Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Gudoomiyaha Waxbarashada ee G/awdal Prof. Daahir Maxamuud Xaddi Oo Beeniyey War Uu baahiyay wargayska Haatuf

           (Updated:-(Sun.17.Feb..2008)
 

Boorama(Bnn)Maamulka Waxbarashada G/awdal ayaa beeniyay isla markaana sheegay inaanay waxba ka jirin war lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah oo sheegayay in masuuliyiin dawladeed ay boobeen raashin quudin ah oo yaalay mid ka mid ah dugsiyada waxbarasho ee magaalada Saylac, raashinkaas oo ahaa mid loogu talo galay ardayda halkaas wax ka barata.

Warkan oo uu beeniyay gudoomiyaha waxbarashada ee G/awdal Prof. Daahir Maxamuud Xaddi waxa baahiyay wargayska Haatuf oo daabacay cadadkiisii soo baxay jimcihii ina dhaafay ee 15.Febr.o8, sid a ka muuqatay qoraalka wargayska waxa uu ku sheegay inay ka qayb qaateen boobka raashinkaas masuuliyiin ka tirsan D/hoose ee Saylac iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha dawlada ee degmadaas, Prof Xaddi ayaa waraysi uu maalintii shalay siiyay Wargayska Jamhuuriya waxa uu ku sheegay warkaas mid aan sal iyo raad toona lahayn oo waxba kama jiraan ah isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi"waxba kama jiraan raashinkaa uu wargayska Haatuf sheegay in la boobay, intii aanay warkaa daabicin oo ay ila soo xidhiidheen waxaan u sheegay inaan hubin doono, talaabadaa markii aan qaaday ee aan warkaa daba gal ku sameeyay waxaan ogaaday inaanu wax jira ahayn, mana jiro haba yaraatee wax raashin ah ooo dugsigaa laga boobay, raga uu wargaysku sheegay inuu waraystay dhinaca waxbarashada ha ahaato ama dhinaca kale iyana waa arin aan sal lahayn"

Prof Xaddi waxa kale oo uu sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya maamulka degmada Saylac iyo wasaarada waxbarashada isla markana uu xidhiidhkoodu yahay mid si wanaagsan u socda wada shaqayn fiicanina ka dhjaxayso.

Cabdiraxmaan Maxamad Habane
(Bnn)Borama News Network
Boramanews.com

 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye