"Waa
qaali nabaduye
Nin qumaati
uladay
Qushigii umeeel
maray
I dinkuba
qiyaasoo, hadii aan qalooc jirin
Miyaad qiri
lahaydeen.
Waa qodob su'aaloo qof waliba siday tahay ha
uqaato leeyahay
.. Abwaan Xasan sheekh
Muumin
."
"Habeen iyo
dharaar hadaladaan dhisnaa
Dalkeena hooyoo
horumaraan ku haminaa
Ma hagranee waan
u hawlgalnaa
Murtidaan
curinaa kala hufnaa u heedanaa
Dadweynahaan
hanuuninaa
Haasaawinaa
danta u hagnaa
.. Abwaan Xasan sheekh
Muumin."
Dunidan
aanu guudkeeda ku noolnahay ayaa mowluhu ku
manaystay shakhsiyaad usaaxiiba moohibooyin
iyo qiyam sare.kuwaasoo sharaf iyo qadarin
sare ka mutaystay bulshooyinka ay
lanoolyihiin.
Ummada
soomaaliyeedna kama madhna shakhsiyaad lag
hirto kuwaasoo u'ah astaan iyo illo ay ka
soo burqadaan wacyi-galinta ummadu, si loo
hello hanaan iyo anshax sare oo
hillin-toosan u horseeda jiritaan ummada xag
dhaqan-dhaqaale iyo dhaqan ahaanba.
Haddaba
(17.Jan.2008)
waxay ahayd habeen dhiillo
xanbaarsan oo aad ucuslayd naxdin aan
laqiyaasi karina ku lahayd guud ahaan
shacabka soomaaliyeed meelkasta oo ay
joogaanba
Kadib markii uu dunidan ka
xijaabtay alla ha u naxariistee Abwaan Xasan
SHeekh Muumin oo ahaa astaantii fanta iyo
Hiddaha soomaaliyeed, kaasi oo ahaa
cilmi-dhowre(library) kagalbaday ummada
soomaaliyeed. Abwaan muumin yaa ahaa shakhsi
qiyam iyo martabad sare ugu fadhiday
bulshadda soomalida.
Dhinaca
kale mahadhooyinkii sugaaneed ee fanaanka
ayaa iyagu ah, dhaxal reeb wanaagsan kusii
baaqi noqon doona qalbiyadeena, dadka
qalinka ehelka u'ak iyo guud haanba bulsho
weynta soomaaliyeed.Abwaanka yaa hormood
u'ahaa abwaanda soomaaliyeed ee faro ku
tiriska'ah ee aan habayaratee ku dhex
mil-min collaadaha sokeeye ee soomaalda
taas macnaheedu waxa weeyi wuuxuu ahaa
astaan qaran oo lasoo haweysto, sidoo kale
abwaanku wuxuu kaqayb-qaatay gobonimadoonkii
soomalida (soomaaliya iyo jabuutI)
N
oolaba waa dhinte, shakhsiyaddan qiimiga
weyn inoogu fadhiday ayaa ahaa halyeey
inaga baxay guud ahaan ummada soomaaliyeed
gaar haana ummada reer Awdal oo uu Abwanku
dhalasho ahaan ka soo jeedo ahna halka fanka
soomaaliyeed kasoo unkamay.
Sida auu tibaaxayaayey
war-saxaafadeed ay soo saareen ururka gurmad
eek y hawlan dhismaha garoonka kubbada cagta
ee boorama, ayaa garoonka loogu magacdaray
(xasan sh.muumin stadium)
Kaasi oo sida aan filaayo
munaasabad balaadhan loo samayn doono
magic-bixnta.
Taariikh nolaleedkii abwaanka oo kooban.
Alla ha unaxariistee Abwaan
Hasan SHeekh Muumin
waxa uu ku dhshay magaalda Borama ee
gobalka Aawdal, sanadkiii 1930 kii. Waxaa
dhallay sheikh muumin oo ahaa mufti aqoon
sare uleh diinta xaniifka ah ee islaamka
,taasi oo ku tusaysa maqaanka abwaanka ka
soo dhex-hiray qoys diiniya ku soo
bar-baray asluub iyo dhaqanka diimeed oo
heer sareeya.
A
bwaanka ayaa lahaa xirfado dhowra sida
ganacsade,macallin aad loo xushmeeyo.1965-1968
ayaa abwaanka waxaa loo qaatay Radio
muqdhiso, si uu u hal abuuro maansooyin,
heeso si uu uduubo barnaamijyo hiddaha iyo
dhaqanka soomaaliyeed, kuwaasoo laga sii
dayn jiray Radio muqdisho.
1968kii
wuxuu kamid haa shaqaalihii waaxda hiddaha
iyo dhaqanka ee wasaaradii waxbarshad iyo
bar-baarinta ee soomaaliya, waxaa kaloo
abwaanku mareeye guud ka noqday golihii
murtida iyo maddadaalda ee hargeysa(hargeisa
national theatre.)
Mahadhooyinkii suuganeed ee abwaanka.
Abwaan
Hassan SHeekh Muumin u'ahaa mu'alif weyn,
jillaa, iyo hal abuure tayo sare leh, wuxuu
hal abuuray suugaan aad tiro badan, balse
waxaan idiin soo tabinyaa in uu qalinkaygu
ka haleelo.
Ruwaayaddaha abwaanku
maankiisa ka soo maaxday waxaa ka mid ah ku
wan hoos ku xusan:
Hubsiimo halbaa la
siiistaa waxa ladhigay sanadkii
1966kii
SHabeel-naagood
1967kii
Gaaraa-bildhaan
..
1970kii
Ehlu-naarka
aduuyo
.. 1971kii
Dunidu maskaxbay magan
utahay
. 1972kii
Dhaaman ruwaayadahaasi yaa ka
turjumaayey hab-nolaleedka bulshada
soomaaliyeed xag dhaqan-dhaqaale iyo xag
walba si hadba loo toosiyo masiirka ummada
iyo kor uqaadida wacyi-galinta ummada
hiddaha iyo dhaqanka,Abwaanku wa uu aha
maskaxdii dunida oo malaasan, suugaanta
abwaanka qaar yaa loo min guuriyey afka
ingiriisda gaar ahaan ruwayad hal qoranta ah
ee shabeel naagood oo uu turjumay prof.
B.W.ANDREZEJEWSKI 1974, oxford university
press, London.(leopard among the women)
Waxa kaloo abwaanku lahaa
heesaha wadaniga'ah, heesaha la xidhiidha
waxbarshada heestan, waxa kaloo abwaanka
ahaa warshad soo saarta fanka soomaaliyeed,
waxaa uu soo gac qabtay xidigaha fanka ee
soomaalida ugu caansan ku soo baxay ruwayad
shabeel-nagoog Axmed Cali CIgaal, HIbo
Max'ed Hodoon( HIbo Nura) iyo Maryan Mursal
|
Heesta/ goronyada
(Hibo
nuura)
goroyadu
ilmaheeda
aroori bey
dhigtaayoo
aboodigu ku
laayaa
shimbirtuna
aroosey
ila xidhoo madaw
bey
ubadkeeda
seexisaa
kala huran
labaduye
edebtiyo
aqoontiyo
asluubey isku
dhaafeen
caqligii
wanaagsani
itaal inuu ka
roonyahay
baleegoo u
fiirsadaa
ilka weynow
maroodigu
aradaduu
dhistaabaa
cadawgu ka
ugaadhaa
aboorkuna
dudumadaan
aragney buu
dhistaayo
naftiisa ku
ilaaliyaa
kala huran
labaduye
edebtiyo
aqoontiyo
asluubey isku
dhaafeen
caqligii
wanaagsani
itaal inuu ka
roonyahay
baleegoo u
fiirsadaa
ma ogtihiin
sakaaradu
awaarahay
qodaayoo
saaladeeda ku
aastaa
libaaxuna ma
asturee
ilinaduu ka
arooraa
saaladiisa ku
aragtaa
kala huran
labaduye
edebtiyo
aqoontiyo
asluubey isku
dhaafeen
caqligii
wanaagsani
itaal inuu ka
roonyahay
baleegoo u
fiirsadaa
|
Heesta/ hubsiimo
(laxanka
axmed cali cigaal)
Inuu
haad habeen kaco,
Heehaabo heegada
Hafiyaan
dabayluhu
Hiddihiisa mahee
Hadimada u
baaqdee
Kala hadashay
samadee
Hoygii ka saartaa
U horseeday
halistee!
Hablaha tii
hanweynee
Hal-adag baan
Hallayn
haybadeedee!
Haye fudud
Habeenkaan
lahaabay haye
Hubsiinadu huuno
Habboonayd!
Jiilaal
hawaawiray,
Halasaha
kaliileed
Qof harraadan oo
helay
Haan quruxsan oo
hilan!
Ku haliilay oon
hubin
Waxa hoosta kaga
jira
Halaq cuni ku
soobaxay
Haaraan fudaydkii
Hablaha tii
hanweynee
Hal-adag baan
Hallayn
haybadeedee!
Haye fudud
Habeenkaan
lahaabay haye
Hubsiinadu
habboonayd;
Naftu inay
hillowdoy,
Hamidoo hawaawido
Higsataa waxaanay
hayn
Waa himiladeedee!
Herkaay joogtaba
Hirkalaa u
hillaacee
Hebed baa haween
dilay!
Ragna heeryadii
cune!
Hablaha tii
hanweynee
Hal-adag baan
Hallayn
haybadeedee!
Haye fudud
Habeenkaan
lahaabay haye
Hubsiinadu huuno
Habboonayd;
|
Qalinkii
hiddaheena
W.Q:
Mukhtaar C/raxmaan C/laahi (Awdalli)