|
|
|
|
|
|
|
Golaha Guurtida Dood Kulul
ka Yeeshay Xaaladda Sool iyo
Sanaag/bari |
|
|
|
(Updated:-(Mon.18.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Hargeysa
(Bnn)- Xildhibaannada Golaha Guurtida
ayaa fadhigoodii shalay dood kulul ka
yeeshay xaaladda gobollada Sool, Sanaag/bari
iyo degmada Buuhoodle.
Mudanayaasha kala ah Cabdiqaadir Maxamed
Xasan (Indho-indho) iyo Cawil Cabdillaahi
Caydiid oo ka tirsan Golaha Guurtida
Somaliland, kana soo jeeda Gobolka Sool ayaa
si kulul uga dayriyey xaaladda siyaasadeed
ee Gobolka Sool oo 15 October 2007
ciidammada Somaliland ay xooga kaga saareen
maleeshiyaadkii maamulka Puntland.
Xildhibaanadan oo ka mid ahaa weftigii
xaqiiqo raadiska u tagay Gobolka Sool 29
October 2007 oo fadhigii Guurtida ee shalay
ka hor intii aanay mudanayaashu gudo galin
doodda xogogaal u noqoshada xaaladda
gobollada Sool, Sanaag bari iyo Degmada
Buuhoodle uga xorwarramay Golaha Guurtida
xaaladda siyaasadeed, nabadgalyo iyo
dhaqaale ee waqtigan ka jirta magaalada
Laascaanood iyo qaybo badan oo ka mid ah
Gobolka Sool, waxay sheegeen in siyaasadii
xukuumaddu ku hagi lehayd Sool ay xoog
gaabis u tahay oo aan habayaraatee mabda’
siyaasadeed oo Somaliland wadato laga
hirgalin deegaamadaas, balse ay millatari
ahaan Somaliland ku guulaystay
wax-ka-qabashada Sool.
Maanta ayeyna mudanayaasha Guurtidu sii amba
qaadi doonaan doodda xogogaal u noqoshada
xaaladda Gobolka Sool, Sanaag/bari iyo
Buuhoodle.
“Waxaad moodaysaa in ciidanka ku sugnaa Sool
ay ka maqan tahay siyaasadii hoggaamin
lahayd ee hagi lahayd, way joogaan
qolooyinkii maamulku, laakiin waa in isku
beel ah oo aan siyaasad dejin karin, taasina
waxay keenaysaa in khaayinkii waxay
keenaysaa kii hagaagsanaa markaa Giuurti
ahaan maanta taas baa loo baahan yahay in
xooga la saaro oo laga dooddo si siyaasadda
iyo ciidanku u wada socdaan.” Sidaa waxa
yidhi Md. Cabdiqaadir Maxamed Xasan
(Indho-indho) oo Guurtida uga warramayey
xaaladda Gobolka Sool, waxaannu intaa
raaciyey in dadkiii reer Sool ee maamulka
Puntland taabacsanaa sida garaadadii ay
maanta u muuqaan kuwo xagga Somaliland u soo
liicaya, taasi oo ay ugu wacan tahay buu
yidhi; “Maamulkii Puntland oo jiritaankiisii
eber hoos maray, oo hadhka cad la isku
baadhanayo Garoowe iyo Boosaaso.” Sidaas
darteedna, loo baahan yahay siyaasadii iyo
habkii dadkaa lagu soo jiidan lahaa ee loo
tusi lahaa in Somaliland dadka deegaanka
horumar iyo wanaag mooyaane aanay wax kale u
wadin.
Waxaannu u soo jeediyey Md. Indho in
garaadada iyo Guurtida Somaliland ka
hawlgasho sidii garaadada iyo dadka reer
Sool ee haybta ku taabacsan Puntland loogu
qancin lahaa inay walaalahooda reer
Somaliland wax la qaybsadaan.
Isaga oo Md. Indho si gaar ah u la hadlaya
Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi-waraabe) oo
ah oday ruug cadaa reer Somaliland ah, waxa
uu yidhi; “Xaaji Cabdiyoow garaadadii reer
Sool ee saaxiibadaa ahaa way ku sugayaan oo
wax soo qabta ayey la’yihiin, anigana ima
soo raacayaan ee u taga.”
Waxa uu Md. Cabdiqaadir Indho-indho intaa ku
daray in sicir-barar badani ka jiro Sool oo
magaalada Laascaanood ay ugu tageen
makiinado lacagaha lagu daabaco, iyada oo
isla markaana ay xaaladda nabadgalyo halis
ku hayso gaadiid fara badan oo dadweynaha
deegaankaas kala haysto.
Xildhibaan Cawil Cabdillaahi Caydiid oo ka
mid ah mudanayaasha Guurtida ee ka soo jeeda
Gobolka Sool muddo dheerna hawlo shaqo ku
joogay Laascaanood, ayaa isaguna golaha u
sheegay in arrinta qudha ee ka dhiman reer
Sool tahay in siyaasaddii lagu hagi lahaa
maamulka meeshaa la geeyo, “Guulo waaweyn
baa laga soo hooyey xagga ciidammada Gobolka
Sool, laakiin waxa meesha ka maqan
siyaasadii dheelitiri lahad guulaha
millitari ee Somaliland ka soo hoysay Sool,
runtiina taas meesha way ka maqan tahay,
waanna in arrintaa hirgalinteeda si wadajir
ah looga hawlgalo,” ayuu yidhi Md. Cawil.
Warbixintaas kadibna waxay mudanayaasha
Guurtidu dood ka yeesheen xogogaal u
noqoshada xaaladda Gobolka Sool, Sanaag/bari
iyo degmada Buuhoodle oo ka tirsan Gobolka
Togdheer, waxyana mudanayaashii doodda
shalay ka qaybqaatay in wafti ballaadhan loo
diro gobollada Sool, Sanaag/bari iyo
Buuhoodle si looga saaro wixii turxaan ah ee
meesha ku jirta, isla markaana la
qabanqaabiyo lagana wada xaajoonayo
xaaladaha ka taagan deegaanadaas.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|