Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Madaxweyne Yuusuf iyo Nuur Cadde oo ka wada hadlay arinta suuqa Bakaaraha.

           (Updated:-(Tue.19.Feb..2008)
 

Madaxweynaha Dowlada KMG ah Cabdilaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul-wasaarihiisa Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" ayaa ka wada hadlay arrinta ka taagan suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Labada mas'uul oo kulankoodii xalay dhacay, xili ay dagaalo culus ka socdeen agagaarka suuqa Bakaaraha, ayay ka wada hadleen qaabkii loo dhameyn lahaa xiisadaha ka holcaya agagaarka suuqa Bakaaraha iyo gudahiisa.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia oo ay xalay labada mas'uul ku wada hoydeen, ayaa la xaqiijiyay inay isku af garteen in ciidamada Dowlada KMG ah laga bixiyo suuqaasi.
Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde oo ah mas'uul inta badan lagu ammaan dhexdhexaadnimo iyo nabad jaceyl ayaa Madaxweyne Yuusuf ka dhaadhiciyay in laga saaro ciidamada DF waddooyinka soo gala suuqa iyo gudahiisa.

Sarkaal ka tirsan ciidamada DF oo kulankaasi ka qeyb galay diidayna in magaciisa la daabaco ayaa Saxaafada u sheegay in maanta iyo bari la bilaabi doono sidii ciidamada halkaasi loogu saari lahaa.
Wali lama sheegin cida lagu badalayo goobaha ay ciidamada Dowlada KMG ah baneeyaan, waloo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in lagu badali doono ciidamo Ethiopian ah oo iminkaba ku sugan waddooyinka suuqa Bakaaraha soo gala.

Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa yimid kadib markii dagaalo qasaaro kasoo gaaray ciidamada DF uu xalay ka dhacay waddooyinka soo gala suuqa weyn eee Bakaaraha.

Abdifitahaam Ahmed

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye