md Siciid Sulub ayaa Maanta
xadhiga ka jaray wadadii u horaysay ee laami
ah ee Boorama yeelato oo dhererkeedu dhan
yahay hal kiiloo mitir, taas oo ay gudaha
magaalada ka hirgaliyeen D/hoose ee degmada
Boorama.

Munaasibad loogu talo galay furitaanka
wadadan laamida ah ayaa waxaa kale oo ka
qayb galay wasiirka arimaha gudaha md
C/laahi Cirro, wasiirka xidhiidhka
golayaasha md Cabdi Xasan Buuni, salaadiin
reer Hargauysa ah, salaadiinta, cuqaasha iyo
waxgaradka reer awdal iyo qaybo badan oo ka
mid ah dadwaeynaha magaalada Boorama.
Maayorka Boorama C/raxmaan Shide oo isagu
hor kacayay hirgalinta wadadan laamida ah
ayaa sheegay inay kaga baxday lacag dhan
90.000 $ jidkan halka km ah oo ka mid ah
balanqaadyo uu maamulkiisu sameeyay, waxa
kale oo uu sheegay in ku talo galkoodan
wakhtigani uu ahaa 2km balse au u suuro gali
weyday markii ay dadwaeynaha reer Boorama ka
baaqsadeen taageeradii ay marka hore ka
filanayeen, balse hadana aanay marna joojin
doonin oo ay sii wadi doonaan.
Wasiirka arimaha Gudaha C/laahi Cirro oo
maalintiisii labaad socdaal ku jooga
magaalada Boorama ayaa isna ku bogaadiyay
mayorka, golihiisa iyo shaqaalaha degmadaba
waxqabadka jidkan laamida ah ee ay sameeyeen
oo arin mudan in lagu amaano.
Wasiirku waxa kale oo uu soo qaaday gurmadka
looga baahan yahay in lagu kala dhex galo
laba beelood oo colaadi ku dhex martay
deegaanka Harawo ee kililka shanaad ee
Itoobiya, oo ah arinta koowaad ee uu
mihiimada saari doono, isaga oo sheegay inuu
la kulmay salaadiinta iyo waxgaradka
gobolka, waxa kale oo uu soo jeediyay in
daminta colaadaa xal u helideeda la isku
dayo in lagu dhameeyo Boorama gudeheeda
maadaama ay xaruntii tahay labada beeloodna
ay dagan yihiin oo dhinacyada la iskugu
yeedho lana wada hadalsiiyo.
Wasiirka xidhiidhjka golayaasha Cabdi Xasan
ayaa isna ka codsaday labadaa beelood inay
colaada joojiyaan xalkana laga raadiyo wada
hadal si aanay dhibaato intaa ka badani u
dhicin, waxa kale oo uu reer Boorama
xusuusiyay in laga doonayo lacagtii iyo
xoolihii taakulaynta gopbolada bariga
arintaas oo uu sheegay inuu hrena ugala
hadlay marlabaadna uu ku adkaynayo.
Salaadiin reer Hargaysa ah iyo kuwa gobolka
oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa ku amaanay
maayorka Boorama iyo golaha deegaanka hawsha
wanaagsan ee ay qabteen oo ah mid taariikhda
u gali doonta bulshaduna u ogtahay, iyaga oo
carabka ku adkeeyay in hada wixii ka
dambeeya ay xisbiyada iyo dawladaba kula
xisaabtami doonaan qofka shaqo loo dhiibayo
oo aanay ogolaan doonin ilaa ay u arkaan qof
waxqaban kara, ka aan waxba qabanayna aanay
ku taageeri doonin. Sulaadn C/raxmaan Dhawal
ayaa isagu ugu magac daray wadadan laamida
ah Bille Road[wadada bille], magaca Bille oo
ah mayorka awowgii.
Dhinaca kale xubno ka tirsan labada gole ee
wakiilada iyo guurtida ee ka soo jeeda
G/awdal gaar ahaan degmada Lughaya, ayaa ka
dayriyay xaalad abaareed oo ay ku sugan
yihiin dadka ku dhaqan degmada Lughaya, iyo
xoolihii deegaankaas oo ay abaarta ugu
biireen xanuuno dilaa ah oo halis ku haya.
Xildhibaan Cabdi Maxamuud Gaagaale oo ah
xildhibaan golaha wakiilada ee ka sopo baxay
deegaanka Lughaya ayaa ugu baaqay xukuumada
soomaaliland iyo hayadaha caalamiga ah inay
gurmad deg deg ah la soo gaadhaan dadkan ay
abaaruhu saameeyeen ee reer Lugahaya iyo
xoolihii yaraa ee ay dhaqanayeen oo u
dhimanaya xanuuno halis ah oo abaarta u soo
raacay, waxa kale oo uu si gaar ah ula
hadlay wasaarada xanaanada xoolaha oo uu
sheegay in looga baahan yahay inay gurmad
deg deg ah oo daawooyin ah gaadhsiiyaan
xoolahaa ay xanuunadu haleeleen, oo hadii
aan daaweyn deg deg ah lala gaadhin dabar
gu,i doona.
Xildhibaan Duur Hande iyo xildhibaan
C/raxmaan Cartan oo iyaguna ka tirsan golaha
guurtida ayaa iyaguna ugu baaqay hayadaha
caalamiga ah iyo dawlada soomaaliland inay
gurmad deg deg ah gaadhsiiyaan dadkaas ay
abaartu aafaysay oo iyaga iyo xoolohoodiiba
tamar daro ka sakow ay xanuuno asiibeen.
Cabdiraxmaan Maxamad Habane
Borama News Netowrk
habane777@hotmail.com