|
|
|
|
|
|
|
Golaha Guurtidda JSL Oo
Markii Ugu Horeysay ka
Hadlay Roobabkii Barafka
Watay Ee Khasaaraha U
geystay Deegaamo Ka mida
Gobolka Awdal |
|
|
|
(Updated:-(Sun.17.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Hargeysa(Bnn)Golaha Guurtida JSL , ayaa
fadhigoodii maanta ka soo saaray hadal
qoraal ah oo isugu jira Baaq , Taageero ,
Cambaarayn iyo Gurmad Taakulayn ah.
Guurtida oo hadalkooda kaga waramay halka uu
dalku marayo iyo sida wakhtigan loogu baahan
yahay isku duubni iyo in laga feejignaado
Cadowga , ayaa waxa uu u qornaa sidan:
"Iyadda oo maanta dalkeenu sumcad ahaan meel
wanaagsan marayo dhinaca Siyaasadda Gudaha
iyo tan Dibeddaba ay wax badani inoo
qabsoomeen, inagoo xooga saarnay adkaynta
Nabad-gelyadda, caalamkuna inagu amaanay iyo
ictiraafkeenii oo soo dhawaaday.
Sidaas darteed, ayaa dad ka xun waxa
Somaliland u qabsoomay sidii caadada u
ahaydba ay soo Abaabuleen falkan xun ee
af-duubka ah, kaas oo Golahani Guurtidduna
baaqan ka soo saareen: -
Golaha Guurtidda Qaranka JSL, waxa u baaq
taageero ah u diraya Maamulka Gobolka
Sanaag, Ciidanka Qaranka ee Jiidaha Hore,
Ciidanka Booliska iyo dhammaan dadweynaha ku
dhaqan Gobolka Sanaag sidii geesinimada iyo
waddanimada ahayd ee ay uga hawl-galeen soo
qabashaddii af-duubayaashii falka xun ee
argagixisadda ah ka fuliyay Gobolka Sanaag,
kuwaasi oo afduubay Maamulihii Hay’adda GAA
Mr. Daniel Brenkal.
Golaha Guurtidda Qaranka JSL,
waxa uu Cambaarayn u jeedinayaa budhcadaas afduubka fulisay iyo cidda ka
dambaysa ee soo abaabushay, waxanay
xasuusinayaan in dadka reer Somaliland guud
ahaan iyo gaar ahaanba Gobolka Sanaagba ay
aad uga feejigan yihiin ciddii la timaada
falalkaas xun-xun, gacan bir ahna ay ku
qabanayaan iyaddoo hore Gobolkaas loogu
afduubay hay’addo, qaarkoodna ay ahaayeen
Jarmal, balse shacabka Gobolka iyo Maamulka
Dowladda ee Gobolka, oo kaashanayay
Ciidamaddu ay si geesinimo leh ugu
guulaysteen wax-ka-qabashadda arrimahaas
foosha xumaa, waxana looga digaya cid kasta
oo ku kacda Arrimahaas in gacan bir ah lagu
qaban doono, sharcigana la hor gayn doono.
Gebo-gabaddii, Golaha Guurtiddu, waxay
dadweynaha Reer Somaliland u soo jeedinayaan
in gacan buuxda la siiyo oo lala shaqeeyo
Ciidanka Nabad-gelyadda sidaa maantaba loola
shaqeeyay, horena ay ula shaqeeyeen reer
Dhoqoshay, waxanay Hambalyo iyo Boogaadinba
u dirayaan cid kasta oo gacan ka gaysatay
Badbaadinta Ninkaas Jarmalka ahaa iyo soo
qabashadii Afduubayaashaa Argagixisadda
ahaa.
Sidoo kale, waxa Golaha Guurtidu uu baaq
Gurmasho iyo Taakulayn ah u soo dirayaa
dadka Gobolka Awdal ee dhawaan waxyeeladdu
ka soo gaadhay Roobabkii barafka watay ee ku
dhuftay Degmooyin ka tirsan Gobolka Awdal,
kuwaasi oo waxyeelo ka soo gaadhay, xoolihii
oo ka baxay iyo xanuuno ka dilaacay oo dad
iyo xoolaba saameeyey.
Golaha Guurtiddu, waxa uu hambalyo u soo
jeedinayaa dadka ku dhaqan Gobolka Awdal ee
Gurmadka arrintaasi ka sameeyay haddii ay
tahay Maamulka Gobolka Awdal, Ganacsatadda,
Culimaa’udiin, Hogaan-dhaqameedyo iyo
wax-garadba.
Waxa kale oo uu halkan ku amaanaya
Xukuumadda, Weftigii Wasiiradda aha iyo
cid-kasta oo gacan ka gaysatay gurmadka
Masiibaddaas, iyo sida ay hawshaas u wadaan,
waxanay ugu baaqayaan dhammaan hay’addaha
caalamiga ah, kuwa waddaniga ah iyo
ganacsataddaba in gacan laga gaysto,
kaalmadda loo fidinaayo dadkaas ay
wax-yeeladdu soo gaadhay, haddii ay tahay
dhinaca Caafimaadka iyo haddii ay tahay
dhaqaalahaba, dadkaas oo ahaa xoolo dhaqato
, kaabihii dhaqalaahooda oo ahaa Xoolaha
noolina uu ka baxay, loona baahan yahay in
wax lagala qabto dib-u-dhiska noloshooda si
ay ula qabsadaan soo-saarista nolol
maalmeedkooda’’.
Alla Mahad Leh
Shir-guddoonka Golaha Guurtidda JSL.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|