Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Jaaliyada soomaalida gobolka eastern cape ee K/Afrika oo lagu casuumey furitaanka baarlamaanka gobolkaasi, una gudbisey cabashooyin.

           (Updated:-(Mon.18.Feb..2008)
 

Eastern Cape(Bnn)Eastern Cape, oo ah gobol aad u weyn oo ka tirsan K/afrika, oo ey ku dhaqanyihiin soomalida ugu baddan ee dalkani joogta, dhibaatooyinka ugu baddana eey ku gaaran soomaalida, ayaa jaaliyada gobolkaasi markii ugu horeysey lagu marti qaadey furitaanka baarlamaan goboleedka eastern cape. Waftiga jaaliyada oo balaarnaa kana koobnaa 6 xubnood, ayaa waxaa hor boodayay Gudoomiyaha oo lagu magacaabo Qaasim Boosh ayaa kadib kulankii baarlamaanka kulamoo goonogooni ah la qaatay gudiyada xildhibaanada, iyo gudoomiyaha gobolkaasi, oo markii dambe waftiga loo kaxeeyey gurigiisa oo mudo 3 saacadood ah oo eey lahaayeen wadahadalo daba dheeraaday oo saabsan xaalada soomaalida iyo sida wax looga qaban karro.

Gubarnatooraha (gudoomiyaha), aya balan qaaday in xukumadiisa heerka goboleed eey geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doonto wax ka qabashada dhibaatada soomaalida heysata, sidoo kalane sheegey in kulamada jaaliyada iyo maamulkieeda eey noqon doonaan kuwo joogto ah. Waxa eey haweeneydani gudoomiyaha ah ka deyrisey xaalada soomaalida gobolkaasi ku heysata oo eey sheegtey in aan indhaha laga qabsan doonin, sida dilka, dhaca gubida iyo boobka wadarta ah.



Waftiga jaaliyada ayaa kala ahaa .

1-qaasim bosh cali gudoomiyaha jaaliyadda
2-c/raxmaan c/Raxmaan Raabi gudoomiye kuxigeenka jaaliyadda
3-c/raxmaan nuur jilley xoghaya ahna madaxa arimaha bulshadda
4-asad daa'uud diini xubin
5-c/nuur adan c/raxmaan madaxii hore ee arimaha bulshadda
6-yuusuf macalin cabdi xubin

Tani waa astaan fiican oo markii ugu horeysay mujineysa, sida wanaagsan ee madaxda dalkani eey qadarin iyo dareen bini’aadanimo ugu muujineyso soomaalida, oo dad badan oo soomaali ah eey ku eedeynjireen in joogitaanka soomaalida iyo dhibaatadooda la inkirey. Kulankani ayaa kusoo aaday iyadoo maalinimadii jimcaha eey gudi sare oo ka tirsan jaaliyadani eey la kulmeen wakiilka UN-ka u fadhiya wadamada K/Afrika dhaca oo eey kala hadleen xalinta dhibaatooyinka soomaalida, wakiilka oo lagu magacabaao ayaa ergadii soomaalida ee uu la kulmay u sheegey in eey dowlada dalkani ka dhaadhiciyeen in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto dhibaatada soomaalida heysata. Arrintani oo iyaduna aheyd talaabo hormar leh oo muujineysa in dhanka haboon eey wax u socdaan .


Somalitalk

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye