Boramanews@gmail.com

          

           Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

KULMIYE oo Gudbiyey Beddelka Xubintii Komishanka Doorashooyinka ee Iscasilay

           (Updated:-Tue.13.May.2008)

Hargeysa (Bnn)- Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa beddelka xubintii Komishanka Qaranka u gudbiyey Madaxweynaha, kadib markii uu toddobaadkii hore xilkii

xubnnimadii Guddiga Doorashooyinka iska casilay Md. Xirsi Cali X. Xasan oo uu hore xisbigu ugu soo xulay.Ma jiraan warar faahfaahsan soo baxay dhinaca masuuliyiinta KULMIYE. Haseyeeshee sida ay Warar Xogogaal ahi xalay u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo u dhuundaloola xisbiga KULMIYEa, waxa beddelka xubinta xisbiga KULMIYE u asteeyey in uu noqdo Maxamed Cabdalle Biikalo, isla markaana qoraalka magacaabistiisa xisbigu u gudbiyey Madaxweyne Rayaale si uu ugu gudbiyo

Golaha Wakiillada oo iyagu leh ansixinta xubnaha noqonaya Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Komishanka Doorashooyinka oo ka kooban toddoba xubnood oo ay xulistooda kala leeyihiin Madaxweynaha oo saddex xubnood soo magacaaba, Guurtida oo laba xubnood soo magacaaba iyo labada xisbi mucaarad oo laba xubnood soo kala xula, ayaa hadda waxa ka shaqeeya oo tirada Komishanka ka soo hadhay shan xubnood oo ay ka maqan yihiin labadii xubnood ee ay soo xuleen axsaabta mucaaradku, kuwaas oo labadoodaba looga saaray Komishanka asbaabo kala duwan.

Xubintii matalaysay xisbiga UCID ayaa xubnaha kale ee Komishanku ku eedeeyeen inuu ku kacay falal anshax-darro, sidaa daraadeed waxay u gudbiyeen Madaxweynaha qoraal ay ku sheegeen in aanay xubintaasi la shaqayn karayn ee Guddiga Doorashooyinka laga saaro,

sidaas ayaana loogaga saaray xubintaas. Sidoo kale xubintii uu soo xulay xisbiga KULMIYE, ayaa isna xubnaha Komishanku ku eedeeyeen inuu warbaahinta siiyey hadal aanay isla ogayn Komishanku, waxaanay ka qaadeen jagadii Guddoomiye-ku-xigeenka, isaguna waxa uu 20 daqiiqo kadib ku dhawaaqay inuu iska casilay xubinimadii Guddiga Doorashooyinka Qaranka gebi ahaanba.

Togdhernews

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye