Abu Dubai (Bnn)Madaxweynaha
Somaliland Dahir Rayaale Kaahin iyo weftiga
la socda oo shalay socdaal aan rasmi ahayn
ku yimid Abu Dhabi, Caasimadda Isutaga
Imaaraadka Carabta, ayaa maanta qado sharaf
la wadaagay Sheikh Xamadaan bin Zaayid Al
Nahyaan oo ah ku-xigeenka Raysul Wasaaraha
isla markaana ah Guddoomiyaha Bisha Cas ee
Imaaraadka Carabta.
Sida aan ka helay
ilo-xogogaal ah waxa la filayaa in uu
Madaxweynuhu maalinta Salaasada 20 Feb. 2008
la kulmo madaxda Ururka Bisha Cas oo la
filayo in ay Somaliland ka caawiyaan
mashaariic dhawr ah oo ka mid yihiin
dibu-dhiska waddooyinka dalka.
Socdaalka Madaxweynaha
ayaa la filayaa in uu furay xidhiidhkii
go’anaa ee Carabta iyo Somaliland.
Inta badan Carabta oo ay
hor kacayaan Masar iyo Sucuudiga ayaa ka hor
jeeday in la soo dhaweeyo Somaliland,
laakiinse socdaalkan oo ka dambeeyey
safarkii Madaxweyne Rayaale ku tegay
Maraykan iyo booqashadii ay Jendayi Frazer
ku timid Hargaysa ayaa tilmaamaya in
Maraykanku lug ku leeyahay.
Madaxweynuhu waxa la
filayaa in uu dadka Reer Somaliland la kulmo
maalmaha soo socda, waxana laga yaabaa in uu
Imaaraadka u dhaafo dalal Carbeed oo kale.
Awdalnews