Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Sheekh Shariif iyo wafdigiisa oo dib ugu laabtay magaalada Asmara.

           (Updated:-(Sun.17.Feb..2008)
 

Asmara(Bnn)Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha Isbaheysiga Xoreynta dalka Somalia Ex- Guddoomiyihii Maxkamadaha Islaamiga ayaa xalay isaga iyo wafdi uu horkacayo dib ugu laabtay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Sheekh Shariif iyo Wafdigiisa oo maalmahaan ku sugnaa xarunta wadanka Masar ee Qaahira ayaa kulamo la lahaa mas'uuliyiinta sar sare ee xukuumada Masar iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.
Sheekh Shariif ayaa Masar ka dhaadhiciyay sidii ay wax weyn ugu geysan laheyn halganka loogu jiro sidii ciidamada Ethiopian-ka dalka ugu bixi lahaayeen, waloow aysan jirin warar sheegaya ogolaanshaha arintaasi ee dowlada Masar.

Dowlada Masar ayaa kamid ah dalalka caalamka ee aad ugu soo horjeeda joogitaanka ciidamada Ethiopian-ka ee gudaha dalka Somalia.
Sheekh Shariif iyo Wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Qaahira ku sagootiyay mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowlada Masar iyo qaar kamid ah Jaaliyada Soomaalida ee Masar.
Si kastaba ha ahaatee, Isbaheysiga xoreynta dalka Somalia ee fariisinkiisa tahay magaalada Asmara ayaa wada dadaalo xoogan oo ay beesha caalamka ugu dhaadhicinayaan sidii dalka Somalia looga saari lahaa ciidamada Ethiopian-ka.

Abdifitahaam Ahmed

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye