|
|
|
|
|
|
|
Jaamacada Carabta oo ciidamo
usoo direysa Somalia. |
|
|
|
(Updated:-(Mon.18.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Nairobi(bnn)anjiraha Jaamacadda Carabta
ee arimaha Soomaaliya Samiiral Xusni oo
maanta u waramayay Saxaafada Masar qaarkood
ayaa sheegay inay ciidamo nabad ilaalineed
usoo diri doonaan dalka Somalia.
Samiir waxa uu sheegay inay muddo Jaamacada
Carabta ay ka dhaga fareysanayay xaaladaha
isa soo taraya ee Somalia, balse ay go'aan
ku gaartay inay fara galin ku sameyso.
Danjira waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in
hada la wado qorista ciidamada Somalia la
keenayo Somalia, isla markaana muddo saddex
bilood gudahood la geyn doono.
"Ciidamadaan Jaamacada Carabta ka socda waxa
ay adkeyn doonaan ammaanka faraha kasii
baxaya ee Somalia, waxeyna la shaqeyn
doonaan ciidamada Dowlada KMG ah iyo kuwa
AMISOM" ayuu yiri Danjira.
Sababaha ay Jaamacadda Carabta uga gaabisay
arimaha Soomaaliya ayaa ku sheegay in ay
tahay in ay saluugsan tahay xaalada
Soomaaliya ,ayna markaas haboon tahay in ay
Madaxda Soomaalidu isku timaado ayna ka
tashadaan aayaha dalkooda.
Mawqifyada Jaamacadda Carabta ee Arimaha
Soomaaliya ayaa marba nooc noqda ,waxa ayna
Jaamacadda Carabta laga waayay dhaqaale ay
horey ugu deeqday dowlada Soomaaliya markii
la asaasay ayadoo ay heysteen xaalada
qalafsan oo ay ka mid ahaayeen Duulaamo kaga
imaanayay Hogaamiyaashii Muqdisho iyo Kooxo
hoose.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu
horeysay oo ay Jaamacada Carabta ka
dhawaajiso inay ciidamo ka socda usoo diri
doonto dalka ay dagaalada bur buriyeen ee
Somalia.
Abdifitahaam Ahmed
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|