Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Gudoomiyaha Gudida Imtixaanaadka SL Oo Kulan Balaadhan Layeeshay Ardayda Dugsiyada Sare Ee Borama

           (Updated:-(Mon.18.Feb..2008)
 

Boorama(Bnn)Gudoomiyaha gudida imtixaanaadka qaranka Mr Daauud Axmed Faarax iyo xubno kale oo xafiiskaa ka tirsan ayaa shalay kulan balaadhan kula yeeshay magaalada Boorama Ardayda dhigata fasalada afraad ee dugsiyada sare, dhawaana u fadhiisan doona imtixaankoodii shahaadiga ahaa ee GC ga.

Xubnahan xafiiska guud ee imtixaanaadka kulankoodu waxa uu ku saabsanaa baraarujinta u diyaargarowga imtixaanka GC ga ee ay u fadhiisan doonaan iyo nidaamka habraac ee imtixaankaasi u dhignaan doono, waxaanay ardayda u qaybiyeen buug koobaya qaybaha iyo habka loo qaadi doono iyo nidaamka lagu dhaqmi doono xiliga la gudo galo imtixaanada oo loo baahan yahay in la ilaaliyo, iyada oo sanadkan markii u horaysay imtixaanka GC gu ka koobnaan doono laba fasal oo kaliya Form 4 IYO FORM 3, maaadaama ardayda sanadkan qalin jabinaysaa ay yihiin lodkii u horeeyay ee lagu tijaabiyay imtixaan have GC ah.

Gudoomiyaha waxbarashada  gobolka Prof Daahir Xaddi, gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed, Maamulaha dugsiga sare ee Sh Cali Jawhar iyo qaar ka mid ah maamulayaasha dugsiyada sare ee kale oo ka qaybgalay kulankan oo ka dhacay dugsiga sare ee Sh Cali Jawhar ayaa dhamaantood ku guubaabiyay ardayda gali doonta GC ga inay la yimaadaan isku kalsoonaan iskana dhaafaan waxyaabaha muhmalka ah ee la xidhiidha wararka borobogaandada ah ee suuqa la soo galiyo imtixaanka waa la sii haystay, qishka iyo qabyaalad baa lagu siiyay dhibacaha waxyaabahaas oo qofka dib u dhiga kalsoonidana ka qaada.
 Gudoomiyaha  xafiiska imtixaanaadka guud ee qaranka Daa,uud Axmed Faarax iyo Maxamed Axmed isna ah sargaal ka tirsan xafiiska Imtixaanaadka oo ardaydaa la hadlay ayaa u sheegay in furaha imtixaanku uu yahay buugaa ay u qaybiyeen hadii ay raacaana ay imtixaanka ku guulaysan karaan,,waxa kale oo ay ardayda ku waaniyeen in qof kastaaba naftiisa oo kaliya u shaqeeyo oo aanu cid kale u shaqayn kuna kalsoonaadaan wixii ay hore u soo barteen, kana reebanaadaan qishka oo laga yaabo sida hore u dhacday qof markii hore jawaabihii oo sax ah inta uu qoray, hadana dib u masaxay kuna badalay kuwo uu saaxiibkii ka helay ama meel kale uga yimid oo dhamaantood wada khalad ah.

Waxa kale oo ay beeniyeen fikrad ay Boorama ugu yimaadeen oo sheegaysay in imtixaanka  hore loo soo dhigay oo xiligii doorashooyinka lagu beegay,waxaanay sheegeen inaanu jirin wax la soo qadimay balse marwalba wakhtigaa oo kale uun loo fadhiisan jiray
 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye