|
|
|
|
|
|
|
WAREYSI GAAR AH OO BNN LA
YEELANAY ABWAANKA
SOOMAALIYEED EE CAANKA AH
MAX’UUD C/LAAHI
CIISE(SANGUB) |
|
|
|
(Updated:-(Sat.2.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
Qaybtii Kowaad Ee
Waraysaga |
HA
IS RAACDA DIIDAYE HA IS RAAMSATEE
DAA!!!!!!!!
WALIGAY DAWLAD KAMA HOR IMAN KANA HOR IMAN
MAAYO!!!!!!
WAXAA WARAYSTAY: Xasan Ciise
Waxaa ii suura gashay in aan waraysi dheer
oo dhinacyo badan oo fanka soomaaliyeed ah
aan la yeesho Abwaanka Caanka ah Maxamuud
C/laahi(Sangub) kaas oo aan ku waraystay
magaalada Jabuuti ee wadanka jamhuuriyada
Jabuuti, waraysigaasina waxa uu u dhacay
sidan:
BNN: Ugu horen abwaan Sangub waxaan
ku waydiiyey waayadii ugu horeeyey ee aad
fanka bilowdeen iyo kan maanta jira maxaa
kala duwanaansho u dhexeeya?
Sangub: koley hadee fanka isaga oo
bilaaban oo jira ayaan ku soo biiray oo
maanaan ahayn dadkii dhibka faraha badan ka
soo gaadhay oo macalimiin ayaa nooga
horaysay ka soo qaad Xuseen Aw Faarax,
C/laahi Qarshe,Xasan Sh.Muuminkii dhawaan
dhintay iyo dad kale oo fara badan Cali
Sugule oo hada Imaaraadka ku nool waxaa kale
oo jiray kuwo kale oo heesayaal ahaa ,
markaa anagu fanka oo dhisan oo dhibaato
wayn aan la qabin ayaan nimid hasa yeeshee,
wixii la abaabulaaba taran ayuu sameeyaa
anagu waxaan galay tarankii ay dadkaasi
abaabuleen.anigu hadii aan hadii aan kaaga
waramo taariikhdayda waxaan fanka ku biiray
aniga oo yar waxaanan ka soo jeedaa
deegaanka Dhagaxbuur, waayadaa horena fanka
kuma biiri jirin qof wayni ee dadku iyaga oo
yar-yar ayey soo gali jireen lagan yaabo in
ay reerkooda ama qosykooda isku khilaafsan
yihiin oo dhuumasho ayaa lagu soo gali
jiray, marbaa waxaa jirtay in aan
hablahayaga magacooda aan qarain jirnay waad
aragtay Guduudo shamis baa la yidhaa dee
Baxsan Saynab baa la yidhaahdaa, naxariistii
Alah ha siiye Magool Xaliimaa la yidhaahdaa,
Dalays Khadiijaa la yidhaahdaa, adu yaanan
kugu daaline Duniyo Xareedaa la yidhaahdaa,
BNN: Markaa waxay ahaayeen magacyo
aad ku qaraynayseen si dadku aanu u fahmin?
Sangub: Haa waxaan rabnay in aanay
dhibta dadku ku badan sidaas waxaad ku
garanaysaa waxani in aanu ahayn wax ay
soomaalida qadiim ku ahayn, waayo waxaa laga
yaabaa gabadha soomaaliyeed ee boodaysa in
ay aabeheed iyo walaaladeed oo jooga raga u
soo marto oo ay boodo gabadhu maanta oo dhan
way ciyaaraysaa oo nimankaas ayey isku
jijibinaysaa oo kaa dhib looma arkayn caawa
oo dhan ayey sidaa ahaanaysaa oo waaga ayaa
ku bar yaya oo uma aanay arkayn dhib, markaa
ma muusigaa dhibka keenay? Ma goor danbe
ayey baraarugeen? Ma kala garanaysid ciyaar
walbana inamo iyo gabdho ayaa ciyaara oo ma
jirto mid ay gaar qolo la tahay.
Marka aan arintaa sii falanqeeyo fankii hore
waxa uu ahaa mid jirid leh oo ah in uu nabad
galiyo hadaha Soomaaliyeed oo raggii waxan
soo aas-aasay waxay doonayeen in aan dadka
yaga wadada fiican aan barno anaguna waxaan
ku ahayn heshiis oo qofba qofka uu ka
danbeeyo tixgaliyo oo macalin yidhaahdo dee
maanta waad aragtay oo qofku wuu iska soo
galayaa oo cajalad buu heesihii ka
dhegaysanayaa isaga oo aanay cidi u fasaxin
kii laxanka sameeyey ma waydiinayo, kii
sameeyeyna ma waydiinayo kii qaadayeyna ma
waydiinayo kii u tumayeyna xataa ma
waydiinayo,markaa waxaad moodaa in uu intaas
oo qofba ka kaaftoomay xataa kii saxa ahaa
oo wax saxaahayey.
Waxaa kaaga daran dadka soomaaliyeed ma
yaqaanaan waar waxan hebel baa noo tumayey
ama noo qaadayey ee waar naga daa oo
isagaasaa loo aqoonsanyaa aroosyada o ayuu
ka qaadayaa oo idaacadihii ayuu ka qaadayaa
oo loo mashxaradayaa oo xataa Idaacaduhu ma
odhanyaan waa tii hebel qaadayey oo kaydiisa
ayey ku jirtaaye saara ma odhanayaan kolayna
waxa uu ahaa wax nidaam leh oo la kala
leeyahay oo dawladi kala wado oo sharci kula
socda oo alaab dawladeed la isticmaalayo oo
kala danbayn iyo nidaa m leh oo inta badan
garab iyo waxa ilaaliyaba leh laakiin hada
ma laha wax daryeela iyo wax ilaaliya toona
mar hadii muusig loo tumayo yaa lehba
laysama odhanayo markaa waxaad moodaa in ay
aad u kala fog yihiin oo farqi wayni u
dhaxeeyo labada xilli ama fankii hore iyo
kan maanta.
BNN: Waqtiyadii lixdameedii iyo
todobaatameeyaddii waxaa la odhan karaa waa
waqtigii casru dahabigii fanka soomaalida
markaa kooxiihii faraha badnaa ee jiray sida
Horseed, Waabari, Jenaraal Daa’uud iyo kuwo
kaleba kooxahaas faraha badanleh ma dawladaa
samaysay mise iyaga uunbaa isabaabulay oo
iskoodu iskaga samaysmay?
Sangub:Way jirtay waqti hore oo
lixdameeyadii amaba ka horaysay iyo waqti ka
danbeeyeyba waxaa jiray dad isbaabulay oo
aan cidna waxba la qaban oo samaysatay oo si
fiican wax u waday laakiin waqtigii ay soo
gaadhay lixdameeyadii waxaa usha u waday dad
shaqaale ah oo markaa qofka aan shaqaale
dawladeed ahayn waxbaba ma samayn karayn,
Deedna waxaa laga madhan jiray dadkaa marba
cidii ka soo dhex baxda waad ogayd heesihii
hir galay qayb wayn bay ka qaateen,kooxuhuna
waxay kala ahaayeen qaybo fanku markii uu
hirgalay ee uu yeeshay qaybo kala duwan ee
uu dhoofay isla markaana yeeshay qalab casri
ah ama uu yeeshay golayaal lagu tumo oo
qaraabi la soo tumo lixdan iyo dharwkii ayaa
ay bilaabantay in ay dawlada u
shaqeeyaan,markaa waxaa ugu xoog badnaa
waagaa koox la odhan jiray Xoogga Dalka oo
aniguna aan ka mid ahaa waxaa taa ka
horaysay koox la odhan jiray Radiyo Muqisho
waxaanay u badnaayeen dad badan oo dhar cad
ah oo dagaalkii 1964kii ciidamada lagu daray
markii aan dagaalanay ianaga iyo Axmaardu
waxaa kale oo nalagu soo daray Baxsan iyo
Cusmaan Aadam oo markaa ayaan bilawnay
riwaayado in aan dhigno markaa kooxdaas oo
jeneraal Daa’uud la odhan jiray ama xoogga
dalka iyo tii radiyo Muqdisho iyo tii kale
ee Raadiyow Hargaysa ayaa laysku daray oo
loo bixiyey Waabari intaas waxaa laysku
daray markii kacaankii dhashay intii kalena
waxaa laga kala dhigay Halgan waxay ahayd
kooxdii guulwadayaasha,
Heegena waxay ahayd Booliska Iftiin waxaa
lahayd waxbarashada Danwadaahaga waxay
laaheen koox iyaguna, markaa sagaal kooxood
ayaa nasiib u helay in la sameeyo qaarna ha
ahaadaan qaran qaarna hay’ado kale gacanta
ha ku hayaane kooxda waabari ee aan ka
tirsanaa waxay ahayd kooxda qaran ama
hooyada fanka aniguna iyada aan ka mid ahaa,
markaa fanku waxa uu booday oo aad u
hirgalay markii kacaanku dhashay oo la
sameeyey muusig casri ah ama mid dibada laga
keenayba la tumay kolkaa fankii sidaa ahaa
maanta u malaynmaayo in uu sidii yahay oo
cid tix galisaaba jirtaaba dadkiina waa kala
lumay oo ninba meel ayuu iska joogaa kuwa
meelahaa joogaana waxa ay noqdeen dad in
badan soo shaqeeyey oo aan xiiso badan u
qabin waayo waligii waxaa laga yaabaa in
aanay raaxo badan fanka ku arag intii yarayd
ee shanqadhu jirtayna waa iska dhamaatay
markaa fankii wax wayn baa helay markii ay
burburtay dawladii soomaaliyeed,
markaa fili maayo in uu sidii ku noqon karo
oo anagu waxaan soo gaadhanay gabayadeenii
oo cusub oo ma jirin dad badan oo jaamacado
ka soo baxay ma jirin saamaynta
satalite-yada, internet-ka iyo massmedia-aha
kale ee hada hadheeyey adduunka oo waxan la
kulanay dhaqankii oo dadku waxa ay
xiisaynayeen in ay bartaan gabayga ama
heesaha sidaas ayaa dhashay in fankii hore
jirid yeesho laakiin maanta ma jiro cidi
hadal haysa oo baahiba looma qabo oo waxaan
baahiba loogu qabin ma jiraan dad danaynaya
oo xiisaynaya mararka aan wax dhigayno waxaa
noo yimaada dad dhalin yar ah ee ma jiraan
dad waawayn oo hooyooyin ama waalid ah amaba
aqoonyanao ah oo ka soo qayb gala waxa aan
soo bandhigayno ma jiraan dad waayeel ah oo
ka soo qayb galaya markaa waxay odhanayaan
anagu diin uun baan leenahay ee dhaqan ma
lihin oo horta anagau muslimiin baan nahay
oo diin waan leenahay lamana badali karo
diinta waxbana laguma dari karo lamana dhimi
karo Ilaahay baana iska leh diinta markaa
diintu inama odhan geel baad dhaqataan oo
geeska Afrika ayaad degtaan oo qori baad
qortaan, taas waxaa ina odhanaya dhaqan ab
ka soo gaadh ah ama aan idhaahdee Hide ilayn
dhaqanku waa maalinlayda ayuu la socdaa oo
waxaa ka mid ah shaadhka aan xidhanahay
makarafoonkan aad wax igaga qabanayso markaa
dhaqanku maalinlayda ayuu la socdaa ee
hiduhu waa dhiilkii aan qoranaynay, Haragii
aan ku seexanaynay Cawskii aan Hararka ka
samaysanaynay wixii aan biyaha ku ku
cabaynay weelkii aan caanaha ku lisanaynay
iyo wixii kale ee la midka ahaa, anaga waxaa
nagu dhacday markii aan dibadahaa tegnay in
la yidhaahdo qowmiyad walayba ciyaara
dhaqankaaga iyo hidahaaga caruurtayadii way
garan waayeen markaas ayaa la yidhaahdaa
waryaada maydaan lahayn dhaqan iyo hide
idiin gaar ah, markaa ayaa da’yartii waxay
ku khasban yihiin in ay dhaqan kale qaadaan
oo ku cayaaraan ama daawadaan,waxay ka mid
ahayd ceebaha nagu soo baxay hadii aad
tidhaahdo wax barna aabo gantamaya ama hooyo
lalaysa ama nin culimaan ahay leh oo lalaya
ayaa ku soo galaya, kolkaa waxay noqotay in
ay dhalinyaradii daawadaan TV-ga shisheeyaha
ama ciyaaro shisheeye ilayn waa in ay
waqtiga ku buuxiyaan wax aan ahay dantooda
ilayn qofna meel cidla ah fadhiyi maayee.
Markaa waxaa muuqda dadkii waalidka ahaa ama
wax kala garanayey in ay gaabiyeen oo
kaalintoodii gabeen, imika waxaa jira
wadanka jabuuti ayaa aad iskugu hawlay oo
wax badan in uu ururiyo isku dayey, waxay
sameeyeen Tixmaal, iyo Halabuur oo waxay
ururiyeen abwaaniin badan iyo qorayaal badan
wax badan ayey qabteen Aw jaamac iyo Afrax
halkan ayey joogaan oo hawl badan ayaa la
qabtay oo dadkaas wax qora ayaa la
yidhaahdaa, magaaladan Jabuuti ee aad
arkayso waxaa ka buuxa abwaano iyo hal
abuuro fara badan oo hadii la aruuriyo oo
dodo loo sameeeyo wax wayn bay qaban karaan
markaa waa in abaabul loo sameeyo oo dadka
la jeclaysiiyo oo ay Idaacadaha ka soo
baxaan waxaana muuqata in ay Jabuuti wax
wayn ay qabanayso oo ay dadaalayaan waana in
la helo dhaqankii.
BNN:Aan ku noqono fankaagii hore ilaa
waabari markaad ka mid ahayd amaba ka horba
ilaa maanta imisa riwaayadood baad samaysay?
Sangub: kolay waxaan ahay abwaaniinta
ninka ugu riwaayado badan oo taas muramo
kama joogo amaba ugu heeso badan intii aan
qalabkan duubista la keenin iyo maantaba wax
badan baan sameeyey markaa hadii aadan
riwaayadii magaceeda iyo abtirkeeda aan lagu
darayn waa wax yar uun wixii laga xasuustaa
heesihii ma duubna kaydkii Idaacadihii loo
doonan lahaana ma jiraan,sida aad og tahayna
riwaadaha qaarkood waa hir galaan qaarna
waxaa laga yabaa in aan muhiimadeeda lagu
baraarugin,markaa anigu way badan yihiin
riwaayado badan baan sameeyey markaa in aad
I waydiinayso riwaayadee baad ugu jeceshahay
iyo mooyaane aad bay u badan yihiin.
BNN: Inta aanan ku waydiin riwaayadee
baad u jeceshay aniga laftayda waxaa jira
mid aan aad uga helo in kasta oo aan yaraa
waagii la dhigayey riwaayadaas waana
riwaayada (waa maadays adduunyadu dadkuna
way matalayaan) dadku waxay yidhaahdaan
abwaanku riwaayadaas waxa uu uga jeeday
mucaaradnimo oo dawladii waagaa jirtay ayuu
ka soo horjeeday maxaa ka jira arintaas?
Sangub: Dadka had iyo jeer sidaas
yidhaahda waa dadka aan hal abuurka ahayn
eek u gabada magaca halabuurada oo aad moodo
in ay cabudhsanaayeen, anigu waligay dawlad
kama hor iman kamana hor imanaayo, khaladna
waa kaa dhici karaa maadaysana waxaan keenay
adduunkii oo aan Kaaryoone saarnay oo waxaan
keenay Hayle silaase iyo Xaaskiisii oo
Wayaguuta haya riwaayadana waxay ka
hadlaysay S/galbeed oo aduunkan anigu iskama
lihin waxanay ahayd dacwad oo la lee yahay
na daw mariya oo Afrikadiina ay odhanayso
waa juuq la’ oo aan hadlayn oo aan waxba kuu
qabanayn markaa umaba ekayna oo sumadiibaa
muuqatay markaa waxa ay Sahra Axmed
Matalaysay jamhuuriyadihii midoobay
Dhabarlowna waxa uu matalaayey gobanima doon
mana anaan qarin oo Kuuba iyo Ruushba waan
soo saarnay oo ku jiray oo waxaan soo
dhignay miiskii xaqa riwaayadaasina waxa ay
ku saabsanayd S/Galbeed dee Jamhuuriyadii
Soomaaliyana canaan badan ayey ku lahayd oo
ma anaan qarin oo in ay wax qabtaan way ku
jirtay Maxamed Siyaad barrena waxa uu aad
iyo aad u jeclaa in ay dalalka inaga maqan
xoroobaan oo qudhiisa ayaa xornimo doon ahaa
markaa dadka meelahaa ka sheekeeya ee
yidhaahdaa anigu waagii heestaa heblaayo
waxaas ayaan uga jeeday oo mucaarad baan
ahaa waxba faa’iidayn mayso oo maanta ayey
soomaali riwaayad wada tahay oo geed walba
la hoos jiifaa cidii wax dhigaysa oo
matalaysa oo xabaashii badatay oo
shisheeyihii ku soo kordhay oo maanta ayaa
geed walba riwaayad noqon karaa.
BNN:wali inaga oo ku jirna riwaayadan
waa maadays waxaa jirtay in magaalooyinkii
waawaynaa ee Soomaaliya badankeeda laga
dhigay riwaayadan laga bilaabo Boorama ilaa
Kismaayo waxaanay lahayd shacbiyad badan oo
theatersku dadka ma qaadayn maxaa ugu wacan
baad filaysaa?
Sangub: Kolay fanku waa sida kubada
oo dharaarba qofkii wax fiican soo bandhiga
ayaa laga daba dhacaa dharaarta aad wax la
yaab leh keento ayaa aad loo xiisaynayaa
waayo dadka Soomaalidu waxay hada ugu
daawasho badan yihiin Qabyo1 iyo Qabyo laba
sababtuna waxaa weeye guri aan laga daawan
maanta ma jiro,allaa riwaayadahaygu xagga
lacagta wax bay ka badali jireen oo Qabrigii
Jeceylka waxaan ku billownay iyada oo ay
riwaayaduhu yihiin saddex shillin waxay
tegtay iyadu shan shillin ilaa qaayo waxay
tegay 10 shillin Xorriyo nin Gayaa Ha
Guursado waxaa gaadhay 20 shillin Waa
maataysana waxaan ku billownay 100 shillin
oo habeen qudha waxaan go’ynay 10,200 oo
shillin waayo riwaayadaa wadatay oo waxaa ku
jiray 11 heesa, waxaa kale oo jiray heeso la
kala qaadanayo waxaa kale oo ku jiray
waxyaabo badan oo dadka taabanaya iyo
Sarbeebo badan markaa wax badan oo dadku
xiisaynayaan baa ku jiray hadii aanay dadka
taabanayn waxaas oo dhami ma yimaadeen marka
qofba si ay u taabataba dadka ayey xiiso
galinaysay.
BNN: Ma kula tahay in riwaayadahaaga
faraha badan ee aan la koobi karayn ay u
badnaayeen jeceyl mise wadani?
Sangub: Horta wax walba way lahaayeen aniga
riwaayadii iigu horaysay oo nin Cusmaan
Aadan la yidhaahdo tababar badan aad ii
siiyey waxaa la odhan jiray( Naga Guur)
Ingriis markuu guuray waxaa wadankii
qabsatay ninkii gaalka ahaa oo midab madow
leh ayaa dhulkii joogay ilaa markii danbe
doorasho la galay oo wax isbadaleen waxaanan
u jeedanay naga guur kuwaa dawlada gondaha
hayey oo la soo shaqeeyey gumaysigii
Ingriiska ama Faransiiska ayaan lahaa naga
guur tii labaadna waxaa la odhan jiray (La
mood Noqonse Wayday) waxaanan moodaynay NFD
in ay na soo raacayso wayse noqon wayday
waxaa iyaduna jirtay riwaayad la odhan jiray
( Ninka Xiiray Ha Joogee Anagaa Xusul
Duubi)noocaas oo kale waxay ahaayeen wadan
markaa waxaan soo dhexgalay qaabkii ciyaala
suuqa oo Biif Baaf ayaa la odhan jiray GEEL
XERA KA DEDIS iyo waxay ahaayeen riwaayado
waxayna ka hadlayeen dadkan walhanaya ee
dhaqankoodii ka guuraya oo qudhadkoodu
wadani iyo qosol bay ahaayeen Biif Baaf
waxaan ka hadlaayey Pease Corps-kii uu
Maraykanku keenay oo suxuunta inoo keenay
isku soo wada duuboo (Yaxaas Dhaga Duub)
waxay ka hadlaysay dhaqan xumada dadka lagu
sameeyo oo wadaa og tahayoo qofka qayilaa
waxa uu soo jiitaa qof aan qayilin gabadha
xumaataa waxay soo jiidataa gabadh wanaagsan
si ay u kharibaan ka go’a hagoogtaa
habeenkii ku aan hagoogan ayuu soo jiitaa
markaa dhalinyarada la xumeynayo iyo
dawladii markaa jirtayba aad ayaan ugu
tilmaamayey, gabdhihii soomaaliyeed oo
filimka bartay iyo waxyaabo kale ayaan kaga
waramaynay iyaga oo aan aqoon xataa in ay
guri kale u wareegaan waxaas oo dhan ay
taataabanaysay.
BNN:Marka aad riwaayadaha samaysaan
ma idinka ayaa awood u lahaa ka abwaan ahaan
in aad hobolada u kala dhiibtaan, mise waxaa
jiray gudi qiimeeya riwaayadaha oo aad sii
marsiin jirteen?
Sangub:Arintaasi waxay ahayd kow
iskama anaan dhigi jirin ee inta aan la
gaadhin dawladba waxaa jiray gudi baa
eegayey oo qiimaynayey in ay riwaayadu u
qalanto lacagtii la galiyeyna soo celinayso
iyo in aanay soo celinaynin marka la
qiimeeyo in ay ummadda u cuntamayso ayaa
intaan la maal galin ayaa qisadeeda iyo
heesaheeda loo gudbin jiray Faaf reeb
kuwaasuna wax bay ka go’ayn jireen oo waxaa
laguu keenayaa qof aan afkiiba si fiican u
garanayn oo waxa looga jeedo aan fahmayn oo
hadii aad aqalkaygan iigu soo gasho waxaad u
baahan tahay in aan ku kala tusho meesha
musqusha qolka fadhiga oo adigu gurigan waad
ku cusub tahay oo ma kala garanaysid oo
gurigaagii mid ka badalan baad timid oo
markaa halkaa wax baa looga jeedaa waa ku
jirtay oo cudurkaasi ma dhamaan markaa waxaa
badatay in riwaayadaha aad loo eego intii
yarayd ee ay sii daayeen markaan dhigno ayaa
hadana shicibkii odhanayaan sidaas ayaa
looga jeedaa hadana waa lagaa daba imanayaa,
way jireen gudi eegta oo wixii xun ka
saartaa wax aan la fidh garayna lama dhigi
jirin,laakiin heesaha iyaga cid eegi jirtay
ma jirin oo waxaa ku jiray qaladaad badan
xagga Rabi u xun ama si kaleba u xun oo
waxaad arki mid leh xalay cirkaan tagay waar
cir ma tagi kartide nin seexday malaha waa
riyooday uune waxa caqliga u dhow ku hadal
oo anigu waxaan ka warami karnaa kaliya
wixii ay isheenu aragto oo qudha ayaan ka
war bixin karnaa waxaa kale oo jiray ninkii
raba in wixiisu hir galaan dadka ayuu kaga
ag sheekaynayey si loo yidhaahdo waar maxaad
uga jeeday eraygaas oo isna isku saxo marka
danbe qaarna way ka qarsanayeen oo sidii
laga xadayo.
BNN: Waxaa jira abwaaniin fara badan
oo wadanka ka qaxday oo aaday halkaa iyo
galbeed sida adiga oo kale rag badan
shanqadh lagama maqal laakiin adiga Qabyo
kow iyo lababa waad samaysay lagan yaabo
kuwo kale oo aanan maqlana in ay jiraan
adiga markaa maxaa kuguu dhaliyey in aad
ilaa halkaa qurbaha aad la aado fankii oo
aad wadato?
Sangub:Sida runta aniga waxaa igu
dhaliyey qofku haduu waxa uu sheeganayo
daacad ka yahay waa in uu dadkiisa
gaadhsiiyaa maanta gabay muxuu gaadhi karaa
markaa waxaa maanta loo baahan yahay in
dadkii loo magaaleeyo oo si ay fahmi karaan
wax loogu sheego hadaan idhaa waan gabyayaa
oo kaliya waa layga dareerayaa oo qofku waa
in uu ogaado sidee ayuu dadkiisan dhacbay ee
jabay ee dhaawacan wax ugu qaban karaan
markaa wax fara badan ayaan sameeyey ka soo
qaad Nayroobi markaan tagay waxaan sameeyey
riwaayad la yidhaado ( Ummad Wada Qorqoda
aan Wax u Qaybi Is leeyahay) oo aan mujtaca
aan kaga hadlaayey mid kale oo Kenya naga
dalbatay oo aan sameeyey ayaa jirtay oo la
odhan jiray ( Afrikaay Bogahaaga Dhayo) oo
markii danbe laygu dacweeyey oo la yidhi Moi
ayaad u jeedaan, waxaa kale oo jira Filim
aan sameeyey oo la yidhaahdo ( Halkay Qoontu
Ku Taal Dhakhtarkii Qaliwaa) oo wali boogtii
soomaalida cid gaadhay ma jirto oo waa loo
maaro la’yahay waxaa jirta iyaduna sagaalay
oo meelahaas laga daawado soo wad waxaa
markaa dhibkii ka jiray W/America ka jiray
si fiican u cabiray Qabyo kow iyo laba
markii halkan Carta laysugu yimidna waxaan
sameeyey riwaayad la dhaho Appeal Ma leh oo
aan soomaalida cidna waxba waydiinayn oo
laga waraysanayn waxaa kale oo jira laba
filim oo aan sameeyey oo wax layga badh
xaday oo la yidhaahdo ( Xaajo Ugub kow iyo
Xaajo Ugub Laba) wali ma soo bixin waanan
duubay oo waxaan rabay in aan meelahaas ka
maqan aan kabo, intaas oo dhan waxaa ii
dheeraa marna gabayba maan dayn waxaan ka
bilaabay markii ugu horaysay ee aan qaxanay
oo nala siiyey bahal cad oo nala garaacay oo
dhuudhigu lugaha naga galay oo aan rafaadnay
kolay weel yar baad wadataa ee marka aad ii
imanayso weel weyn soo qaado oo aan kuu
buuxiyo sidii dadka suugaanta faqiirka ka ah
oo labada gabay ama heesood la waasha wax
yar ha soo qaadane weel weyn aan gabay kaaga
buuxiyo soo qaado.
BNN: Markii aad tagteen Waqooyiga
Marykanka tagteen ama galbeedkaba
suugaantooda iyo tan Soomaalida midkee
hodansan baad isleedahay marka aad isbarbar
dhigtay?
Sangub: Kolay North America ama
England waan arkay wax isku dhow ma nihin,
dadka aadamiga ahina murti maal iyo muusig
maal ayaa la yidhaahdaa inagu murti maal
baan nahay iyaguna waa muusig maal waayo
waxay doonayaanayaan in ay iska sheekeeyaan
muusigana la tumo inaguna murti maal baan
nohoo waxaa laga yaabaa caawa oo dhan in uu
hal gabay wado, iyagu halkaa gabay waxay ka
dhigayaan boqol hees markaa wax isku dhow
iyo wax lays garab dhigi karo midna maba
ahba,laakiin waxaa weeye iyagu woxoogii bay
habaysteen inagana wexeenii ma habaysna oo
waa kala daadsan yahay markaa laakiin wax
lays garab dhigi karo ma ah oo hideheenu
dunida oo dhan ayuu ugu hodansan yahay.
Waxaan kuu sheegayaa oo dhan ah markii aan
anigu joogay oo aan agaasimaha ciyaaraha
hidaha iyo dhaqanka ka ahaa waxaa noo diwaan
gashaan 333 ciyaarood oo anaan waliba
gobolada qaarkood ama deegaanada qaarkood
wada tagin, aduunkana hal ciyaar uunbay
leeyihiin oo halkaas uunbay kula hor
imanayaan, waxaan leenahay hido ridmo la’aan
la ciyaari karo adduunku malaha ciyaar ridmo
la’aan la ciyaari karo, inaga ciyaarheena
cagta iyo sacab ayaa laysla helayaa meel
kasta oo aan tagno anaga ayaa kow, laba iyo
sadexba gali jirnay, ka soo qaad Saylici,
Walasanqo, Beeray,Bulo, Dhaanto iyo
Ceerigaabo waxayna la yaabi jireen cod iyo
cag aan is waayeyn ta u badan baa leh wax
yar oo gudhub gudhub ah dee ciyaaraha
adduunkana waxaa lagu tumaa taguugado
tarbuugado badan iyo qalab kale oo fara
badan iyo shanqadho kale oo fara badan
sidaas ayaad ku garanaysaa in hideheenu
hodan yahay oo xeradii gabayga ayaan nahay,
adduunyadu laba iyo waxaan dhaamin ayey kuu
sheegayaan ianaga afartii meel iskugu timada
sadexbaa gabayda anigu carabahaas iyo
Turkigii da’da waynaa ma aqaan laakiin kuwaa
kale sidaas ayaan u kala duwa nahay, mid
kale habheena ayaa ka qurux badan marka ay
sadex qaydkii ay xidhaan inamaduna ay
xidhaan macawus iyo go’ii dawaarsanaa
xidhaan ama guntiinadii dhexda ka
dawaarsanayd xidhaan yacni waxaad moodaa in
ay aad uga qurux badan yihiin waxyaalaha
kale dadkii waxay la yaabi jireen midabkan
aan cadaana ahay Afrikaana ahay oo inaga iyo
Axmaarada iyo qolo carabaha ka mid ah isku
midab baan nahay cadaankii waxay odhan waa
maxay dadkan aan madowga ahayn Afrikaankiina
waxay odhan kuwan aan midabkiina lahayn
maxay idinka dhexsocdaan laakiin aaway
dadkii madaninyayn lahaa ee qori lahaa ee
waxooga wax ka dhigi lahaa aaway waaba la
hilmaamay.
BNN > Boramanews.com Kala Soco Qaybta
Labaad Ee Waraysiga Oo aad u xiiso
Badan
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|