Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Madaxweyne-ku-xigeenka oo Furay Shirweyna Lagaga Hadlayo Dhibaatooyinka Garsoorka Dalka

           (Updated:-(Thu.21.Feb..2008)
 

Hargeysa(Bnn)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa furay shalay shirweyna lagaga hadlayo hawlaha garsoorka dalka iyo waxqabadka maxkamadaha.

Shirweynahan oo loo qabtay garsoorayaasha Somaliland oo ah mid sannadle ah oo lagu falanqeeyo dhibaatooyinka garsoorka hortaagan, sidii loo xalin lahaa iyo wax-qabadka maxkamadaha dalka ee sannad kasta, isla markaana ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda, ayaa waxa ka qaybgalay hay’adaha ku shaqada leh garsoorka sida Maxkamadda Sare, Maxkamadda Racfaanka, Maxkamadda Gobolka Hargeysa, Xeer-ilaalinta Guud, Xeer-ilaaliyayaasha Gobollada, Talisyada ciidammada Booliska iyo Asluubta, qareennada, nootaayooyinka, xrunta adeegga sharciga ee Jaamacadda Hargeysa, guddiyada sharciga ee Baarlamanka [Guurtida iyo Wakiillada], Wasaaradaha Caddaaladda, Arrimaha Gudaha, Diinta iyo Awqaafta, Maaliyadda, Caafimaadka, Beeraha, Horumarinta reer miyiga, Hanti-dhawrka Guud, Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo guddida caddaaladda.
 

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa hadal uu ka jeediyey furitaankii shirkaas wuxuu faahfaahiyey miisaanka caddaaladdu leeyahay oo uu sheegay saldhigeedu ka bilaabmo saldhigyada booliska, “Garsoorku waxa uu ka soo bilaabmaa meel hoose oo aanay dadku tabayn, laakiin ah halkuu ka qalloocdo, halkaasina waa saldhigyada booliska, garsoorku haddii uu ka soo qaloocdo baadhayaasha lama sixi karo oo wuu soconayaa ilaa maxkamadda sare, horta aynu halkaa adkayno wax waliba sal bay leeyihiine,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenku.

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu ku dheeraaday hab-dhaqameedkii garsoorka ummadda Soomaaliyeed ee miyigu uu ahaa mid qalloocan, iyada la odhan jiray garta la doono af-miishaaradda si ay guulaystaan, laakiin aan la dooni jirin kuwa ugu caddaaladsan, markii magaalda la yimina la yidhi, dawladda innoogu dara ka wax inoo kala goynaya, iyadoo laga yaabo inuu yahay ka ugu daalinsan.  “Waddan kasta sawirkiisa rasmiga ahi waa caddaaladda, maalinta caddaaladdu hagaagto waddanku wuu toosaa horumarkiisu, meel caddaalad laga waayey raxmadda Ilaahayna ma taal. Halkan [
Somaliland] waxa jooga qaar yidhaahda yaanu u dharanaa ee aanu u gabanaa, ifkii buu isku gubay, aakhirana maxaad u malaynaysaan? Arrinka caddaaladdu maaha mid fudud oo meel halis ah ayuu marayaa ee aynu taxadir badan samayno, haddii ay anniga tahay iyo haddii ay yihiin maxkamadahaba, waayo annagu haddii aannu nahay madaxdii iska saarin mayno in aannu xad-gudubno. Mushkiladda ugu weyn ee ina halaagtay waa qabyaalad, waxa inaga maqan haddii aynu nahay Somaliland waar hebelow waad qaldan tahay.”
 

Waxaannu Madaxweyne-ku-xigeenku kula dardaarmay Maxkamadda Sare inay si weyn ula dagaallamaan dad uu sheegay inay caadaysteen marag-fur been abuur ah oo ay ka sameeyaan maxkamadaha, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Guddoomiye; [Guddoomiyaha Maxkamadda Sare] waxaan idinkula dardaarmayaa ku qabta arrinka gacan birra oo kuwa gidaarada fadhiya ee leh yaanu u gubanaa habeen wada qabo oo gudaha wada dhig, waa la wada garanayaa oo hebel iyo hebele. Bahda caddaaladdana waxaan leeyahay Wasaaradihii kale ama maamulkii waa kuwaa xafiisyada fiican wada haysta ee gawaadhida wada wata ee idinka ma afkii baa idinka khaldan aad wax ku doonayseen ee aad wax ku soo dhacsanayseen. Hargeysa waxa maanta ka jirta maxkamaddii gobolka ee Ingiriiskii dhisay, waxay ahayd in shanta degmo shan maxkamadood yeeshaan, annagu waanu idinla shaqaynaynaa idinku kartideedii la yimaad,” ayuu yidhi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
 

Sidoo kale, Wasiirka Caddaaladda Md. Axmed Cali Xasan (Casoowe) oo isna hadal kooban kulankaa ka jeediyey, ayaa sheegay in cabashooyin badani ka jiraan garsoorka, iyada oo hay’adaha ka wada shaqeeya garsoorkuna kala cabanayaan, “Waa la kala cabanayaa oo waxa jira cabashooyin fara badan, dadweynuhu wuu cabanayaa, hay’addahan ka wada shaqeeya garsoorkuna waxay ku kala cabanayaan dhinaca wada shaqaynta, markaa ujeedada shirkani waxa weeye in si sarraaxad ah wax walba la soo dhigo oo laga wada doodo. Nabadgelyada waxa saldhig u ah garsoorka, si kasta ha looga cawdee oo maxkamadda ayaa lagu wada kallahayaa, culays aad u ballaadhanina wuu jiraa, hadda waa la kacaa-kufayaa,” ayuu yidhi Wasiirku.
 

Waxa kale oo isna halkaa hadal kooban ka jeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), waxaannu tilmaamay baahida loo qabo in laga faa’iidaysto khaladaadka garsoor ee la galo si loo saxo wixii khaldamay.
 

ka hadlay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Md. Xuseen Axme Qaalib   (Xuseen-dheere), ayaa isaguna sheegay inay soo baxeen dad cudurka AIDS-ka qaba oo intay siliig dhiig isaga qaadeen suuqa dadka baad kaga qaadaya, waxaannu yidhi; “Waxa iminka soo baxay dad AIDS qaba oo baad dadka kaga qaada intay siliij dhiig ku shubaan suuqa la wareega oo leh waan kugu mudayaa, waa shaqo cusub oo iminka soo baxday, halisteedana leh, waa nin qori sita oo suuqa la maraya oo dadka laynaya.”
 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Ismaaciil Xirsi (Oomane), ayaa sheegay in ay degmo kasta oo ka jirta dalka Somaliland ka hirgeliyeen garsoorka marka laga reebo Degmada Madheera oo uu xusay in iyada ay qorshaynayaan sidii loogu samayn lahaa, iyada oo 50 maxkamaddood ka shaqeeyaan dalka oo dhan, kuwaas oo ay ka shaqeeyaan 94 garsoore iyo 11 xeer-ilaaliye. Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu sheegay in Maxkamadda sare sannadkan ay ka dhammaadeen 228 dacwadood una hadhsan yihiin 204 dacwadood.
 

Waxa kale uu Guddoomiyuhu ka warramay dhibaatooyinka haysta maxkamadaha dalka, kuwaas oo ay ugu daran yihiin adeegayada gaadiidka iyo xafiisyada garsoorayaasha, waxaannu yidhi; “Tayo-xumida taala waxa ka mid ah xagga sharciyadda oo tayo-xumo ku jirto, waayo dalkeenu ma leh nimaad garsoor oo dastuurkeenu ma leh xeer hoosaadyo oo maamulka garsoorku ma nidaamsana, waxaas oo dhan dhibaatadeedu garsooraha ayey aano u noqonayso ama lagu eedaynaayo. Waxay dhibaatadu ka jirtaa adeega garsoorka loogu shaqaynaayo, 50-ka maxkamadood ee dalka ka jiraa waxay leeyihiin 4 baabuur oo ay kala leeyihiin Maxkamadda Sare iyo Xeer-ilaalintu inta kale ma leh gaadiid.”
 

“Garsoorayaashu ma helaan meel garta ay ku qaadaan, ma helaan meel qofka maxbuuska ah lagu sii hayo, faylashii dhammaaday qolal lagu hayo ma jiraan. Madaxweyne-ku-xigeen; waad ogtahay halka wax marayaan waa wixii Ingiriisku ka tagay 70 sanno ka hor, haddana garsoorihii ayaa lagu eedaynayaa isaga oo aan gaadiid iyo adeeg kale toona hayn. Tusaale ahaan; xukunka nin xoolihiisa lagu qaadayo ama dil lagu qaadayo teeb googo’an oo xarfihii oo dhami maqan yihiin marka xukunkii lagu qoro waar dee waa sharci-darro, haddana siyaasaddeenna aynu isku xukuno. Waxyaalahaas oo dhami waxay ka mid yihiin dhibaatooyinka garsoorka haysta,” ayuu yidhi Mr. Oomane.  

 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye