Gabre iyo Madaxweyne
Yuusuf gacan ka hadal dhex maray.
Wararka aanu ka
heleyno qaar kamid ah Mas'uuliyiinta gobalka
Banaadir ayaa xaqiijiyeen inuu khilaaf weyn
soo kala dhex galay Madaxweynaha DF
Cabdilaahi Yuusuf Axmed iyo Gen. Gabre oo ah
Jeneraalka ugu darajada weyn saraakiisha
Ethiopian-ka ee Somalia joogta.
Khilaafkaan ayaa la xaqiijiyay inuu yimid
kadib markii Gen. Gabre uu maqlay in dacwad
ka dhan ah loo gudbiyay Ra'iisul-wasaare
Meles Zenawi.
Gen. Gabre ayaa sida la xaqiijiyay shalay
galab soo gaaray xarunta Madaxtooyada Villa
Somalia, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweyne
Cabdilaahi Yuusuf Axmed.
"Gabre waxuu soo galay howl-ka lagu shiro ee
Madaxtooyada, waxuuna soo ag istaagay
Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf, laba eray ayay
is dhaafsadeen kadib waxaan ka war helnay
Gabre oo laba dharbaaxo oo deg deg ah ku
dhuftay Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf, taasoo
sababtay in Madaxweynaha uu dhulka ku dhaco,
isla markaana madaxa darbi uu ku dhufto"
ayuu yiir mas'uulkaasi gobalka Banaadir ka
tirsan.
Madaxweynaha DF ayaa la
sheegay in markii la dharbaaxeeyay uu ku
qeyliyay erayo ay kamid ahaayeen "raali noqo
gabre ,,,,, qalad baa wax laguu fahamsiiyay
,,, ".iyo erayo kale.
Khilaafkaan ayaa yimid kadib markii
Madaxweyne Yuusuf oo dhawaan gaaray
magaalada Addis Ababa uu hordhigay
Ra'iisul-wasaare Meles codsi ku aadan in
Somalia laga badalo Gen. Gabre uu ku eedeyay
inuusan amar ka qaadan Dowlada KMG ah.
Madaxweynaha ayaa Gabre ku eedeeyay inuu
marar badan isku dayay inuu shirqool ku
dilo, isla markaana madaafiic ku garaaco
xarumaha Dowlada gaar ahaan Madaxtooyada iyo
Garoonka Muqdisho xiliyada ay madaxda ka
duulayaa.
Raggga sida gaarka ah Gen. Gabre la
saaxiibka ah uuna ka dhaxeeya isbaheysi
xooggan ayaa wxaa ka mid ah Darwiish,
Maxamed Dheere, Xaabsade iyo xubno kale oo
ka tirsan Golaha wasiirada iyo qaybaha kale
ee dawlada.
Madaxweyne Yuusuf ayaa si aad ah u diidan
ciidamada ay sida gaarka ah u leeyhiin
Darwiish iyo Maxamed Dheere oo fuliya danaha
ka soo horjeeda isaga, inkastoo uu doonayey
inay isaga ka amar qaatan dhamaan ciidamada
dawlada sida uu doonana u adeegsado si ay
awooda dawlada oo dhan gacanta ugu soo gasho
balse arintaasi aanay dhicin, waqti badan oo
xilkii uu hayeyna laga lumiyey in kastoo uu
haatan dadaal ugu jiro sidii uu ku hanan
lahaa awooda Dawlada oo dhan
Gen. Gabre ayaa lasoo warinayaa inuu isagoo
xarakeynaya uu ka baxay xarunta Madaxtooyada
Villa Somalia, isla markaana uu ku goodiyay
inuu dili doono Madaxweyne Yuusuf.
Madaxweynaha ayaa u qeyla dhaamiyay
Ciidamada AMISOM iyadoo guud ahaan
ammaankiisa la wareegeen ciidamada AMISOM
gaar ahaan kuwa Uganda ee Muqdisho jooga.
Xaalada Madaxtooyada ee uu degan yahay
Cabdilaahi Yuusuf ayaa maanta kacsan iyadoo
laga cabsi qabo dagaal halkaasi ku dhex mara
ciidamada DF iyokuwa Uganda oo dhinac ah iyo
Ciidamada Ethiopian-ka.
Si kastaba ha ahaatee, Gen. Gabre ayaa sidii
uu doono ula macaamila Madaxda sarre ee
Dowlada KMG ah isagoo is mooda inuu ka
daraja sareeyo dhamaan madaxda DF.
Ex- Ra'iisul-wasaare Cali Geedi oo gaaray
Addis Ababa.
Ra'iisul-wasaarihii hore ee Somalia
Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa shalay gaaray
magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka
Ethiopia.
Xildhibaan Cali Maxamed Geedi ayaa shalay ka
dagay garoonka Diyaaradaha ee Boli
International Airport, iyadoo halkaasi ay
kusoo dhaweeyeen mas'uuliyiin sar sare oo ka
tirsan Dowlada Ethiopia.
Booqasho Geedi ee Addis Ababa ayaa timid
kadib markii uu casuumaad ka helay
Ra'iisul-wasaare Meles Zenawi oo aad u
daneynaya siyaasada Cali Max'ed Geedi.
Warar hoose ayaa sheegaya in Meles Zenawi uu
daneynayo inuu Ra'iisul-wasaare ka dhigo mar
kale Cali Max'ed Geedi, kadib markii ay is
fahmi waayeen Ra'iisul-wasaaraha hada Nuur
Cadde.
Prof. Geedi ayaa maanta xarunta Madaxtooyada
ee Addis Ababa kulamo kula leh madaxda sar
sare ee Dowlada Ethiopia.
Si kastaba ha ahaatee, Prof. Geedi ayaa tan
iyo markii xilka Ra'iisul-wasaarenimada uu
iska dhiibay waxa uu ku sugnaa magaalada
Nairobi ee dalka Kenya halkaaso ay degan
yihiin qoyskiisa.
Marka: Xildhibaano lagu eedeeyay
xaasidnimo.
Maamulka Shabeelaha Hoose ayaa maanta ka
hadlay hadalo dhawaan kasoo yeeray qaar ka
tirsan Xildhibaanada Barlamaanka Somalia.
Guddoomiyaha Gobalka Sh/Hoose Dr.
Cabdiqaadir Sheekh Max'ed ayaa eedeyay
xildhibaano Barlamanka Somalia ka tirsan oo
uu ku tilmaamay kuwa xaasidiin ah.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in hadalada ka soo
yeeraya Xildhibaanada baarlamaanka ee ku
aadan booqashooyinka ay ku yimaadeen
mas'uuliyiinta dowladda gobolkaas ay tahay
kuwo aan meel ka soo qaad laheyn. isla
markaana uu u arko kuwo ka soo horjeeda wax
qabadka gobolkiisa, sida uu hadalka u
dhigay.
Waxa uu sheegay in Mas'uuliyiinta qaar ee
soo gaadhay gobolka ay yihiin kuwo u dhashay
gobolka, waxa uuna tibaaxay in imaatinkooda
ay ka dambeysay caasuumaad uu u fidiyay.
Hadalka Guddoomiyaha ayaa kusoo beegmaya
kadib markii gobalkaasi ay dhawaan gaareen
Wasiiro DF ka tirsan kuwaaso sheegay inay
wax weyn ka qaban doonaan ammaanka
gobalkaasi, taasoo ay eedeeyeen xildhibaano
Barlamaanka ka tirsan.
Muqdisho: dagaal culus oo ka socda
xaafada suuqa Xoolaha.
Dagaal culus oo la isku adeegsanayo
hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka ka
socda xaafada suuqa Xoolaha ee degmada
Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Dagaalkaan oo u dhaxeeya ciidamada Dowlada
KMG ah iyo Dagaalyanahada hubeysan ee kasoo
horjeedo, ayaa geystay qasaaro xoogan.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii xaafada
suuqa Xoolaha ay isku fidiyeen ciidamo ka
tirsan Dowlada KMG ah, kuwaaso rabay inay
halkaasi howl-galo baaritaan ah ka
bilaabaan, waloow ay iska caabin kala
kulmeen kooxaha kasoo horjeeda.
Cabsi iyo qal qal ayaa waxaa uu soo food
saaray dadka fara ku tiriska ah ee ku
xilligan ku nool deegaankaasi Suuqa Xoolaha,
oo horena dagaalo soo laa laabtay ku dhex
maray dhinacyada iska soo horjeeda.
Wali lama xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ah
ee uu geystay maadaama uu wali dagaalka uu
socdo xabada ay ka holceyso xaafada suuqa
Xoolaha.
Warar hada nasoo gaaray oo wali aan la
xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalka ay kusoo
biireen ciidamada Ethiopian-ka ee fariisinka
ku leh xerada Maslax ee duleedka suuqa
Xoolaha.
Waxii kusoo kordha kala soco wararkeena
dambe.
Ciidamada Dowlada KMG oo saaka gudaha u
galay suuqa Bakaaraha.
Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ee
Somalia ayaa saaka gudaha u galay mar labaad
suuqa Bakaaraha, iyagoo wada howl-galo
baaritaan.
Ciidamadaan ayaa ku sugan gudaha iyo daafaha
suuqa Bakaaraha, iyagoo rasaas ku ridaya
cidii isku dayda inay suuqa gudaheeda gasho.
Xaalada suuqa ayaa maanta kacsan, iyadoo
aysan ka jirin wax ganacsi ah oo halkaasi ka
socda, isla markaana ay ciidamada meel walba
taagan yihiin.
Ganacsade Mukhtaar Sheekh Axmed ayaa
Saxaafada u xaqiijiyay inay ciidamadaan wali
kusoo qulqulayaan gudaha suuqa Bakaaraha,
iyadoo lagu soo daabulayo gawaawi waa weyn
oo gudaha suuqa soo galineyso.
Xiriiro aan la sameynay Afhayeenka Booliska
G/Banaadir Shacshac ayuu ka gaabsaday inuu
ka hadlo howl-galkaan maanta suuqa Bakaaraha
ka bilowday, waloow uu xaqiijiyay inay
amarka howl-galka bixiyeen maamulka gobalka
Banaadir.
Waxaa gudaha suuqa Bakaaraha laga maqlayaa
qaraxyo iyo rasaas si goos goos ah u
dhaceysa, kuwaaso aan la xaqiijin karin waxa
ay yihiin.
Talaadadii aynu soo dhaafnay ayay aheyd
markii ciidamada DF iyo kuwa Ethiopian-ka
gudaha u galeen suuqa Bakaaraha, kuwaaso
lagu eedeeyay inay dhax hantiyeed geysteen.
Si kastaba ha ahaatee, ciidamada DF ayaa
dhac u geysta suuqa Bakaaraha marka ay
gudahiisa galaan iyagoo ku mar marsiyaanaya
inay howl-galo baaritaan halkaasi ka wadaan
isla markaana hub kasoo aruurinayaan.
Ciidamada AMISOM oo xilkii loo kordhiyey.
Kulan uu yeeshay guddiga amniga ee
Jamciyadda Qaruumaha ka dhexaysa (The
Security Council)wuxuu goáamiyey in lix
bilood oo hor leh loogu daro Ciidamada ka
socda Qaaradda Afrika ee ka hawlgala dalka
Soomaaliya oo loo yaqaan marka lasoo gaabiyo
AMISOM kuwaas oo loogu talo galay in aay
difaacaan Dawladda KMG ah ee dalka
Soomaaliya iyo kaabiyayaasha halbowlaha u ah
geedi socodka maamulka dawladnimo.
Go'áankaas wadajirka aay u taageereen
dhammaan xubnaha uu ka kooban yahay golaha
Amniga ee JQK waxa uu ugu baaqayaa in
Midowga Afrika aay soo dhamaystiraan
ciidamadii nabad ilaalinta si ciidamada kale
oo ajnabiga ah oo dalka soomaaliya ku sugan
aay uga baxaan si loo abuuro jawi dib u
heshiisiineed oo lagu soo celin karo
xasiloonidii iyo nabadgalyadii dalka
Soomaaliya .
Dhammaan 15-ka Xubnood oo ka tirsan Golaha
Amniga waxaay isku waafaqeen in aay dib
arinta Soomaaliya isugu soo noqdaan 10-ka
bisha Maarso ee soo socota si looga
wadahadlo warbixintii Xoghayaha Guud ee JQK
Mr. Ban Ki-moon,tallabadaas oo ku
saabsanaandoonta in la xoojiyo xaafiiska
Siyaasadda ee JQK aay ku leedahay dalka
Soomaaliya ee loo yaqaan (UNPOS) iyo in
lasii xoojiyo hawlgalka Ciidamada AMISOM aay
ka wadaan dalka Soomaaliya
Waxaa kale oo warbixintu tibaaxaaysaa sidii
JQK aay u darsi lahayd suuragalnimada in
Ciidamo ka tirsan Jamciyadda Qaruumaha ka
dhaxaysa oo beddela kuwa AMISOM loo diro
dalka Soomaaliya.
Warbixintiisii ugu dambaysay ee Bishii
Nofember ee sanadkii hore waxaa xoghayaha
Guud ee JQK mr. Ban Ki-moon uu taxadar ka
muujiyey in dalka Soomaaliya loo diro
ciidamo JQK ka socda iyadoo aanay wax iska
beddelin xaaladda nabadgalyo ee dalka
Soomaaliya uu ku sugan yahay isagoo ka
dayriyey xaaladda cakiran ee ku saabsan in
xal siyaasi ah lagu furdaamiyo arrimaha
murugsan ee dalka Soomaaliya.
Sida laga soo xigtay sargaalka JQK u
qaabilsan isku xirka hawlaha Bini aadannimo
ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (OCHA)
waxaa dalka Soomaaliya ku sugan labo milyan
oo qof ooaad u liita una baahan gargaar
biniaadannimo in lala gaaro..
Waxaana sargaalkaas JQK warbixintiisa ku
sheegay in shaqaalaha ka hawlgala dalka
Soomaaliya iyo gawaarida kaalmada sidaba aay
la kulmaan xayiraado aay kamid yihiin
jidgooyooyin ,canshuuro iyo
burcadnimo.Sidaas darted Guddiga Golaha
Amnigu wuxuu ugu yeeray in dhammaan qaYBAHA
KALA GADDISAN iyo Kooxaha hubaysanba aay
ammaangaliyaan AMISOM iyo shaqaalaha
gargaarka si loo gaarsiiyo kaalmada dadka
dhibaataysan.
Abdifitahaam Ahmed