Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Anigu wax aan qoomameeyo waxaan idhi waxaa jira ( hays raacdo diidaye hays raamsatee daa !!!!) Qaybtii Labaad Ee Waraysigii Bnn La Yeelatay Abwaan Sangub

       (Updated:-(Mon.4.Feb..2008)
Halkan ka Akhri Qaybtii Hore ee Waraysiga ( CLICK HERE

HA IS RAACDA DIIDAYE HA IS RAAMSATEE DAA!!!!!!!!
WALIGAY DAWLAD KAMA HOR IMAN KANA HOR IMAN MAAYO!!!!!!
WAXAA WARAYSTAY: Xasan Ciise

Waxaa ii suura gashay in aan waraysi dheer oo dhinacyo badan oo fanka soomaaliyeed ah aan la yeesho Abwaanka Caanka ah Maxamuud C/laahi(Sangub) kaas oo aan ku waraystay magaalada Jabuuti ee wadanka jamhuuriyada Jabuuti, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:



BNN:
Abwaaniinta iyo fanaaniinta kale ee dunida kala joogta ma iska war haysaan mise ninba meesha uu joogo ayaa lagu hilmaamay?


Sangub:Iskama war qabno anaga oo aan u kala bixin qabiil anaga oo jecel in uu wadanka Soomaaliyeed wax noqoto iskama war hayno oo waa la kala mashquulay,markaa Telefen layska warsadayna mar hadii hawshii aan dadka u hayney aan la wada haynin waxba ma tarayo,waan iska war qabnaa ninba meesha uu joogo laakiin calaaqaad wax lays waydaarsado oo aan wax wada qabano ma jiraan inta badan ma lihin.

BNN: Suugaantu intee in le’eg ayey kala kaxaynta iyo isku keenida ummada ka qayb qaatan kartaa?

Sangub: Een suugaan iska daayee dubo yar hadii aad qaadato guri waad ku dumin kartaa oo dhib badan malaha dumintu laakiin sida wax loo dhiso ayaa adag ama lay sugu keeno, hadii wadanku dhisan yahay oo xoog leeyahay suugaantu waxba ma yeelayso iyo wax kasta oo la yidhaahdaaba, waayo qofka indheer garadka ama gabyaaga waxa uu arko uunbuu ka hadlaa hadii aad tidhaa waabaan sii sheegay waxba kama jiraan hadii aad soo gasho aqal qurux badan waa qurux badan yahay uun baad odhan hadii uu qashin dhexyaalana qashinbaa dhexyaala uunbaad odhan, waxgaradkuna waaba intaas uun dadbaa yidhaa waan sii sheegay ma walibaa? Maa loo waxyooday? Xagee ka keenay? Ba ka soo qaad (Xoriyo nin Gayaa Ha Guursado) waa laygu dhibay waxayna ka hadlaysay gumaystayaashii Faransiis,Talyaani,Axmaaro, Ingriis iyo waliba shirkii Baarliin ee wax lagu qaybsaday,fureheeda waxaa ku jiray Faynuus Sh. Daahir ayaa matalaysay gumaysiga Hooyadooda Faarax Guuleed Naxariistii jano Allah ha siiyee ayaa matalayey Ingriis oo waa kii calankoodu meel walba ka taagnaa hadana waa kii inta yar uun uu yeeshay,ayaa wuxuu odhan jiray: hooyaday gacalooy geedkan aan hadhsanayno way yaraatay guntiisu, gabdho aynu dumaalno oo googol dhaaf u samaynana waa gad aynu naqaanay ee aan galangal bilownee xagee baynu u guuri? Waxay odhanaysay Faynuus Sh. Daahir: Hooyo gees madow iyo guriga Soomaaliyeedbaa lagu sheegay gayaan iyo gabdho aad u wanaagsan waa in aynu u guuro oon ka gufayno danteena markaa taas ayaad ka garanaysaa dad soo duulayey in ay ka hadlaysay laakiin waxaa la raacay murtidii heega dhacaysay markaa lahaa gobsanaa hablahayagu waxaan ka hadlaayey shantii Soomaaliyeed oo laysku keenay waxaa kale oo ay xambaarsanayd taariikh oo Seef baa la kala dumaalaayey oo maxamed Axmed wuxuu matalyey Axmed Guray oo waa kuu lahaa: dhalin yahay wadaadkiyo waligooda raacsani,dhalin yahay wax garadka ahi dhalin yahay walduxaa iyo watiinta lagu dhalay adduunyada warbaa jira iyo weerar joogta ah ee weshada Ilaahay, waa Sayid Maxamed Ninka matala ee odhanaya: walee xoriyooy xaq baa imanoo,xalaal meherkaagu wuu noqon waaka la leeyahay: xorriyooy war iga hoo,waa dadkii xabaalaha jecelkii xaqa ahaa xageebuu maraayaa? Xubnihii shanta ahaa wali xadhigii kama jarin,markaa waxaa lumaya wixii aad ku soctay oo siday doonaan ayey u rogayaan markaa waxaa jiray kii kacaanka necebna alayleh waad riday ayuu odhan jiray kii kalena tuugyahaw waan ku og nahay,intii aan noolaa wali wax I waydiiya nin baan maalin dhawayd arkay oo I waydiiyey xorriyo maxaad uga jeeday? Anigu wax aan qoomameeyo waxaan idhi waxaa jira ( hays raacdo diidaye hays raamsatee daa !!!!) oo maxaa ii geeyey waxaan tiriyey hees la yidhaahdo ( Kii Dhintaaba Waa Ani) waxaan sameeyey dadka yahaaburka ee isku yaacay xagee baan ka yaahiyaa, waxaan sameeyey Sh.Soomaaliyoow Ducee waxba waa layga maqli waa yey mayd badan oo meel yaala aan u imid markaasaan idhi hays raacdo diidaye hays raamstee daa!!! Kalmadaas ayaan wax dawlad ama ummad dhibaateeya aan idhi laakiin hadii la rogo sidii loo rogay ayuunbay noqon hadaan Melelik aan caayey dee ninkii necbaa maamulkii jiray ayuu ka dhigan karaa oo way u noqon kartaa markaa ninkaa dhalinyarada ah ayaan arkay wax I yidhaahda riwaadaa waa lagu wareeray ee maxaad uga jeeday? Dadka kale waxa ku waydiinaya oo kuula soo noqonaya qisadeedu maxay ahayd ma jiro oo waxaa ku jiray : unadan goor walba wada shirteen go’aan aan gaadhayn gurcud iyo cadceedan is qabsadee hadalkan gaagaaban, cilmi falagan guuraynayee dayaxa guudka laga saarayt,gordaniyo suuradan kala durkee godobta sheegaaya, guntaniyo bayaatkan isdhacee ee geela kala qaaday,gartan uu afyuubkii lahaa gari aqoon waayey,xilmaha gadoodee gudunta soofaystay,amaano aan gucleeyiyo dirirka guuleeya, gaaranahan ordaaye waqitugu iba garaacaayo,garba raaca ceelka u go’ee godobka doonyeystay,in kiiska kuu gabaday ee habeenku u galee liita,dhaclaha yuuraree ilmadu ay dhabanka gaadhay,dariiqaa gadmaday ee geesna u bixi waayey, guuguulahaa ciyee ee la garan waayey,geeddoojiyayaasha ee diiday suradooda,ka gaadh siida iyo guura bahalaynta,gantaalaha ninkii ridi ogaa amarka loo galiyey,Unadan goorwalba wada shirtee ee aanu fulin go’aankeedu,dawladahan wada gobta ah ee aan hadana gaadhin wali vito.
Hadii gari nin keeno oo laga garaabaayo, hableheeni ciil kuma gaboobeene,way laba dhaclayn goor iyo ayaane, oo gibil cadaan iyo madow ima gabraarteene,gurigii awawgay lahaa golihii u ooteen,galoolkaan astaanta u lahaa ma gooyeene,
Haday garan waxay odhan lahayad goosta xadhigii.
Sidii wixii u dhignaa ayaa la soo rogay shantii ayaa nin laga saaray oo shantii golaha sare ayuunbaa lagu soo fadhiisiyey,cidna I warsanmaysee cidnaba imaba daafacaysee sidii loo qaaday uunbaan ana iskaga aamusay ilayn wax difaacaya iyo cid ka gar naqaysa midnaba ma jiraane oo xataa yaa qori oo xafidaba wixii.
 koley hadee fanka isaga oo bilaaban oo jira ayaan ku soo biiray oo maanaan ahayn dadkii dhibka faraha badan ka soo gaadhay oo macalimiin ayaa nooga horaysay ka soo qaad Xuseen Aw Faarax, C/laahi Qarshe,Xasan Sh.Muuminkii dhawaan dhintay iyo dad kale oo fara badan Cali Sugule oo hada Imaaraadka ku nool waxaa kale oo jiray kuwo kale oo heesayaal ahaa , markaa anagu fanka oo dhisan oo dhibaato wayn aan la qabin ayaan nimid hasa yeeshee, wixii la abaabulaaba taran ayuu sameeyaa anagu waxaan galay tarankii ay dadkaasi abaabuleen.anigu hadii aan hadii aan kaaga waramo taariikhdayda waxaan fanka ku biiray aniga oo yar waxaanan ka soo jeedaa deegaanka Dhagaxbuur, waayadaa horena fanka kuma biiri jirin qof wayni ee dadku iyaga oo yar-yar ayey soo gali jireen lagan yaabo in ay reerkooda ama qosykooda isku khilaafsan yihiin oo dhuumasho ayaa lagu soo gali jiray, marbaa waxaa jirtay in aan hablahayaga magacooda aan qarain jirnay waad aragtay Guduudo shamis baa la yidhaa dee Baxsan Saynab baa la yidhaahdaa, naxariistii Alah ha siiye Magool Xaliimaa la yidhaahdaa, Dalays Khadiijaa la yidhaahdaa, adu yaanan kugu daaline Duniyo Xareedaa la yidhaahdaa,

BNN: Markaa waxay ahaayeen magacyo aad ku qaraynayseen si dadku aanu u fahmin?

Sangub: Haa waxaan rabnay in aanay dhibta dadku ku badan sidaas waxaad ku garanaysaa waxani in aanu ahayn wax ay soomaalida qadiim ku ahayn, waayo waxaa laga yaabaa gabadha soomaaliyeed ee boodaysa in ay aabeheed iyo walaaladeed oo jooga raga u soo marto oo ay boodo gabadhu maanta oo dhan way ciyaaraysaa oo nimankaas ayey isku jijibinaysaa oo kaa dhib looma arkayn caawa oo dhan ayey sidaa ahaanaysaa oo waaga ayaa ku bar yaya oo uma aanay arkayn dhib, markaa ma muusigaa dhibka keenay? Ma goor danbe ayey baraarugeen? Ma kala garanaysid ciyaar walbana inamo iyo gabdho ayaa ciyaara oo ma jirto mid ay gaar qolo la tahay.
Marka aan arintaa sii falanqeeyo fankii hore waxa uu ahaa mid jirid leh oo ah in uu nabad galiyo hadaha Soomaaliyeed oo raggii waxan soo aas-aasay waxay doonayeen in aan dadka yaga wadada fiican aan barno anaguna waxaan ku ahayn heshiis oo qofba qofka uu ka danbeeyo tixgaliyo oo macalin yidhaahdo dee maanta waad aragtay oo qofku wuu iska soo galayaa oo cajalad buu heesihii ka dhegaysanayaa isaga oo aanay cidi u fasaxin kii laxanka sameeyey ma waydiinayo, kii sameeyeyna ma waydiinayo kii qaadayeyna ma waydiinayo kii u tumayeyna xataa ma waydiinayo,markaa waxaad moodaa in uu intaas oo qofba ka kaaftoomay xataa kii saxa ahaa oo wax saxaahayey.

Waxaa kaaga daran dadka soomaaliyeed ma yaqaanaan waar waxan hebel baa noo tumayey ama noo qaadayey ee waar naga daa oo isagaasaa loo aqoonsanyaa aroosyada o ayuu ka qaadayaa oo idaacadihii ayuu ka qaadayaa oo loo mashxaradayaa oo xataa Idaacaduhu ma odhanyaan waa tii hebel qaadayey oo kaydiisa ayey ku jirtaaye saara ma odhanayaan kolayna waxa uu ahaa wax nidaam leh oo la kala leeyahay oo dawladi kala wado oo sharci kula socda oo alaab dawladeed la isticmaalayo oo kala danbayn iyo nidaa m leh oo inta badan garab iyo waxa ilaaliyaba leh laakiin hada ma laha wax daryeela iyo wax ilaaliya toona mar hadii muusig loo tumayo yaa lehba laysama odhanayo markaa waxaad moodaa in ay aad u kala fog yihiin oo farqi wayni u dhaxeeyo labada xilli ama fankii hore iyo kan maanta.


BNN: Waqtiyadii lixdameedii iyo todobaatameeyaddii waxaa la odhan karaa waa waqtigii casru dahabigii fanka soomaalida markaa kooxiihii faraha badnaa ee jiray sida Horseed, Waabari, Jenaraal Daa’uud iyo kuwo kaleba kooxahaas faraha badanleh ma dawladaa samaysay mise iyaga uunbaa isabaabulay oo iskoodu iskaga samaysmay?

Sangub:Way jirtay waqti hore oo lixdameeyadii amaba ka horaysay iyo waqti ka danbeeyeyba waxaa jiray dad isbaabulay oo aan cidna waxba la qaban oo samaysatay oo si fiican wax u waday laakiin waqtigii ay soo gaadhay lixdameeyadii waxaa usha u waday dad shaqaale ah oo markaa qofka aan shaqaale dawladeed ahayn waxbaba ma samayn karayn, deedna waxaa laga madhan jiray dadkaa marba cidii ka soo dhex baxda waad ogayd heesihii hir galay qayb wayn bay ka qaateen,kooxuhuna waxay kala ahaayeen qaybo fanku markii uu hirgalay ee uu yeeshay qaybo kala duwan ee uu dhoofay isla markaana yeeshay qalab casri ah ama uu yeeshay golayaal lagu tumo oo qaraabi la soo tumo lixdan iyo dharwkii ayaa ay bilaabantay in ay dawlada u shaqeeyaan,markaa waxaa ugu xoog badnaa waagaa koox la odhan jiray Xoogga Dalka oo aniguna aan ka mid ahaa waxaa taa ka horaysay koox la odhan jiray Radiyo Muqisho waxaanay u badnaayeen dad badan oo dhar cad ah oo dagaalkii 1964kii ciidamada lagu daray markii aan dagaalanay ianaga iyo Axmaardu waxaa kale oo nalagu soo daray Baxsan iyo Cusmaan Aadam oo markaa ayaan bilawnay riwaayado in aan dhigno markaa kooxdaas oo jeneraal Daa’uud la odhan jiray ama xoogga dalka iyo tii radiyo Muqdisho iyo tii kale ee Raadiyow Hargaysa ayaa laysku daray oo loo bixiyey Waabari intaas waxaa laysku daray markii kacaankii dhashay intii kalena waxaa laga kala dhigay Halgan waxay ahayd kooxdii guulwadayaasha, Heegena waxay ahayd Booliska Iftiin waxaa lahayd waxbarashada Danwadaahaga waxay laaheen koox iyaguna, markaa sagaal kooxood ayaa nasiib u helay in la sameeyo qaarna ha ahaadaan qaran qaarna hay’ado kale gacanta ha ku hayaane kooxda waabari ee aan ka tirsanaa waxay ahayd kooxda qaran ama hooyada fanka aniguna iyada aan ka mid ahaa, markaa fanku waxa uu booday oo aad u hirgalay markii kacaanku dhashay oo la sameeyey muusig casri ah ama mid dibada laga keenayba la tumay kolkaa fankii sidaa ahaa maanta u malaynmaayo in uu sidii yahay oo cid tix galisaaba jirtaaba dadkiina waa kala lumay oo ninba meel ayuu iska joogaa kuwa meelahaa joogaana waxa ay noqdeen dad in badan soo shaqeeyey oo aan xiiso badan u qabin waayo waligii waxaa laga yaabaa in aanay raaxo badan fanka ku arag intii yarayd ee shanqadhu jirtayna waa iska dhamaatay markaa fankii wax wayn baa helay markii ay burburtay dawladii soomaaliyeed, markaa fili maayo in uu sidii ku noqon karo oo anagu waxaan soo gaadhanay gabayadeenii oo cusub oo ma jirin dad badan oo jaamacado ka soo baxay ma jirin saamaynta satalite-yada, internet-ka iyo massmedia-aha kale ee hada hadheeyey adduunka oo waxan la kulanay dhaqankii oo dadku waxa ay xiisaynayeen in ay bartaan gabayga ama heesaha sidaas ayaa dhashay in fankii hore jirid yeesho laakiin maanta ma jiro cidi hadal haysa oo baahiba looma qabo oo waxaan baahiba loogu qabin ma jiraan dad danaynaya oo xiisaynaya mararka aan wax dhigayno waxaa noo yimaada dad dhalin yar ah ee ma jiraan dad waawayn oo hooyooyin ama waalid ah amaba aqoonyanao ah oo ka soo qayb gala waxa aan soo bandhigayno ma jiraan dad waayeel ah oo ka soo qayb galaya markaa waxay odhanayaan anagu diin uun baan leenahay ee dhaqan ma lihin oo horta anagau muslimiin baan nahay oo diin waan leenahay lamana badali karo diinta waxbana laguma dari karo lamana dhimi karo Ilaahay baana iska leh diinta markaa diintu inama odhan geel baad dhaqataan oo geeska Afrika ayaad degtaan oo qori baad qortaan, taas waxaa ina odhanaya dhaqan ab ka soo gaadh ah ama aan idhaahdee Hide ilayn dhaqanku waa maalinlayda ayuu la socdaa oo waxaa ka mid ah shaadhka aan xidhanahay makarafoonkan aad wax igaga qabanayso markaa dhaqanku maalinlayda ayuu la socdaa ee hiduhu waa dhiilkii aan qoranaynay, Haragii aan ku seexanaynay Cawskii aan Hararka ka samaysanaynay wixii aan biyaha ku ku cabaynay weelkii aan caanaha ku lisanaynay iyo wixii kale ee la midka ahaa, anaga waxaa nagu dhacday markii aan dibadahaa tegnay in la yidhaahdo qowmiyad walayba ciyaara dhaqankaaga iyo hidahaaga caruurtayadii way garan waayeen markaas ayaa la yidhaahdaa waryaada maydaan lahayn dhaqan iyo hide idiin gaar ah, markaa ayaa da’yartii waxay ku khasban yihiin in ay dhaqan kale qaadaan oo ku cayaaraan ama daawadaan,waxay ka mid ahayd ceebaha nagu soo baxay hadii aad tidhaahdo wax barna aabo gantamaya ama hooyo lalaysa ama nin culimaan ahay leh oo lalaya ayaa ku soo galaya, kolkaa waxay noqotay in ay dhalinyaradii daawadaan TV-ga shisheeyaha ama ciyaaro shisheeye ilayn waa in ay waqtiga ku buuxiyaan wax aan ahay dantooda ilayn qofna meel cidla ah fadhiyi maayee.

Markaa waxaa muuqda dadkii waalidka ahaa ama wax kala garanayey in ay gaabiyeen oo kaalintoodii gabeen, imika waxaa jira wadanka jabuuti ayaa aad iskugu hawlay oo wax badan in uu ururiyo isku dayey, waxay sameeyeen Tixmaal, iyo Halabuur oo waxay ururiyeen abwaaniin badan iyo qorayaal badan wax badan ayey qabteen Aw jaamac iyo Afrax halkan ayey joogaan oo hawl badan ayaa la qabtay oo dadkaas wax qora ayaa la yidhaahdaa, magaaladan Jabuuti ee aad arkayso waxaa ka buuxa abwaano iyo hal abuuro fara badan oo hadii la aruuriyo oo dodo loo sameeeyo wax wayn bay qaban karaan markaa waa in abaabul loo sameeyo oo dadka la jeclaysiiyo oo ay Idaacadaha ka soo baxaan waxaana muuqata in ay Jabuuti wax wayn ay qabanayso oo ay dadaalayaan waana in la helo dhaqankii.

BNN:Aan ku noqono fankaagii hore ilaa waabari markaad ka mid ahayd amaba ka horba ilaa maanta imisa riwaayadood baad samaysay?

Sangub: kolay waxaan ahay abwaaniinta ninka ugu riwaayado badan oo taas muramo kama joogo amaba ugu heeso badan intii aan qalabkan duubista la keenin iyo maantaba wax badan baan sameeyey markaa hadii aadan riwaayadii magaceeda iyo abtirkeeda aan lagu darayn waa wax yar uun wixii laga xasuustaa heesihii ma duubna kaydkii Idaacadihii loo doonan lahaana ma jiraan,sida aad og tahayna riwaadaha qaarkood waa hir galaan qaarna waxaa laga yabaa in aan muhiimadeeda lagu baraarugin,markaa anigu way badan yihiin riwaayado badan baan sameeyey markaa in aad I waydiinayso riwaayadee baad ugu jeceshahay iyo mooyaane aad bay u badan yihiin.

BNN: Inta aanan ku waydiin riwaayadee baad u jeceshay aniga laftayda waxaa jira mid aan aad uga helo in kasta oo aan yaraa waagii la dhigayey riwaayadaas waana riwaayada (waa maadays adduunyadu dadkuna way matalayaan) dadku waxay yidhaahdaan abwaanku riwaayadaas waxa uu uga jeeday mucaaradnimo oo dawladii waagaa jirtay ayuu ka soo horjeeday maxaa ka jira arintaas?

Sangub: Dadka had iyo jeer sidaas yidhaahda waa dadka aan hal abuurka ahayn eek u gabada magaca halabuurada oo aad moodo in ay cabudhsanaayeen, anigu waligay dawlad kama hor iman kamana hor imanaayo, khaladna waa kaa dhici karaa maadaysana waxaan keenay adduunkii oo aan Kaaryoone saarnay oo waxaan keenay Hayle silaase iyo Xaaskiisii oo Wayaguuta haya riwaayadana waxay ka hadlaysay S/galbeed oo aduunkan anigu iskama lihin waxanay ahayd dacwad oo la lee yahay na daw mariya oo Afrikadiina ay odhanayso waa juuq la’ oo aan hadlayn oo aan waxba kuu qabanayn markaa umaba ekayna oo sumadiibaa muuqatay markaa waxa ay Sahra Axmed Matalaysay jamhuuriyadihii midoobay Dhabarlowna waxa uu matalaayey gobanima doon mana anaan qarin oo Kuuba iyo Ruushba waan soo saarnay oo ku jiray oo waxaan soo dhignay miiskii xaqa riwaayadaasina waxa ay ku saabsanayd S/Galbeed dee Jamhuuriyadii Soomaaliyana canaan badan ayey ku lahayd oo ma anaan qarin oo in ay wax qabtaan way ku jirtay Maxamed Siyaad barrena waxa uu aad iyo aad u jeclaa in ay dalalka inaga maqan xoroobaan oo qudhiisa ayaa xornimo doon ahaa markaa dadka meelahaa ka sheekeeya ee yidhaahdaa anigu waagii heestaa heblaayo waxaas ayaan uga jeeday oo mucaarad baan ahaa waxba faa’iidayn mayso oo maanta ayey soomaali riwaayad wada tahay oo geed walba la hoos jiifaa cidii wax dhigaysa oo matalaysa oo xabaashii badatay oo shisheeyihii ku soo kordhay oo maanta ayaa geed walba riwaayad noqon karaa.

BNN:wali inaga oo ku jirna riwaayadan waa maadays waxaa jirtay in magaalooyinkii waawaynaa ee Soomaaliya badankeeda laga dhigay riwaayadan laga bilaabo Boorama ilaa Kismaayo waxaanay lahayd shacbiyad badan oo theatersku dadka ma qaadayn maxaa ugu wacan baad filaysaa?

Sangub: Kolay fanku waa sida kubada oo dharaarba qofkii wax fiican soo bandhiga ayaa laga daba dhacaa dharaarta aad wax la yaab leh keento ayaa aad loo xiisaynayaa waayo dadka Soomaalidu waxay hada ugu daawasho badan yihiin Qabyo1 iyo Qabyo laba sababtuna waxaa weeye guri aan laga daawan maanta ma jiro,allaa riwaayadahaygu xagga lacagta wax bay ka badali jireen oo Qabrigii Jeceylka waxaan ku billownay iyada oo ay riwaayaduhu yihiin saddex shillin waxay tegtay iyadu shan shillin ilaa qaayo waxay tegay 10 shillin Xorriyo nin Gayaa Ha Guursado waxaa gaadhay 20 shillin Waa maataysana waxaan ku billownay 100 shillin oo habeen qudha waxaan go’ynay 10,200 oo shillin waayo riwaayadaa wadatay oo waxaa ku jiray 11 heesa, waxaa kale oo jiray heeso la kala qaadanayo waxaa kale oo ku jiray waxyaabo badan oo dadka taabanaya iyo Sarbeebo badan markaa wax badan oo dadku xiisaynayaan baa ku jiray hadii aanay dadka taabanayn waxaas oo dhami ma yimaadeen marka qofba si ay u taabataba dadka ayey xiiso galinaysay.

BNN: Ma kula tahay in riwaayadahaaga faraha badan ee aan la koobi karayn ay u badnaayeen jeceyl mise wadani?

Sangub: Horta wax walba way lahaayeen aniga riwaayadii iigu horaysay oo nin Cusmaan Aadan la yidhaahdo tababar badan aad ii siiyey waxaa la odhan jiray( Naga Guur) Ingriis markuu guuray waxaa wadankii qabsatay ninkii gaalka ahaa oo midab madow leh ayaa dhulkii joogay ilaa markii danbe doorasho la galay oo wax isbadaleen waxaanan u jeedanay naga guur kuwaa dawlada gondaha hayey oo la soo shaqeeyey gumaysigii Ingriiska ama Faransiiska ayaan lahaa naga guur tii labaadna waxaa la odhan jiray (La mood Noqonse Wayday) waxaanan moodaynay NFD in ay na soo raacayso wayse noqon wayday waxaa iyaduna jirtay riwaayad la odhan jiray ( Ninka Xiiray Ha Joogee Anagaa Xusul Duubi)noocaas oo kale waxay ahaayeen wadan markaa waxaan soo dhexgalay qaabkii ciyaala suuqa oo Biif Baaf ayaa la odhan jiray GEEL XERA KA DEDIS iyo waxay ahaayeen riwaayado waxayna ka hadlayeen dadkan walhanaya ee dhaqankoodii ka guuraya oo qudhadkoodu wadani iyo qosol bay ahaayeen Biif Baaf waxaan ka hadlaayey Pease Corps-kii uu Maraykanku keenay oo suxuunta inoo keenay isku soo wada duuboo (Yaxaas Dhaga Duub) waxay ka hadlaysay dhaqan xumada dadka lagu sameeyo oo wadaa og tahayoo qofka qayilaa waxa uu soo jiitaa qof aan qayilin gabadha xumaataa waxay soo jiidataa gabadh wanaagsan si ay u kharibaan ka go’a hagoogtaa habeenkii ku aan hagoogan ayuu soo jiitaa markaa dhalinyarada la xumeynayo iyo dawladii markaa jirtayba aad ayaan ugu tilmaamayey, gabdhihii soomaaliyeed oo filimka bartay iyo waxyaabo kale ayaan kaga waramaynay iyaga oo aan aqoon xataa in ay guri kale u wareegaan waxaas oo dhan ay taataabanaysay.

BNN:Marka aad riwaayadaha samaysaan ma idinka ayaa awood u lahaa ka abwaan ahaan in aad hobolada u kala dhiibtaan, mise waxaa jiray gudi qiimeeya riwaayadaha oo aad sii marsiin jirteen?

Sangub:Arintaasi waxay ahayd kow iskama anaan dhigi jirin ee inta aan la gaadhin dawladba waxaa jiray gudi baa eegayey oo qiimaynayey in ay riwaayadu u qalanto lacagtii la galiyeyna soo celinayso iyo in aanay soo celinaynin marka la qiimeeyo in ay ummadda u cuntamayso ayaa intaan la maal galin ayaa qisadeeda iyo heesaheeda loo gudbin jiray Faaf reeb kuwaasuna wax bay ka go’ayn jireen oo waxaa laguu keenayaa qof aan afkiiba si fiican u garanayn oo waxa looga jeedo aan fahmayn oo hadii aad aqalkaygan iigu soo gasho waxaad u baahan tahay in aan ku kala tusho meesha musqusha qolka fadhiga oo adigu gurigan waad ku cusub tahay oo ma kala garanaysid oo gurigaagii mid ka badalan baad timid oo markaa halkaa wax baa looga jeedaa waa ku jirtay oo cudurkaasi ma dhamaan markaa waxaa badatay in riwaayadaha aad loo eego intii yarayd ee ay sii daayeen markaan dhigno ayaa hadana shicibkii odhanayaan sidaas ayaa looga jeedaa hadana waa lagaa daba imanayaa, way jireen gudi eegta oo wixii xun ka saartaa wax aan la fidh garayna lama dhigi jirin,laakiin heesaha iyaga cid eegi jirtay ma jirin oo waxaa ku jiray qaladaad badan xagga Rabi u xun ama si kaleba u xun oo waxaad arki mid leh xalay cirkaan tagay waar cir ma tagi kartide nin seexday malaha waa riyooday uune waxa caqliga u dhow ku hadal oo anigu waxaan ka warami karnaa kaliya wixii ay isheenu aragto oo qudha ayaan ka war bixin karnaa waxaa kale oo jiray ninkii raba in wixiisu hir galaan dadka ayuu kaga ag sheekaynayey si loo yidhaahdo waar maxaad uga jeeday eraygaas oo isna isku saxo marka danbe qaarna way ka qarsanayeen oo sidii laga xadayo.

BNN: Waxaa jira abwaaniin fara badan oo wadanka ka qaxday oo aaday halkaa iyo galbeed sida adiga oo kale rag badan shanqadh lagama maqal laakiin adiga Qabyo kow iyo lababa waad samaysay lagan yaabo kuwo kale oo aanan maqlana in ay jiraan adiga markaa maxaa kuguu dhaliyey in aad ilaa halkaa qurbaha aad la aado fankii oo aad wadato?

Sangub:Sida runta aniga waxaa igu dhaliyey qofku haduu waxa uu sheeganayo daacad ka yahay waa in uu dadkiisa gaadhsiiyaa maanta gabay muxuu gaadhi karaa markaa waxaa maanta loo baahan yahay in dadkii loo magaaleeyo oo si ay fahmi karaan wax loogu sheego hadaan idhaa waan gabyayaa oo kaliya waa layga dareerayaa oo qofku waa in uu ogaado sidee ayuu dadkiisan dhacbay ee jabay ee dhaawacan wax ugu qaban karaan markaa wax fara badan ayaan sameeyey ka soo qaad Nayroobi markaan tagay waxaan sameeyey riwaayad la yidhaado ( Ummad Wada Qorqoda aan Wax u Qaybi Is leeyahay) oo aan mujtaca aan kaga hadlaayey mid kale oo Kenya naga dalbatay oo aan sameeyey ayaa jirtay oo la odhan jiray ( Afrikaay Bogahaaga Dhayo) oo markii danbe laygu dacweeyey oo la yidhi Moi ayaad u jeedaan, waxaa kale oo jira Filim aan sameeyey oo la yidhaahdo ( Halkay Qoontu Ku Taal Dhakhtarkii Qaliwaa) oo wali boogtii soomaalida cid gaadhay ma jirto oo waa loo maaro la’yahay waxaa jirta iyaduna sagaalay oo meelahaas laga daawado soo wad waxaa markaa dhibkii ka jiray W/America ka jiray si fiican u cabiray Qabyo kow iyo laba markii halkan Carta laysugu yimidna waxaan sameeyey riwaayad la dhaho Appeal Ma leh oo aan soomaalida cidna waxba waydiinayn oo laga waraysanayn waxaa kale oo jira laba filim oo aan sameeyey oo wax layga badh xaday oo la yidhaahdo ( Xaajo Ugub kow iyo Xaajo Ugub Laba) wali ma soo bixin waanan duubay oo waxaan rabay in aan meelahaas ka maqan aan kabo, intaas oo dhan waxaa ii dheeraa marna gabayba maan dayn waxaan ka bilaabay markii ugu horaysay ee aan qaxanay oo nala siiyey bahal cad oo nala garaacay oo dhuudhigu lugaha naga galay oo aan rafaadnay kolay weel yar baad wadataa ee marka aad ii imanayso weel weyn soo qaado oo aan kuu buuxiyo sidii dadka suugaanta faqiirka ka ah oo labada gabay ama heesood la waasha wax yar ha soo qaadane weel weyn aan gabay kaaga buuxiyo soo qaado.

BNN: Markii aad tagteen Waqooyiga Marykanka tagteen ama galbeedkaba suugaantooda iyo tan Soomaalida midkee hodansan baad isleedahay marka aad isbarbar dhigtay?

Sangub: Kolay North America ama England waan arkay wax isku dhow ma nihin, dadka aadamiga ahina murti maal iyo muusig maal ayaa la yidhaahdaa inagu murti maal baan nahay iyaguna waa muusig maal waayo waxay doonayaanayaan in ay iska sheekeeyaan muusigana la tumo inaguna murti maal baan nohoo waxaa laga yaabaa caawa oo dhan in uu hal gabay wado, iyagu halkaa gabay waxay ka dhigayaan boqol hees markaa wax isku dhow iyo wax lays garab dhigi karo midna maba ahba,laakiin waxaa weeye iyagu woxoogii bay habaysteen inagana wexeenii ma habaysna oo waa kala daadsan yahay markaa laakiin wax lays garab dhigi karo ma ah oo hideheenu dunida oo dhan ayuu ugu hodansan yahay.

Waxaan kuu sheegayaa oo dhan ah markii aan anigu joogay oo aan agaasimaha ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ka ahaa waxaa noo diwaan gashaan 333 ciyaarood oo anaan waliba gobolada qaarkood ama deegaanada qaarkood wada tagin, aduunkana hal ciyaar uunbay leeyihiin oo halkaas uunbay kula hor imanayaan, waxaan leenahay hido ridmo la’aan la ciyaari karo adduunku malaha ciyaar ridmo la’aan la ciyaari karo, inaga ciyaarheena cagta iyo sacab ayaa laysla helayaa meel kasta oo aan tagno anaga ayaa kow, laba iyo sadexba gali jirnay, ka soo qaad Saylici, Walasanqo, Beeray,Bulo, Dhaanto iyo Ceerigaabo waxayna la yaabi jireen cod iyo cag aan is waayeyn ta u badan baa leh wax yar oo gudhub gudhub ah dee ciyaaraha adduunkana waxaa lagu tumaa taguugado tarbuugado badan iyo qalab kale oo fara badan iyo shanqadho kale oo fara badan sidaas ayaad ku garanaysaa in hideheenu hodan yahay oo xeradii gabayga ayaan nahay, adduunyadu laba iyo waxaan dhaamin ayey kuu sheegayaan ianaga afartii meel iskugu timada sadexbaa gabayda anigu carabahaas iyo Turkigii da’da waynaa ma aqaan laakiin kuwaa kale sidaas ayaan u kala duwa nahay, mid kale habheena ayaa ka qurux badan marka ay sadex qaydkii ay xidhaan inamaduna ay xidhaan macawus iyo go’ii dawaarsanaa xidhaan ama guntiinadii dhexda ka dawaarsanayd xidhaan yacni waxaad moodaa in ay aad uga qurux badan yihiin waxyaalaha kale dadkii waxay la yaabi jireen midabkan aan cadaana ahay Afrikaana ahay oo inaga iyo Axmaarada iyo qolo carabaha ka mid ah isku midab baan nahay cadaankii waxay odhan waa maxay dadkan aan madowga ahayn Afrikaankiina waxay odhan kuwan aan midabkiina lahayn maxay idinka dhexsocdaan laakiin aaway dadkii madaninyayn lahaa ee qori lahaa ee waxooga wax ka dhigi lahaa aaway waaba la hilmaamay.

BNN: Abwaaniinta iyo fanaaniinta kale ee dunida kala joogta ma iska war haysaan mise ninba meesha uu joogo ayaa lagu hilmaamay?
Sangub:Iskama war qabno anaga oo aan u kala bixin qabiil anaga oo jecel in uu wadanka Soomaaliyeed wax noqoto iskama war hayno oo waa la kala mashquulay,markaa Telefen laysky warsadayna mar hadii hawshii aan dadka u hayney aan la wada haynin waxba ma tarayo,waan iska war qabnaa ninba meesha uu joogo laakiin calaaqaad wax lays waydaarsado oo aan wax wada qabano ma jiraan inta badan ma lihin.

BNN: Suugaantu intee in le’eg ayey kala kaxaynta iyo isku keenida ummada ka qayb qaatan kartaa?

Sangub: Een suugaan iska daayee dubo yar hadii aad qaadato guri waad ku dumin kartaa oo dhib badan malaha dumintu laakiin sida wax loo dhiso ayaa adag ama lay isugu keeno, hadii wadanku dhisan yahay oo xoog leeyahay suugaantu waxba ma yeelayso iyo wax kasta oo la yidhaahdaaba, waayo qofka indheer garadka ama gabayaaga waxa uu arko uunbuu ka hadlaa hadii aad tidhaa waabaan sii sheegay waxba kama jiraan hadii aad soo gasho aqal qurux badan waa qurux badan yahay uun baad odhan hadii uu qashin dhexyaalana qashinbaa dhexyaala uunbaad odhan,

Waxgaradkuna waaba intaas uun dadbaa yidhaa waan sii sheegay ma walibaa? Maa loo waxyooday? Xaguu ka keenay? Bal ka soo qaad (Xoriyo nin Gayaa Ha Guursado) waa laygu dhibay waxayna ka hadlaysay gumaystayaashii Faransiis,Talyaani,Axmaaro, Ingriis iyo waliba shirkii Baarliin ee wax lagu qaybsaday,fureheeda waxaa ku jiray Faynuus Sh. Daahir ayaa matalaysay gumaysiga Hooyadooda Faarax Guuleed Naxariistii jano Allah ha siiyee ayaa matalayey Ingiriis oo waa kii calankoodu meel walba ka taagnaa hadana waa kii inta yar uun uu yeeshay,ayaa wuxuu odhan jiray: hooyaday gacalooy geedkan aan hadhsanayno way yaraatay guntiisu, gabdho aynu dumaalno oo googol dhaaf u samaynana waa gad aynu naqaanay ee aan galangal bilownee xagee baynu u guuri? Waxay odhanaysay Faynuus Sh. Daahir: Hooyo gees madow iyo guriga Soomaaliyeedbaa lagu sheegay gayaan iyo gabdho aad u wanaagsan waa in aynu u guuro oon ka gufayno danteena markaa taas ayaad ka garanaysaa dad soo duulayey in ay ka hadlaysay laakiin waxaa la raacay murtidii heega dhacaysay markaa lahaa

Gobsanaa hablahayagu waxaan ka hadlaayey shantii Soomaaliyeed oo laysku keenay waxaa kale oo ay xambaarsanayd taariikh oo Seef baa la kala dumaalaayey oo maxamed Axmed wuxuu matalyey Axmed Guray oo waa kuu lahaa: dhalin yahay wadaadkiyo waligooda raacsani,dhalin yahay wax garadka ahi dhalin yahay walduxaa iyo watiinta lagu dhalay adduunyada warbaa jira iyo weerar joogta ah ee weshada Ilaahay, waa Sayid Maxamed Ninka matala ee odhanaya: walee xoriyooy xaq baa imanoo,xalaal meherkaagu wuu noqon waaka la leeyahay: xorriyooy war iga hoo,waa dadkii xabaalaha jecelkii xaqa ahaa xageebuu maraayaa? Xubnihii shanta ahaa wali xadhigii kama jarin,markaa waxaa lumaya wixii aad ku soctay oo siday doonaan ayey u rogayaan markaa waxaa jiray kii kacaanka necebna alayleh waad riday ayuu odhan jiray kii kalena tuugyahaw waan ku og nahay,intii aan noolaa wali wax Ia`i waydiiya nin baan maalin dhawayd arkay oo I waydiiyey xorriyo maxaad uga jeeday?

Anigu wax aan qoomameeyo waxaan idhi waxaa jira ( hays raacdo diidaye hays raamsatee daa !!!!) oo maxaa ii geeyey waxaan tiriyey hees la yidhaahdo ( Kii Dhintaaba Waa Ani) waxaan sameeyey dadka yahaaburka ee isku yaacay xagee baan ka yaahiyaa, waxaan sameeyey Sh.Soomaaliyoow Ducee waxba waa layga maqli waa yey mayd badan oo meel yaala aan u imid markaasaan idhi hays raacdo diidaye hays raamstee daa!!! Kalmadaas ayaan wax dawlad ama ummad dhibaateeya aan idhi laakiin hadii la rogo sidii loo rogay ayuunbay noqon hadaan Melelik aan caayey dee ninkii necbaa maamulkii jiray ayuu ka dhigan karaa oo way u noqon kartaa markaa ninkaa dhalinyarada ah ayaan arkay wax I yidhaahda riwaadaa waa lagu wareeray ee maxaad uga jeeday?

Dadka kale waxa ku waydiinaya oo kuula soo noqonaya qisadeedu maxay ahayd ma jiro oo waxaa ku jiray : unadan goor walba wada shirteen go’aan aan gaadhayn gurcud iyo cadceedan is qabsadee hadalkan gaagaaban, cilmi falagan guuraynayee dayaxa guudka laga saarayt,gordaniyo suuradan kala durkee godobta sheegaaya, guntaniyo bayaatkan isdhacee ee geela kala qaaday,gartan uu afyuubkii lahaa gari aqoon waayey,xilmaha gadoodee gudunta soofaystay,amaano aan gucleeyiyo dirirka guuleeya, gaaranahan ordaaye waqitugu iba garaacaayo,garba raaca ceelka u go’ee godobka doonyeystay,in kiiska kuu gabaday ee habeenku u galee liita,dhaclaha yuuraree ilmadu ay dhabanka gaadhay,dariiqaa gadmaday ee geesna u bixi waayey, guuguulahaa ciyee ee la garan waayey,geeddoojiyayaasha ee diiday suradooda,ka gaadh siida iyo guura bahalaynta,gantaalaha ninkii ridi ogaa amarka loo galiyey,Unadan goorwalba wada shirtee ee aanu fulin go’aankeedu,dawladahan wada gobta ah ee aan hadana gaadhin wali vito.
Hadii gari nin keeno oo laga garaabaayo, hableheeni ciil kuma gaboobeene,way laba dhaclayn goor iyo ayaane, oo gibil cadaan iyo madow ima gabraarteene,gurigii awawgay lahaa golihii u ooteen,galoolkaan astaanta u lahaa ma gooyeene,Haday garan waxay odhan lahayad goosta xadhigii.

Sidii wixii u dhignaa ayaa la soo rogay shantii ayaa nin laga saaray oo shantii golaha sare ayuunbaa lagu soo fadhiisiyey,cidna I warsanmaysee cidnaba imaba daafacaysee sidii loo qaaday uunbaan ana iskaga aamusay ilayn wax difaacaya iyo cid ka gar naqaysa midnaba ma jiraane oo xataa yaa qori oo xafidaba wixii.


Hassan Isse
Bnn)Borama News Network
Boramanews.com.com

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye