|
|
|
|
|
|
|
Shirweynihii KULMIYE oo
Markii u Horreysay la
Muddeeyey iyo Dareennada
Xasaasiga ah ee ku Xeeran |
|
|
|
(Updated:-(Tue.19.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Hargeysa(Bnn)- Guddiga loo xilsaaray
qabanqaabada shirweynaha labaad ee xisbiga
mucaaradka ah ee KULMIYE oo muddo soo
jiitamayey, ayaa markii ugu horreysay maanta
ugu dhawaaqay waqtiga uu si rasmi ah u
furmayo shirweynuhu oo ku began 29ka
February 2008.
Ku dhawaaqistii shalay muddaynta shirweynaha
labaad ee KULMIYE, ayaa u muuqday mid ay ku
xeernaayeen dareenno xasaasi ah oo
iftiiminayey inuu jiro khilaaf xooggan oo
xisbiga gudihiisa ah, kaas oo la sheegay
inuu salka ku hayo tabashooyin la xidhiidha
dhinaca musharaxiinta u tartamaya
jagooyinka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee
xisbiga dhexdiisa oo siyaasiyiin kala duwan
damac kaga jiro inay isu soo taagaan, isla
markaana aan wax xal ah laga gaadhin
xallinta khilaafaadka iyo tabashooyinka
KULMIYE gudihiisa, iyada oo ay jireen
dhinacyo si weyn uga soo horjeedo in lagu
dhawaaqo muddaynta shirweynaha maadaama
khilaafyo jiraan.
Warsaxaafadeed oo kooban uu gelinkii dambe
ee maanta soo saaray guddoomiyaha guddiga
qabanqaabada shirweynaha Dr. Axmed Xaashi
Oday oo lagu caddeeyey waqtiga si rasmi ah
loogu muddeeyey furitaanka shirweynaha
labaad ee KULMIYE iyo muddada uu socon
doono, waxa uu u dhignaa sidan:
“Aniga oo ku hadlaya magaca guddida
qabanqaabada shirweynaha 2aad ee Xisbiga
KULMIYE, waxaan maanta oo taariikhdu tahay
19/02/2008 si cad idiinku war-gelinayaa in
la qabanayo shirweynaha 2aad ee xisbiga
KULMIYE haddii Alle yidhaa 29/03/2008,
laguna qaban doono magaalo-madaxda Hargeysa.
Waxa laga codsanayaa dhammaan xubnaha iyo
taageerayaasha xisbiga meel kasta oo ay
joogaan (gudo iyo dibedba) in ay si buuxda
uga qaybqaataan dhammaystirka diyaargarawga
qabashada shirweynaha.
Waxa si gaar ah loogu adkaynayaa ergada ka
qaybgalaysa shirweynaha 2aad ee xisbiga inay
meel kasta oo ay joogaan si buuxda ugu
diyaargaroobaan muddada loo qabtay ee ay
haystaan.”
SOurce TOgdheernews
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|