|
|
|
|
|
|
|
Gudida Gurmadka
Masiibooyinkii Roobakii ka
da'ay G/Awdal ee AACNA oo
Saxaafada siiyay Warbixin |
|
|
|
(Updated:-(Mon.18.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Hashim Goth =
Boorama, 17 Feb. Gudida gurmadka
masiibooyinkii roobabkii ka da'ay G/Awdal ee
ururka AACNA ayaa saxaafada uga xog waramay
halka ay marayso hawshii loo soo xilsaaray,
ugu horayna waxaa halkaas hadal ka jeediyay
gudoomiyaha gudida Dr.C/raxmaan Jaamac Hadi
oo yidhi marka hore waad mahadsan tihiin
bahda saxaafada, marka xigana waxaan war
idinka siinaynaa safarkii gudidu ku soo
martay 29 tuulo oo ka tirsan Awdal, hadii
aan marka hore ku horeeyo sida gudidani ku
aasaasantay waxay ahayd magacaabis ay na soo
magacaabeen qurbajooga W/America anaga oo
wakiil ka ah AACNA, waxaa la furay Acount
dahabshiil ah oo Lambarkiisu yahay DO616,
halkaas oo lagu soo hagaajinayo lacagaha,
ilaa hadana waxaa na soo gaadhay lacago
gaadhaya 20kun oo doolar, dhanka khasaaraha
soo gaadhay dadku wuxuu le'eg yahay mid aad
u balaadhan waana ugu yaraan xoolaha meesha
ku dhintay 4 boqol oo kun oo neef.

Dr.c/raxmaan wuxuu intaas ku daray in
warbixno kala duwan ay ka qoreen dhibta
meelahaas ka dhacday hayadaha samafalka,
Ururada caalamiga ah, Dawlada iyo Ururada
wadaniga ahba, balse warbixinta aan soo
qornay iyo ta dawladu ay yihiin qaar isku
dhaw hallka haydaha samafalka qaarkod meelo
kooban ay mareen ee ay ka qaateen qiyaas,
Anagu waxaan marnay 29 tuulo aadna waan u
hubinay, khasaaruhu waa 40%, lixdanka
hadhayna xooluhu waa qaar bukaan ah oo aan
dadkii waxba ugu filayn, hadaba waxaan u
sheegaynaa qofkii toos ugu soo dira
Acountkan in 1% laga qaadayo xawaalada,
hadii kale sida laga qaado 4% ayaa lagaa
qaadaya. waxaanan ku boorinayaa dadka aan
weli deeq bixin in ay dedejiyaan oo ay hore
u soo diraan, dhaqaalahaasi hadii uu noqdo
mid waafi ah waxaan samayn doonaa in aan
dadka xoolo u iibino, waayo lama quudin karo
dadkaas xooluhu ka madheen, waxaana haboon
in dadkaasi wixii ay ku noolaayeen loo soo
cesho. waxaan ku soo gabagabaynayaa in dadka
deeqaha bixinayaa ay meel qudha noqoto si
ayna meel qudha ugu dhicin, ee ay meel walba
u gaadho oo ay dhibtu gaadhay dadka baahana
ay joogaan. wixii baahi jira ee dhanka
caafimaadka, hoyga, huga iyo xoolaynta waxay
noqon doontaa in la daboolo oo lagu daboolo
deeqdaas naga soo gaadha qurbajoogaa soo
diraya.

Cor..Sh.Cismaan Axmed Sheekh/Male
Sh.Xasan deheye ayaa isna ka codsaday in
dadkaas la soo kaalmeeyo, meelahaas
aafooyinku ka dhaceena loo baahan yahay in
fikir midaysan laga yeesho. waana in laga
ilaaliyaa deeqdan xasaasiyada qabiilka,
maadaama dadka qurbuhu yihiin waxgaradkii
iyo Aqoontii umadan,

Sheekh Xasan Daheeye
Cumar C/laahi Xasan oo ah Xoghayaha
dhaqaalaha gudida ayaa ka waramay sida ilaa
hada u soo gaadhay deeqdu wuxuuna sheegay in
ay meelo kala duwan deeqdu ka timid, dadka
qaarna soo mariyeen Acountka Dahabshiil,
qaarna toos u soo direen, wuxuuna u
mahadnaqay dhamaan dadkii kaalmada soo
bixiyay. waxa la aasaasay 28 Jan, 2008,
warbixnaha intaas ay jirtay gudidu waxaan u
dirnay urirka AACNA iyo websidad qaarkood.
Otowa waxaan ka helay, 13610, Dumarka Dalas
3000$ Maxamed Dugsiiye oo ka soo diray
Kalgari 1000 $ ,Cali Baxar oo soo diray
1000$ ,Maryan Xasan dugsiiye 2700$ oo kuwait
nooga soo dirtay, hadaba dhicisku inta birta
loo sido ayuu ka bakhtiyaa ee dadkaas hala
soo caawiyo,

Sheekh Cumar Gurey
Maxamed Daahir Dhawal ayaa isna uga
mahaceliayay qurbajooga reer Awdal ,wuxuuna
intaas raaciyay in tuulooyinka ay soo
marayeen meel walba ka xaqiijinayeen odayada
goobtaas ay kula kulmeen dhibta gaadhay inta
ay le'egtahay, mudada dhibtu haysato dadka
way dheeraatay ee waxaan idinka codsanaynaa
cidii wax ku deeqaysa in ay soo dedejaan.

Sheekh Mahamed
Daahir Dhawal

Sh.Cismaan Axmed Sheekh/Male ayaa isna ku
guubaabiyay dadka deeqaha bixinaya in ay
dadaalkooda laban laabaan, isla markaana ay
yartahay ilaa hada wixii kaalmo ay heleen
dhanka dawlada iyo haydahaba, waxqabadka
dadkasina yahay waajib ina wada saaran,
waanan idiinka mahadcelinaynaa dhamaan
dadkii ka qayb qaatay deeqdaas, wixii hore
gurmad loo geyn karayay waa loo geeyay,
balan qaadyaduna way badan yihiin dhanka
dawlada iyo hayadahaba, waxaana jecelahay in
aad wixii deeq ah soo dedejisaan.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|