Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalada Ka Bilaabmay G/Sool . Iyo Sawirada Maxaabiista PL Laga Qabsaday

 
(Updated:-(Tue.2.Oct.2007)

Burco(Bnn)Dagaal Xoogan ayaa ka qarxay shalay deegaanka abeesalay oo ah galbeedka magaalada laascaanood . taasi oo hore ay isku horfadhiyeen ciidamada SL iyo kuwa PL . Dagaalkan ayaanan si rasmi ah wali loo xajiiqin Khasaaraha Dhabta ah ee ka dhashay . 

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdilaahi cali ibrahim Oo Warbaahinta uga waramay xaalada dagaalka gobolka sool ayaa sheegay in ay gabi ahaanba la wareegeen Xarumihii ciidamada puntland Iyo Magaalada laascaanood imikana ay gacanta ku hayaan magaalada oo mudo afar sano ah ay dul fadhiyeen sida uu hadalka u dhigay .

Dhanka kale wasiirku wuxu sheegay in ay ciidamada qaranka somaliland  Kagacanta ku dhigeen ilaa 24 Maxbuus oo Afar yihiin saraakiil sar sare kuwaasoo hogaaminayay ciidanka puntland Dagaalkii shalayto

Wararka madaxa banaan ee ka imanaya magaalada laascaanood ayaa sheegaya in ugu yaraan lixqof ayku dhinteen 20 kalane ku dhaawacmeen dagaalada ka socda magaalada laascaanood iyo agagaarkeeda.

Dhanka kale Waxa Xalay La soo gaadhsiiyay 17 maxbuus oo laga soo qabtay maleeshiyadii puntland kuwaasoo hada ku jira xabsiga dhexe ee Burco






1-Gaashaanle Sare-Siciid Faarax Xirsi( siciid Doob)
2-Cali Jaamac Xaashi
3-Axmed Maxamed Ciise
4-C/raxmaan Cali X. Faarax
5-Farxaan Barkhadle X. Axmed
6-Maxamed Abshir Cabdi
7-Jaamac Maxamed Calas
8-Axmed Muxumud Cali
9-C/xakiin Axmed Jaamac
10-Mukhtaar Maxamed Yuusuf
11-Maxamed Jaamac Cabdi
12-Cabdi Xirsi Faarax
13-Aadan maxamed Yuusuf
14-Axmed Maxamed Yuusuf

 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye