|
|
|
|
|
|
|
Warsaxaafadeed Xisbiga UDUB
Kasoo Saaray Kulankii Ay
layeesheen Wafti Ka Socda
Safaarada Faransiiska Ee
DJibouti Oo Booqday
Hargeysa |
|
|
|
(Updated:-(Tue.19.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Hargeysa(Bnn)
War saxaafadeed (Press release).
Waxa dalka Somaliland booqosho ku yimi wefdi
ka socda Safaarada Faransiiska ku lee dahay
dalka Djibouti , 17/02/08. Wefdiga waxa
hogaaminayey Thierry Choinier oo ah Premier
Secretary of Republic of France Embassy in
Djibouti . Waxa kulan wada jir ah la yeeshay
wefdiga 18/02/08
Saddexda xisbi qaran ee dalka Jamhuuriyadda
Somaliland. Mr. Thierry oo uga waramayey
ujeedada safarkiisa ayaa sheegay inay ku
yimaadeen booqasho rasmi ah ayna rabaan inay
wax ka ogaadaan bal sida ay u qabsoomayaan
doorashooyinka ka dhici doona Somaliland
sanadka dabayaaqadiisa.” Waanu la soconaa
wax yaabaha wanaagsan ee ka socda Somaliland
” ayuu yidhi diblomasiga fransiisku.
Waxanu u sheegnay diblomaasiga faransiiska
taariikhda soo jireenka ah ee Somaliland ,
waxa kale oo aanu kala hadalay sida beesha
caalamku
Aqoosiga Somaliland u hagratay,iyo sida
beesha caalamku ugu xidhayso Somaliland inay
wada hadlaan Dawladda ku meel gaadhka ah ee
Somaliya “ Yaanu la hadalaa, waa la og yahay
waxa ka socda Somaliya dagaalo, barakac iyo
murug siyaasadeed. Ma waxa la doonayaa
inaanu qayb ka noqono burbrurka iyo
dagaalada ka jira Somaliya. Waxanu ka
codsanaynaa dawladiina inaad hormood ka
noqotaan aqoonsiga Somaliland .
Waxa dawladaha qaar nagu yidhaahdaan horta
ha naga horeeyaan dawladaha Midowga Africa,
waxa doraad madax bannaanidooda ku dhawaaqay
Kosovo iyagoo ka go’day Serbia oo aan raali
ka ahayn inay ka go’do. Way ku kala jabeen
dawladaha midowga Yurub. Waxa markiiba
aqoonsaday Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga
Ingiriiska iyo Maraykankuba, kuma aanay
xidhin inay wada hadlaan Serbiya, kuma aysan
xidhan inay kala tashanayaan dawladaha
midowga Yurub oo ku kala q aybsamay. Waxanu
rajaynaynaa inay taasi wadada u xaadhi karto
in Somaliland si toos ah loo aqoonsado oo
cidii na danaynaysaa nagu xidhin cid kale.
waxa kale oo aanu uga waranay inay socoto
sidii loogu diyaar garoobayey doorashooyinka
soo socda, waxanuu u xaqiijinay inay
bilaababmayso hawshii diinwaan gelinta
codbixiyayaashu, Guddiga doorashooyinka
qaranka iyo Xisbiyaduna u safrayaan dhowaan
gobolada si ay u soo dhisaan gudiyada
doorashooyinka ee gobolada iyo degmooyinka.
Waxanu u sheegnay inay wadanka ka
qabsoomayso doorasho xor ah oo Xalaal oo
waqtigeeda dhacda, sidaanu hore ugu wada
heshiinay dhamman xisbiyada, Komishanka
doorashada iyo dawladuba.
Waxa kale oo aanu uga waranay xaalada nabad
gelyada wadanka iyo inaanu taageero uga
baahan nahay beesha caalamka sidii aanu u
adkayn lahayn nabad gelyada. Waxanu kale oo
uga waranay in nabad gelyada Somaliland ay
khatar ku hayso kooxaha wax afduuba, taas oo
aanu u baahan nahay in nalaga caawiyo
dhinaca, sida nabad gelyada booliiska oo
naloo qalabeeyo xagga gaadiidka, tababarka,
iyo isgaadhsiintaba si ay ugu suurto gasho
inay xasladaan nabad gelyada.
Waxanu toos u weydiinay diblomaasiga bal
mawqifka dawladda Faransiisku ka taagan
tahay aqoonsiga Somaliland, waxuna noogu
jawaabay inay dawlada faransiiku ka
shaqyanayso hadda sidii Somaliland loo
aqoonsan lahaa, waana mid naga go’an sidii
aanu uga hawl geli lahayn sida dawladaha
Maraykanka iyo Ingriiskuba uga shaqaynayaan
hadda.
Cumar Jama Farah
Guddoomiyaha Siyaasada Xisbiga UDUB.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|