Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Golaha Guurtida Dood Kulul ka Yeeshay Xaaladda Sool iyo Sanaag/bari

           (Updated:-(Mon.18.Feb..2008)
 

Hargeysa (Bnn)- Xildhibaannada Golaha Guurtida ayaa fadhigoodii shalay dood kulul ka yeeshay xaaladda gobollada Sool, Sanaag/bari iyo degmada Buuhoodle.

Mudanayaasha kala ah Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) iyo Cawil Cabdillaahi Caydiid oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, kana soo jeeda Gobolka Sool ayaa si kulul uga dayriyey xaaladda siyaasadeed ee Gobolka Sool oo 15 October 2007 ciidammada Somaliland ay xooga kaga saareen maleeshiyaadkii maamulka Puntland.

Xildhibaanadan oo ka mid ahaa weftigii xaqiiqo raadiska u tagay Gobolka Sool 29 October 2007 oo fadhigii Guurtida ee shalay ka hor intii aanay mudanayaashu gudo galin doodda xogogaal u noqoshada xaaladda gobollada Sool, Sanaag bari iyo Degmada Buuhoodle uga xorwarramay Golaha Guurtida xaaladda siyaasadeed, nabadgalyo iyo dhaqaale ee waqtigan ka jirta magaalada Laascaanood iyo qaybo badan oo ka mid ah Gobolka Sool, waxay sheegeen in siyaasadii xukuumaddu ku hagi lehayd Sool ay xoog gaabis u tahay oo aan habayaraatee mabda’ siyaasadeed oo Somaliland wadato laga hirgalin deegaamadaas, balse ay millatari ahaan Somaliland ku guulaystay wax-ka-qabashada Sool.

Maanta ayeyna mudanayaasha Guurtidu sii amba qaadi doonaan doodda xogogaal u noqoshada xaaladda Gobolka Sool, Sanaag/bari iyo Buuhoodle.

“Waxaad moodaysaa in ciidanka ku sugnaa Sool ay ka maqan tahay siyaasadii hoggaamin lahayd ee hagi lahayd, way joogaan qolooyinkii maamulku, laakiin waa in isku beel ah oo aan siyaasad dejin karin, taasina waxay keenaysaa in khaayinkii waxay keenaysaa kii hagaagsanaa markaa Giuurti ahaan maanta taas baa loo baahan yahay in xooga la saaro oo laga dooddo si siyaasadda iyo ciidanku u wada socdaan.” Sidaa waxa yidhi Md. Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo Guurtida uga warramayey xaaladda Gobolka Sool, waxaannu intaa raaciyey in dadkiii reer Sool ee maamulka Puntland taabacsanaa sida garaadadii ay maanta u muuqaan kuwo xagga Somaliland u soo liicaya, taasi oo ay ugu wacan tahay buu yidhi; “Maamulkii Puntland oo jiritaankiisii eber hoos maray, oo hadhka cad la isku baadhanayo Garoowe iyo Boosaaso.” Sidaas darteedna, loo baahan yahay siyaasadii iyo habkii dadkaa lagu soo jiidan lahaa ee loo tusi lahaa in Somaliland dadka deegaanka horumar iyo wanaag mooyaane aanay wax kale u wadin.

Waxaannu u soo jeediyey Md. Indho in garaadada iyo Guurtida Somaliland ka hawlgasho sidii garaadada iyo dadka reer Sool ee haybta ku taabacsan Puntland loogu qancin lahaa inay walaalahooda reer Somaliland wax la qaybsadaan.

Isaga oo Md. Indho si gaar ah u la hadlaya Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ah oday ruug cadaa reer Somaliland ah, waxa uu yidhi; “Xaaji Cabdiyoow garaadadii reer Sool ee saaxiibadaa ahaa way ku sugayaan oo wax soo qabta ayey la’yihiin, anigana ima soo raacayaan ee u taga.”

Waxa uu Md. Cabdiqaadir Indho-indho intaa ku daray in sicir-barar badani ka jiro Sool oo magaalada Laascaanood ay ugu tageen makiinado lacagaha lagu daabaco, iyada oo isla markaana ay xaaladda nabadgalyo halis ku hayso gaadiid fara badan oo dadweynaha deegaankaas kala haysto.

Xildhibaan Cawil Cabdillaahi Caydiid oo ka mid ah mudanayaasha Guurtida ee ka soo jeeda Gobolka Sool muddo dheerna hawlo shaqo ku joogay Laascaanood, ayaa isaguna golaha u sheegay in arrinta qudha ee ka dhiman reer Sool tahay in siyaasaddii lagu hagi lahaa maamulka meeshaa la geeyo, “Guulo waaweyn baa laga soo hooyey xagga ciidammada Gobolka Sool, laakiin waxa meesha ka maqan siyaasadii dheelitiri lahad guulaha millitari ee Somaliland ka soo hoysay Sool, runtiina taas meesha way ka maqan tahay, waanna in arrintaa hirgalinteeda si wadajir ah looga hawlgalo,” ayuu yidhi Md. Cawil.

Warbixintaas kadibna waxay mudanayaasha Guurtidu dood ka yeesheen xogogaal u noqoshada xaaladda Gobolka Sool, Sanaag/bari iyo degmada Buuhoodle oo ka tirsan Gobolka Togdheer, waxyana mudanayaashii doodda shalay ka qaybqaatay in wafti ballaadhan loo diro gobollada Sool, Sanaag/bari iyo Buuhoodle si looga saaro wixii turxaan ah ee meesha ku jirta, isla markaana la qabanqaabiyo lagana wada xaajoonayo xaaladaha ka taagan deegaanadaas.
 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye