|
|
|
|
|
|
|
Koomiishanka Qaranka ee
Diiwaan Galinta
Codbixiyayaasha oo Shaaca Ka
Qaaday In Bari Ay Furayaan
Xafiisyadii Gobolada. |
|
|
|
(Updated:-(Thu.21.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Hargeysa,
(Bnn) - Gudiga Doorashooyinka Qaranka
Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in laba
kooxood oo ka mid ah Koomiishanka qaranku, u
ambabixi doonaan maalinta bari ah dhamaan
gobolada iyo degmooyinka dalka si ay u soo
furan xarumihii gudiga doorashooyinka ee
heer gobol ilaa heer degmo.
Xafiisyadan oo loogu talo galay sidii loo
hawl galinlahaa hawl wadeenadii Koomiishanka
doorashooyinka Qaranka ee ka hawl galayaa
Gobolada iyo degmooyinka dalka, sidaana waxa
ay ka sheegeen Shir jaraa’id oo ay manta ku
qabteen Xaruntooda guud ee Magaalada
Hargeysa.
Shirkan Jaraa’id ee Koomishanka
doorashooyinku qabteen manta waxa kale oo ku
wehelinayay si wada jir ahna ay u wada
qabteen, Wakiilo ka socda sadexda Xisbi,
waxa ay ku cadeeyeen faah faahina kaga
bixiyeen bilaabista iyo guda galistaa
hawlihii diiwaan galinta oo bari si rasmi ah
u bilaabmaysa.
Gudoomiyaha Koomishanka Doorashooyinka
Qaranka Md: Maxamed Yuusuf ayaa ugu horayn
faahfaahin ka bixiyay, in maalinta bari ah
lixda gobol u kala dirayaan laba kooxood, si
ay gobolada iyo degmooyinka uga soo furan
xarumihii gudiga doorashooyinka ee gobolada
iyo degmooyinka isla markaana la hawl
galinayo dhamaan hawl wadeenadii
Koomiishanka ee goobahaa ka shaqayn jiray,
gaar ahaan kuwa aan ceeb iyo canbaarayn
lahayn waa sida hadalka loo dhigaye.
Gudoomiye kuxigeenka Koomishanka Md: Xirsi
Cali Xaaji Xassan ayaa ka dib gudoomiyaha
waxa uu faahfaahin balaadhan ka bixiyay
qaabka iyo hanaanka ay ugu talagaleen in
diiwaan galintu u dhacdo, waxaana uu xusay
in ay u adeegsan doonaan qalab aad u casri
ah iyo qaab Tignoolaji ah sida Computers iyo
waliba qaab farsamada gacanta ah si loogu
diiwaan galiyo Muwaadiniinta.
Gudoomiye kuxigeenka Koomishanku waxa uu
sheegay in ay soo kiraysteen Khabiiro aqoon
sare u leh habka loo diiwan galiyo dadka
kuwaas oo ka soo hawl galay ama ka soo
shaqeeyay dalal badan oo dunida ah, isaga oo
tilmaamay in mudo 45 Cisho ah ay diiwaan
galin doonaan dhamaan gobolada dalka, taas
oo u kala qaybsamaysa 25 cisho oo la
diyaarinayo foomamkii lagu qori lahaa
magacyada iyo macluumaadka qofka codbixiyaha
ah laga rabo ee lagu aqoonsanayo halka uu
tilmaamay in mudo shan cisho ah oo kale lagu
mari doono dhamaan gobolada, oo ay ka hawl
galayaan 380 kooxood oo qalabkoodu u dhan
yahay.
Mr. Xirsi oo ka hadlayay sida mudo shan
cisho gudahood ah loogu dhamayn karo diiwaan
galinta Codbixiyayaasha waxa uu yidhi“Waxaa
la siin doona Card kumeel gaadh ah ama
waraaq inta la ogaanayo in qofkaasi mar hore
is diiwaan galiyay iyo in kale, waxaa Xusid
mudan hadii dadka maankooda ay ku soo duxdo
shan cisho malagu dhamayn karayaa? Waxaanu
leenahay Haa maxaa yeelay 5 cisho dadka la
diiwaan galinayaa maaha saqiir iyo kabiir
mana ah tiro koob sida ay dadku u sheegeen,
waa diiwaan galin codbixiye, dadkii maalinta
kaliya codayn jiray ee isu soo bixi jiray
ayaa shan cisho lagu diiwaan galinayaa.
Iyada oo tirade diiwaan galiyayaashu ay ka
tiro badan yihiin, tirada markii hore
diiwaan galin jirtay, oo ay goobaha qaar ku
soo laban laabmayaan, sadex laabmayaan
goobaha laga shaqaynayo ee diiwaan galinta,
uma jeedo in goobihii la kordhinayo, laakiin
waxaa dhici doonta in halkii markii hore
albaab ka furnaa, ama irid kaliya laga
shaqaynayay, goobtiiba ugu yaraan sadex
albaab iyo in ka badan laga shaqaynayo, inta
badan meelaha qaarkood meelaha ay suurtoobi
waydo mooyee.” Ayuu yidhi Gudoomiye
kuxigeenku.
Gudoomiye kuxigeenka Koomishanka
Doorashooyinka Qaranku waxa uu xusay in
wixii cabasho ah ee dhinaca dadweynaha ka
timaada laga fiirsan doona waxaanu mar uu ka
hadlayay yidhi “Waxa ay tixgalinayaan gudida
doorashooyinka iyo gudiga diiwaan galinta u
igman iyo wasaaradda arimaha guduhu wax
kasta oo suuragal ah oo ay muwaadiniintu ka
cabanayaan,waxa ay ka fiirsanayaan sidii ay
suurta gal u noqon lahayd ama aanu u
fashilmeen qaabka loogu tala galay, oo ah
qaabkaa aynu soo sheegnay. Waxa weeyaan
dadka la diiwaan galinayaa dadkii maalinta
kaliya codayn jiray, shan cisho ayaa
macluumaadkoodi lagu siinayaa, 25 cishana
waa lagu sii qoray oo waa lagu ururiyay,
qaabkani waa qaab la daraaseeyay oo xag
walba laga eegay, si loo ilaaliyo in lagu
guul daraysto ama lagu fashilmo.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi
Mudane Xirsi “Waxa laga taxadarayaa in lagu
fashilmo oo ay timaado fashilaad qaran, oo
dib u dhac ku keeni karta hanaanka
doorashooyinka iyo hanaanka dumuqraadiyada
ee wadankeenu marayo ama aynu hiigsanayno
ama indhaha caalamku aadka u eegayaan, waxa
laga taxadarayaa wax kasta oo khatar keenaya
haday tahay qalab, siyaasad ahaan iyo
degaanka intaba waa laga taxadarayaa, wanan
tixgalin doonaa, waxaanay gudidu maanka ku
hayaaan siday u noqon lahayd diiwaan galintu
mid lagu guulaysto.
Mar uu ka hadlayay sida ay arintan dhinac
walba ugala tashadeen isla markaana laysula
qaatay waxa uu yidhi Gudoomiye kuxigeenku
“Arinkan waxaa isla qaatay Sedexda Xisbi
sidaan horeba u sheegay Wasaarada Arimaha
Gudaha iyo Koomiishanka waxaanay u gudbiyeen
deeq bixiyayaasha, waanay soo waafaqeen deeq
bixiyayaashu wax badan oo loo diyaarin
lahaana waa dhamays tiran yahay, wakhtiga
hadad I waydiin doontaan waxay ku xidhan
tahay marka aanu sii dayno qandaraaska ee
aanu shirkadaha qalabka iyo soft weer ka
keenaya tartanka galino, waxanu ogaanaynaa
wakhtiga ay qalabkan ku keenayaan markaa
wakhti aan gacantayada ku jirin idiin sheegi
mayno, markaanu wakhtigaa helno ayaanu
sheegi doonaa maalintaa sidii sharcigu
ahaana waxaanu u gudbin doona Madaxweynaha
si uu ugu soo saaro wareegto Madaxweyne.
Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay
wakiilada sadexda xisbi ee koomiishanka uga
wakiilka ah oo dhamaantood cadeeyay sida ay
ugu qanacsan yihiin qaabka ay diiwaan
galinta koomishanku u bilaabayaan.
Source Harowo
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|