Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Komishanka Doorashooyinka oo Caddeeyey Sharcinimada Ururro Siyaasadeed

           (Updated:-(Mon.18.Feb..2008)
 

Hargeysa(bnn)Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa shaaca ka qaaday in ay si waafaqsan qodobka 4aad ee Xeer No.14/2000 faqradiisa 11-aad ku shaqaynayaan, kaas oo xaq siman siinaya ururrada siyaasadeed ee buuxiyey shuruudihii looga baahnaa iyo 3-da xisbi qaran ee ku guulaystay doorashooyinkii dawlaha hoose.

Sidaana waxa ay ku sheegeen Komishanku qoraal jawaab-celin ah oo ay 2-dii bishan u direen masuuliyiinta ururka QARAN oo iyagu hore ugu soo gudbiyey qoraal ay kaga dalbanayeen faahfaahinta xeer No.14/2000 iyo sharciyadda ururkooda.

Qoraal jawaab-celin ah ee xubnaha Komishanku u direen ururka QARAN waxay ku yidhaahdeen; “Wuxuu guddigu si waafaqsan Xeer No.14/2000 qodobkiisa 4aad, xubintiisa 11aad u siinayaa ururrada buuxiyey shuruudihii looga baahnaa oggolaansho ku-meelgaadha oo ku hawlgalo, iyadoo ay 3-da xisbi qaran si waafaqsan isla qodobkaas xubintiisa 11aad ay yihiin kuwii ku guulaystay doorashadii Golayaasha Deegaannada ee dawladaha hoose.
 “Tixraac qoraalkiina ujeedadiisu ahayd xaqa tartanka doorashooyinka. Sida ka muuqata cabashada ururka QARAN, waxay ku salaysan tahay Xeer No.14/2000 ee lagu dhisay guddida diiwaangelinta ururrada siyaasiga ah iyo ansixinta axsaabta qaranka, ay hawlihiisuna ku qeexan yihiin.

Wuxuu guddigu si waafaqsan Xeer No.14/2000 qodobadkiisa 4aad xubintiisa 11aad u siinayaa ururrada buuxiyey shuruudihii looga baahnaa oggolaasho ku meel gaadha oo uu ku hawlgalo, iyada oo ay saddexda xisbi qaran si waafaqsan isla qodobkaas xubintiisa 11aad ay yihiin kuwii ku guulaystay doorashadii Golayaasha Deegaamada ee dawlaha hoose, jiritaankooduna uu sharciga waafaqsan yahay dastuurka qodobkiisa 9aad xubintiisa 2aad. Wuxuu isla xeerku qodobkiisa 2aad xarafkiisa “X” uu xaddaynayaa inuu guddigu ansaxintiisa saddexda xisbi kadib uu xilka sii haynayo muddo lix bilood ah, oo macanihiisu yahay inuu jiritaankiisa sharci noqonayo mid aan jirin.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu u igman yahay maamulka iyo ka garsooridda doorashooyinka, si waafaqsan dastuurka iyo qodobada Xeerka No.20/2001.

Sidaa darteed, Komishanka ma khusayso arrinta ururka QARAN iyo hawlaha diiwaagelinta ururrada siyaasiga ah ee uu khuseeyo Xeer No.14/2000, oo sida aannu qoraalkan ku soo sheegnay uu noqday mid aan shaqaynayn guddidaasi,” ayey ku yidhaahdeen qoraalkooda.
 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye