Marka hore
waxaan ku bilaabayaa magaca eebe ee
naxariista naxariis guud iyo mid gaar
ahaaneed.
Hadaba, hadaan u gudbo
ujeedada igu dhalisay dhanbaalkayga, amaba
aan gudagalo ayaa waxay tahay in maalinba
maalinta ka danbaysa ay sii fogaanayso
colaadii sooyaalka ahayd ee u dhaxaysay
shacabka soomaaliyeed iyo xukuumadaha
xabashida, Waana taas aan manta u cuskaday
qalinka, jecelna inaan daaha ka qaado
taariikh aan marnaba duugoobikarin oo
arimahan uun la qotonta in kastoo aanan
jeclayn inaan diirqaado naburro gaamuray
dibna u xasuusiyo shacabka iyo eheladii
dhibanayaasha, balse ay tahay dhacdo xusid
mudan oo qudhaydu habeeno ka laddi waayay.
Waayo umad kasta oo uunkan ku
nooli waxay leedahay dhacdooyin taariikheed
oo soo jireen ah oo ay ku dhaataan ama ay ka
dhiidhiyaan, waana laba midkood uun,
-
taariikh xambaarsan
badhaadhe iyo himilooyin wanaagsan oo la
hantay.
-
taariikh xambaarsan
tiiraanyo, dhiilo ama dhacdo xusuus reeb
xun leh .
hadaba dhacdooyinkan is huwan
ayaa badanaaba waxa weeleeya maskax kastoo
caafimaad qabta taasi oo ku dul suntan,
raad-raaca taariikheed ee jiilba jiil uga
sii taariikhoodo, arinta aan ugoleeyahay ee
aan ubanbaxay wax kaqoristeeda islamarkaana
aan ushanqadhiyo dhalinta facayga ah ee
gayiga degan ayaa ah, akhristow raad-raaca
taariikhda ee guunka ah oo maanta si urugo
iyo naxdin leh u xusaysa bar-baartii,
ubixii, sida xun ugu riiqday weeraradii
waxshiga ahaa ee aan lookaala aabo yeelin
ubax iyo xaamilaba.
Hadab bulshoweynta reer Awdal
yaa ah bulsho ehel u’ah ilbaxnimo iyo aqoon
dabo dheeraatay, isla markaan ku dhaadata
taariikh guun ah oo soo jireen ah, waxaaana
taasi marag ma doon u ah ilbaxnimadii Adal
iyo sooyaalkii soomaaliyeed ee kahaqaaday
guud ahaan Awdalta maanta taaso ahayd
boqortooyo awood cudud iyo ilbaxnimo gaadhay
oo xukunkeedu gaadhsiisnaa ilaa
shawa(Ethiopia) taas oo la odhankaro waa
halka ilbaxnimadii soomalidu ay ka soo dhab
qaadatay .
Hadaba hadii aan ugudo galo
dhacdan naxdinta leh ayaa waxay
ubilaabmaysaa sidan hoose.
Amintu waa goor barqa ah
abaaro 10:30 AM bishii janaayo 1984 kii
waana maalin farxad iyo rayn-rayn badan ay
dadkuna faras magaalaha Boorama (xarunta iyo
caasimada gobalka Awdal) ay tuganyihiin oo
raxmaad iyo nimcad illaah ku mashaqeeyay
taasi oo ay dheerayd jawi bilan oo ay
weheliyaan neecaw iyo reexaan udug badan oo
ka soo dhabanaayay dhinaca buuralayda iyo
xeebaha gobolka.
Laakiin nasiib daro waayahan
faraxa badan u mayna hiilin shacabkii u
sacabotumaayay ee u heelanaa, Kadib markii 6
diyaaradood oo nuuca dagaalka ay ka soo
gudbeen dhinaca xadka xabashida kuwaas oo
bartilmaameed rasmi ah ka dhigtay ubax aan
waxba galafsan oo duruus ujoog ku ahaa
dugsiyadoodii. Deegaamo xaafadeed iyo xarumo
ganacsiba, gardaradaa aan geedna lagula soo
gaban ayaa waxaa ku galbaday 37 arday oo
da’doodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4
macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39
arday iyo 5 macalin kuwaas oo sixun u
dhaawacmay ,wxaa kaloo dadka ku nafwaayay
kamid haa afar hooyo oo xaamilooyin ahaa
kuwaasi uu sugnaa MCH-ka ad dhawaa
dudsiyadaasi sida xun loo ataagay.
Markasoo ay bulshada
caalamkuna ay ku mashquulsanaayeen waa
xiligaasiye ka badbaadinta dhalaanka
nafaqadarada, macaluusha, xanuunada iyo
cidhibtirka jahlinimada, ayay xukuumada
xabashiduna ay awoodeeda ku tijaabisay ubad
soomaaliyeed oo birimagayda ah ,shikina kuma
jiro in xukuumadaha xabashidu ay yihiin xoog
u taagan bur-burinta shacabka iyo bar-baarta
uhanaqadaysa gayigan.
Anaga oo kuhadlayna magaca
bulshaweynta reer Awdal iyo eheladii
dhibanayaasha ayaan ugu baaqaynaa dadyowga
nabada jecel in aydhinac uga soo jeestaan
ficilada xun ee ay cadaysteen xukuumadahasi
xabashidu, arintu sikasta ahaatee dhacdadani
waxay fariin ugudbinyasaa bulshoweynta
soomaliyeed in ay cadowgooda u foojignadaan
waxaana la, arkaa in dhinbiilihii hore ay
wali dhab holcinayaan , inkastoo xasuuqaasi
naxdin we-wel iyo tiiraanyo ku sogootiyay
bulsho weynta reer awdal hadana waxaa xusid
mudan in ayna cidna dabooli Karin ubax soo
foodhacaaya!! .
Balse su’aasha la isweyndiin
karo ayaa ah intee ayuu leekaa taageeradii
ay ufidisay xukuumadii milatariga ahayd ee
siyaad barre dhibanayaashii ay dhacdani ku
hafsatay ?
Jawaabta ayaa ah mid cad
dadka inta badana ay aaminsanyihiin in wax
gar-gaarah oo sidaasi ubuuran ayna dadkaasi
helin ,balse wax uun lagudboonaa dowlada in
ay shicibaka ka difaacdo duqaynta
arxandarada ah balse taasina ma ay dhicin
,waan taas ta sobobtay in uu wax kooban
noqdo taageeradii ay bulshoweynta reer Awdal
uqabeen xukuumadii xilligaasi.
Iskusoo wad xooriyoo hada
waxaa lataaganyahay xiligii dhibanayaasha
lagu xusilahaa taalo laga dhex qotamiyo
faras magaalaha caasimada gobolka ee
Boorama, si aan maanka iyo quluubta ugu
hayno ubaxaasi inaga baxay dhamaanteen
,waayo bulsho kastaa waxa ay leedahay
calaamad ay kuxusuusato dhacdooyinkan nuucan
oo kale ah .
Gabo-gabada iyo gunaadka
qalinkayga urugo qormaaya kuna hadlaya
magacayga iyo magaca dhalinta reer awdal iyo
magaca qoysaskii dhibtu gaadhay ayaan
waxaan tacsi tiiraanyo leh ugubinaynaa
dhamaan bulshoweynta reer awdal meelkasta oo
ay joogaan dal iyo dibadba iyo guud ahaan
bulshoweynta soomaaliyeed ,taariikhduna way
xusi ubaxaasi saxiibadayo ,wehelkayo,kuwaas
oo nala qoondaynlahaa dhabada nolasha
waxaase hubal ah in ay rabi ku galaday
janatu firdowsa naxariisna, ay hugooga
noqotay dhamaanteen allaah raxmaanka ahi
samir iyo iimaan ha inaga siiyo aamiin
..............
Magacda
ubaxii ama shuhaddadii ku nafwaayey
foosha xumaa
|
N° |
Names |
age |
Grade |
|
1 |
Ilyaas
Ibraahim
Maydhane
|
12 |
4 |
|
2 |
Ismaaciil
Muuse
Tubeec
|
13 |
4 |
|
3 |
Abadir
X/ibrahim
Xaaji
|
11 |
4 |
|
4 |
Axmed
Idiris
Ibraahim
|
12 |
4 |
|
5 |
Axmed
Ibraahim X/
bookh
|
12 |
4 |
|
6 |
Ubax Cumar
Maydhane
|
10 |
3 |
|
7 |
Anisa
daahir
Caateeye
|
10 |
3 |
|
8 |
Maxamuud Maxamed
Daahir
|
10 |
3 |
|
9 |
Yaassiin Daahir
Ibraahim
|
10 |
3 |
|
10 |
Abdi Hassan
Cali
|
9 |
3 |
|
11 |
Abdi Ahmed
Yuusuf
|
10 |
4 |
|
12 |
Husseen Maxamed
Nuur |
12 |
3 |
|
13 |
Sacaada
Cabdulle
Faarah
|
10 |
3 |
|
14 |
Maxamed Xasan
Faarah |
9 |
3 |
|
15 |
Nimca Maxamed
Xirsi |
10 |
3 |
|
16 |
Raashid
Huseen
Cige
|
10 |
3 |
|
17 |
Cabdi
Ismaaciil Xasan |
11 |
3 |
|
18 |
Maxamed Aw/ Aadan
Cabdi |
8 |
2 |
|
19 |
Khadra Maxamed
Xirsi |
9 |
2 |
|
20 |
Maxamed
Idiris Miicaad |
8 |
2 |
|
21 |
A/risaaq SH/maxamed
|
10 |
2 |
|
22 |
Sahra Aaden |
6 |
1 |
|
23 |
Faadumo orod ku dharag |
6 |
1 |
|
24 |
Fa’isa
H/Ibraahim Muusae
|
12 |
4 |
|
25 |
Ruqiya Maydhane
Muxumed |
10 |
2 |
|
26 |
Hibo
Axmed Ali yey
|
11 |
4 |
|
27 |
Maxamed Xasan
Xandulle |
13 |
4 |
|
28 |
Hinda
Axmed
Cilmi
|
10 |
3 |
|
29 |
Hibo
Barkhad
Qayaad |
9 |
3 |
|
30 |
Qayaad
Barkhad Qayaad
|
11 |
4 |
|
31 |
Deeqa
Yuusuf Cige
|
10 |
3 |
|
32 |
mustafe
Cilmi
Weyrax |