Hargeysa(Bnn)-Guddidii
Wasiirada ahaa ee Dhex-dhexaadinta ay xukuumadu u
magacawday , ayaa maanta si wada jir ah uga hadlay
hawshii dhex dhexaadinta ee uu waday Gudoomiyaha
Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro, waxana ay ku
Eedeeyay in uu ku fashilmay hawshii dhex dhexaadinta.
Wasiirul dawlaha Wasaarada
Arrimaha Gudaha Mudane Xasan Axmed Ducaale ‘’Xasan
Macalin’’ oo ka mid ahaa guddidaasi xukuumadu u
xil saartay hawsha dhex dhexaadinta uu Gudoomiyaha
Golaha Wakiiladu waday , ayaa ka hadlay
marxaladihii ay soo mareen kulamadii dhex
dhexaadinta khilaafyada dalku , waxana uu yidhi
‘’Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu isagoo huwan magaca
golaha oo ixtiraamkiisa leh waxa uu noola yimid
inuu hawshaa dhex dhexaadinta gelo , anagoo inuu
ka soo jeedo xisbi Mucaarid ah , oo xubin fir
fircoon ka ah xisbiga UCID , cid uu khilaafku naga
dhexeeyayna uu yahay Mucaaridkii , ayaanu hadana
aqbalnay dhex dhexaadintiisa, iyadoo ay naga tahay
niyad sami , mudo ku dhow bil ayuu hawsha waday oo
marna warqad ayuu anaga (Xukuumada) marna wuxuu
nagu soo noqonayay isagoo warqad sida, waraaqaha
aanu u dhiibno wax dood ah iyo munaaqisho ah
nagalamuu gelinayn oo sida aanu ugu dhiibno ayuu ku
qaadanayay waraaqda uu noo keenana wax qancin ah
nagama uu siinayn , xataa marna nooma uu sheegin
mowqifka ay taagan yihiin Asxaabta Mucaaridku’’.
Wasiirul dawlaha Arrimaha Guduhu
oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi ‘’Anagu mar
kasta oo aanu la kulano waxaanu u soo jeedinaynay
in hawshu tahay mid culus oo uu blaadhiyo cid
hawsha la gasha ,t aasi oo maanta maragna noqon
lahayd waxyaabihii aanu isla soo marnay , balse
arrintaasi kumuu qanicin , anagu iyadoo aanu u
ixtiraamayno Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaanu
u sii daynay inuu hawsha dhex dhexaadinta sii wado
, laakiin waxaanu u arkaynay in ay ka tan weyn
tahay’’.
Mudane Xaan Macalin waxa uu
sheegay in dhawaan gudoomiyaha Golaha wakiiladu uu
u sheegay inuu faraha kala baxay dhex dhexaadintii
uu waday , waxana uu yidhi‘’Bishan May 8-deedii
ayuu markii hawshii dhaafi wayday inuu warqadna
naga qaado warqadna noo keeno oo aanu u aragnay in
lagu daalayo , waxana aanu u soo jeedinay in si
dhab ah loo galo , waxana aanu soo jeedinay in
aanu si fool ka fool isu soo hor fadhiisano
xisbiyada Mucaaridka ah oo uu iskugu kaayo yeedho
oo aanu afkayaga ku wada hadalno , isaguna uu
gudoomiyo oo uu siidhiga noo hayo , gabo gabadii
wuxuu nagu yidhi hawshii muddo ayaan waday waan
soo gabo gabaynayaa oo halkaasi ayaan kaga baxayaa’’.
Wasiirul dawlaha Arrimaha Guduhu waxa uu sheegay
in ay xukuumadu isku dayday in aanay dhex
dhexaadintu bur burin oo ay Wasiiro u direen
Gudoomiyaha xisbiga UCID ‘’Anagoo ka dedaalayna in
aanay wada hadaladu bur burin , waxaanu
gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka UCID u dirnay
saddex Wasiir , waxana ay uga warameen hawsha uu
gudoomiyaha wakiiladu waday halka ay marayso ,
waxana Wasiiradii u sheegeen in aynu isa soo hor
fadhiisano si aanay wada hadaladu u baab’in ,
waxana Gudoomiyaha UCID iyo saddexdii Wasiir isla
qaateen in hawsha dhex dhexaadinta loo wareejiyo
iyo Komishanka Doorashooyinka hawsha ay sii
daadejiyaan oo dhinac waliba xisbiyada Mucaaridka
iyo dawlada ay soo diyaariyaan xubno uga qayb
gala wada xaajoodka’’.
‘’9-kii Bishan ayuu Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu u
tagay Akaadamiga Nabada ,waxaanu si rasmi ah ugu
wareejiyay hawshii dhex dhexaadinta , Akaadamigu
markiiba way noo yimaadeen , waxana aanu u
sheegnay in aanu aqbalnay , guddiyadii nooga qayb
geli lahaa wada hadaladana aanu magacownay , waa la
yaab leh maadaama oo 9-kii Bishan uu sheegay inuu
ka baxay dhex dhexaadintii waxay tahay dhex
dhexaadinta uu leeyahay Madaxweynaha ayaa iga diiday’’
ayuu intaasi raaciyay
Wasiirul dawluhu. Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB ,
Maxamed Ismaaciil Bulaale waxa uu yidhi ‘’waxaan
maqlaa madax siyaasiyiin ah oo ku doodaya mudadii
Madaxtooyadu way dhamaatay 16-ka Bisha May ,
qalalaase ayaa dhacaya , halkaasi waxaad moodaa in
la diidan yahay go’aankii golaah guurtida oo
dastuurku iyaga u xil saarayo muddo kordhinta ,waxa
inagu soo korhay diiwaan gelin oo saddexdii doorasho
oo hore aan jirin , dhawaan ayaa xeerkii diiwaan
gelintu dhaqan galay waxana xeerkaasi faral ka
dhigay in lagu dhaqmo aan laga leexan karin ,
doorashooyin kalena aan la qaban karin diiwaan
gelintii codbixiyayaasha la’aantood , doorashada
Golaha Deegaanka ayaa ka horeysay Madaxweynaha
oo ku ekayd 15-kii Bishii December ee la soo
dhaafay , wax hadal haya oo leh wakhtigoodii wuu
dhamaaday ee ha laga dareeriyo ma jirto , waxaanay
sugayaan Golayaal deegaan oo xilka kala wareega ,
waxana tiradoodu tahay 371 xildhibaan oo dalka
gidhiisa , markaa ma arko sabab loo
yidhaahdo doorashada Madaxtooyadu maxay dib ugu
dhacday’’.
Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB waxa uu sheegay
in cida Guurtida diidaa ay ka soo hor jeeod
dastuurka dalka , isagoo xusay in aanay xukuumadu
tanaasul ka samaynayn dhinaca sharciga oo ay mar
walab difaacayso qaanuunka.‘’Anagu gogosha iyo
wada hadalka ayaanu ogol nahay Akaadamiga nabadu
gogosha ay noo fidisayna waanu soo
dhawaynaynaa , wada hadalka marna ma diidayno oo
waanu ku qasban nahay’’ ayuu yidhi Mudane Bulaale.
Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha
Somaliland Mudane Cabdi Xasan Buuni , oo shirkaasi
ka hadlay ayaa sheegay in dhibaato siyaasadeed
aanay dalka ka dhici doonin, waxana uu yidhi
‘’Anigu waxaan qabaa in wax dhibaato siyaasadeed
ah oo dalka sida loo dhigayaana khatar geliso
Somaliland maanta in aanay jirin , saddexda xisbi
qaran waxa kaliya ee ay isku hayeen ee ay is
weydiinayaan waxa weeye doorashada sidii loo geli
lahaa oo dastuurka loogu dhaqmi lahaa’’.Mudane Cabdi
Xasan Buuni oo hadalkiisii sii watay waxa uu
yidhi ‘’marka la eego hadaladii uu gudoomiyaha
Wakiiladu nooga keenayay xisbiyada Mucaaridka
Gole dastuur ah oo ah Guurtida Qaranka oo ay
marna odhanayeen ma aqoonsanin jiritaankiisa oo
ay hadana diidayeen waxa sharci ahaan ay awood u
lahaayeen oo ah muddo kordhinta , aniga ilama aha
ragga madaxda ah ee xisbiyada Mucaaridka ahi inay
odhanayaan dastuurka hala khilaafo’’.
Hormoodnews.