Dagaal askar ay ku
geeriyootay oo maanta ka dhacay Muqdisho.
Qaar kamid ah
ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa
maanta howl-galo ka fuliyay qeybo kamid ah
degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Ciidamadaan ayaa baaritaano ka sameynayay
goobaha Ganacsiga iyo guryaha dadka rayidka
ah ay degan yihiin.
Ciidamadaan ayaa lagu soo
waramayaa inay dhalinyaro badan ka
qabqabteen xaafada KPP ee degmada Hodan,
waloow intooda badan markii dambe ay sii
daayeen.
Intii ay soconayeen howl galada ayaa waxaa
hakad ku yimid dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo
waliba isku socodkii dad weynaha ee
degmadaasi.
Xoogaga kasoo horjeeda Dowlada KMG ah ayaa
dagaal culus kaga horyimid ciidamada DF ee
howl-galada ka waday qeybo kamid ah degmada
Hodan ee magaalada Muqdisho.
Dagaalkaan ayaa ka dhacay xaafada African
Village ee degmada Hodan, halkaaso la
xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen labo askari
oo ciidamada ka tirsanaa kuwa kale dhaawac
ka soo gaaray.
Si kastaba ha ahaatee, howl galada ay
sameeyaan ciidamada dowladda ayaa waxaa ay
la xiriiraan arrimaha nabad galyada, hasa
ahaatee arrimahaasi ayaa wali ah mid aan
wali xal loo helin.
Muqdisho: Faahfaahinta dagaalkii maanta
ka dhacay suuqa Xoolaha.
Dagaal culus ayaa saaka ka bilowday
xaafada suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ee
magaalada Muqdisho.
Dirirta ayaa waxa ay dhex martay Ciidamada
Dowlada KMG ah iyo Dagaalyahanada aadka ugu
soo horjeeda Siyaasada DF iyo joogitaanka
ciidamada Ethiopian-ka ee Somalia.
Dagaalka ayaa labada dhinac isku adeegsadeen
hubka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan
hubka cul culus, kuwaaso qasaaro kasoo
gaaray dad fara ku tiris ahaa oo ku dhaqnaa
muddooyinkaa xaafada suuqa Xoolaha.
Xaalada ayaa iminka u eg mid degan, iyadoo
labadii dhinac ee dirirta dhex martay wali
ku wada sugan yihiin gudaha xaafada suuqa
Xoolaha, taasoo keeni karta in dagaal
daqiiqad walba uu ka bilowdo halkaasi.
Sida la xaqiijiyay 7 ruux oo iskugu jira
labadii dhinac ee dagaalamay iyo rayid ayaa
dagaalkii maanta ku geeriyooday, halka in ka
badan 11 ruux dhaawacyo kala gadisan ay
kasoo gaareen.
Dagaalka ayaa la xaqiijiyay inay gaba
gabadiisii kusoo biireen ciidamada
Ethiopian-ka ee fariisinka ku leh xerada
Maslax ee duleedka suuqa Xoolaha, kuwaaso
Madaafiic kusoo garaacayeen gudaha iyo
xaafadaha la dariska ah suuqa Xoolaha.
Si kastaba ha ahaatee, dagaalka ayaa kusoo
beegmaya xili maalmihii ugu dambeeyay ay
degneed xaalada xaafada suuqa Xoolaha oo
horey u ahaan jirtay garoonka kaliya ee ku
ciyaaraan ciidamada DF iyo kooxaha kasoo
horjeeda.
Muqdisho: Qasaaro ka soo gaaray ciidamada DF
suuqa Bakaaraha.
Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ayaa
saaka howl-galo baaritaan ka bilaabay qeybo
kamid ah suuqa weyn ee Bakaaraha.
Ciidamadaan ayaa barqanimadii maanta weeraro
kala gadisan kala kulmay xoogaga kasoo
horjeeda, kuwaaso bambooyin iyo hubka fud
fudud ku weeraray.
Sida uu xaqiijiyay Ganacsade Mukhtaar Sheekh
Axmed waxaa ka geeriyooday ciidamada Dowlada
KMG ah saddex askari oo isla socotay,
kuwaaso rasaas lala beegsaday.
Ciidamada Dowlada ayaa rasaas la
beegsanayeen maanta cid kasta oo ay arkeen,
taasoo keentay in gabi ahaanba albaabada loo
laabo goobihii Ganacsiga ee Bakaaraha.
Xiriiro aan la sameynay Afhayeenka booliska
G/Banaadir Shacshac ayuu ka gaabsaday inuu
ka hadlo qasaaraha rasmiga ah ee ciidamada
maanta soo gaaray.
Si kastaba ha ahaatee, howl-galada maalmihii
dambe ciidamada Dowlada KMG ah ka wadeen
suuqa Bakaaraha ayaa dhaliyay qasaaro nafeed
iyo mid maaliyadeed.
Koofur Afrika oo QM ku eedeysay in uu ka
cago-jiido arrinta Somalia.
Dowlada South Africa ayaa ku eedeysay
Qaramada Midoobay inay ka caga jiideyso
arrimaha dalka Somalia.
Ambassador Dumisani Kumalo oo South Africa u
fadhiya Qaramada Midoobay ayaa hadalkan
jeediyay kadib markii uu Golaha Ammaanka ee
Qaramada Midoobay uu ka hadalka xaalada ka
taagan Soomaaliya ku xiray warbixin laga
sugayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Mr. Ban Ki-Moon, taasi oo golaha loo soo
gudbin doono 10-ka bisha Maarso ee soo
socota.
Hadalka kulul ee uu sii daayay Danjiraha
Qaramada Midoobay u fadhiya Dalka Koofur
Afrika ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu
Ciidamada Amisom ee nabad ilaalinta u jooga
Magaalada Muqdisho uu ugu daray lix bilood
oo kale, iyadoo mudadaas inta lagu jirana
loogu baaqay Dalalka Midowga Afrika in
Ciidamo u diraan Soomaaliya.
Kuraasta Qaramada Midodobay ay ku leeyihiin
Dalalka South Africa iyo Somalia ayaa waxay
yihiin kuwo isku xiga oo Danjirayaashooda ay
garbaha isku hayaan, bacdamaa ay magacyada
labada dal ka wada bilowdaan (So), waxaana
loo maleynayaa in ay Danjirayaasha labada
dal ay si weyn isu ayidaan marka ay timaado
ka hadalka dalalkooda.
Si kastaba ha ahaatee, eedeyntaan loo
jeediyay QM ayaa keeni karta inay indhaha u
kala furmo QM howlihii ay ka waday Somalia
oo muddooyinkaan ahaa mid habacsanaan ku
jirta.