|
|
|
|
|
|
|
Koox hubaysan oo magalaada
Dhoobley saddex qof ku dilay
shan kalena ku dhaawacay
"Damiya Rikoodhka" |
|
|
|
(Updated:-(Tue.19.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Dhooblay(Bnn)Waxaa magaalada Dhoobley ee
ku taal xadka Kenya ay koox hubaysani ku
dileen dad shacab ah oo waqtigaasi fadhiyay
goob biibiito ah ama maqaaxi ayna ku
dhagaysanayeen rikoodh ayna dad badani si
wayn ugu soo uruursanaayeen ..
Kooxdan falkan sida aad ka ah looga naxo ku
dhaqaaqday ayaa waxa ay dadkii halkaa
taagnaa ku amreen inay damiyaan rikoodhka u
baxayay iyadoo dadkii halkaa isugu yimid ay
ka dhago adaygeen inay damiyaan rikoodhka
una hoogaan samaan awaamiirta kasoo baxaysa
kooxdan hubaysan.
Kadib diidmadii ay diideen dadkii shacabka
ahaa ee ku sugnaa maqaaxidaasi inay damiyaan
rikoodhka u baxayay ayaa waxa ay sababtay
inay kooxdii hubaysnayd ay rasaas ooda kaga
qaadaan dadkii halkaa ku sugnaa iyadoo
halkaasi ay ku geeriyoodeen saddex qof halka
shan kalena ay ku dhaawacmeen.
Hadaba dadkii manta ku dhintay magaalada
Dhoobley ayaa waxaa lagu aasay qubuuraha
magaaladaasi iyadoo dhimashada dadkaasi ay
dhalisay xasaasiyad colaadeed oo ku aadan
dadkaa sida khalad ka ah loogu laayay
magaalada ayna kulaayeen koox hubaysan
Waxa kale oo ay noo sheegtay wariyahaga
"fadumoruush"iyadoo aan ku waraysanay khadka
tilifoonaka in wali ay aad ku kacsantahay
amaanka magaaladaadsi..
Hadaba ilaa hadda waxaan cidna loo qaban
falkkan lagu laayay dadka shacabka ah iyadoo
aysan jirin cid kadba tagtay kooxaha falkan
gaysatay oo isaga baxay magaalada kadib
markii ay dileen dadka shacabka ah lamana
oga ilaa hadda meesha ay u baxeen iyadoo
uusana ciidanka Police-ka ee magaaladaasi ka
daba tagin kooxahaasi.
waxa ay kale oo ay tidhi fadumo macalin
abubakar "fadumoruush"oo ah wariyahaga
halakaasi nooga soo warmaysay iyadoo kula
kulantay oday ka mid ah odayaasha halkaasi
amase duqayshida xafada oo ugu waramay sida
tan ah...
adeer anagu wali ma nu arag dil sidan oo
kale ah.
Hasa yeeshee waxaan aad uga yabanahay gooni
u goodsayaasha ,bilaa damiir layaasha , aan
ihil iyo tul toona ka dhalan in haday
dowladu si dhakhso ah wax uga qaban waydo in
aan anagu gacmahayaga wax kaga qabsan doono
mudo 24 saac.
wax ay tiri fadumoruusha oo wali halkaasi
nooga waramaysa wax aan lakulmay waalidiinta
dhalay Alla ha u naxariistee sadexdii ruux
ee halkaa ku geeriyooday iyagoo aad u
murugaysanaa misana isku diyaarinaayay hub
qaadasho amase aar gudasho...
wixii arintaa ka soo kordha waan idin la
socod siinaynaa..
Boramanewsnetwork
Abdoulkarim Qamaan Ali"Fiiri"
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|