|
|
|
|
|
|
|
Komiishinka Doorashooyinka
Oo ka mamnuucay Shabakadaha
Wararka ee Somaliland
Doorashooyinka Iyo Wafti Ka
Tirsan Oo Tagay Boorama |
|
|
|
(Updated:-(Thu.21.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Hargaysa
(Bnn)-Waxa maanta ka dhacay magaalada
Hargaysa ee caasimada Somaliland kulan
balaadhan oo ay isugu yimaadeen saxaafda
Somaliland iyo gudida kamooshinka
doorashooyinka Somaliland oo ay horkacayaan
Gudoomiyaha Komishinka iyo ku xigeenkiisa,
kulankani oo lagaga wada hadlaayay sidii ay
saxaafdu uga qayb qaadanlahayd arimaha
doorashooyinka soo socda ayaa kualnkaasi
waxa dibada laga dhigay oo ay gudida
doorashooyinku mamnuuceen in ayna
shabakadaha wararka ee Somaliland haba
yaraatee ka qayb qaadanin baahinta wararka
iyo arimaha doorashooyinka Somaliland, isla
markaasina waxa shirkaasi maanta ay
saxaafada iyo madaxda kamooshinku yeesheen
dibada laga dhigay oo goobtaasi uu shirku ka
socday kaga mamnuucay shabakadaha Somaliland
dadkii ka socday gaar ahaan kuwii goobtaasi
tagay.
Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisu toona may
faah faahin sababta ay dibada u dhigeen wada
shaqaynta shabakadaha wararka ee Somaliland,
mar wax laga waydiiyayna way ka gaabsadeen
in ay sharxaad ka bixiyaan sababtaasi, hase
ahaatee waxa ay sheegeen in ay la
shaqaynayaan, Wargaysyada, Idaacada, TV-yada
oo qudhaata.
Xiligan ayaa waxa jira shabakado dhowr ah oo
laga leeyahay Somaliland oo wararka ka soo
dira gobolada kala gadisan ee Somaliland
kuwaasi oo ay dadka gobolada durugsan
daganina wararka dalka ay kala socdaan ama
ka daalacdaan shabakadaha wararka ee
Somaliland, goobahaasi oo ayna gaadheen
Internetka, hase ahaatee ayna gaadhin
Wargaysyada,Talafeeshinada iyo Idaacadi
toona, sidoo kale qurba jooga reer
Somaliland ee ku kala filiqsan daafaha
dunida ayaa waxa ay wararka kala socdaan
shabakadaha wararka ee Somaliland oo si
hagar laan ah hadh iyo habaynba isugu xidha
gudaha iyo dibada, taasi oo qurba jooga reer
Somaliland ay aad uga qayb qaataan dib u
dhiska dalka, taasi oo ayna wargaysyada iyo
warbaahinta kale ee gaarka looleeyahay iyo
kuwa aan loo lahayniba ayna gaadhin dalka
gudihiisa, kuwaasi oo ay hada gudiga
doorashadu soo xusheen oo qudhaata.
Hadaba kulankaasi maanta ay saxaafada ay
Kamooshinka doorashooyinku la qaateen ayaa
Komishinka Doorashooyinka oo ay weheliyaan
wakiilada xisbiyada, iyo Xildhibaano ka kala
tirsan golaha guurtida ayaa maanta u kala
baxay gobolada Somaliland, waxana
weftiyadaasi ay caawa kala gaadheen
magaalooyinka Burco iyo Boorame.
Socdaalka xubnaha komishinka doorashooyinka
ayaa la xidhiidha sidii ay gudiyadii
doorashooyinka ee gobolada dalka u soo
bauuri lahaayeen, isla markaana ay bulshada
ku dhaqan gobolada ay ugu wacyi gelin
lahaayeen, ka qeyb galka diwaan gelinta
codbixiyeyaasha.
Wefti uu hoggaaminayo Gudoomiye ku xigeenka
Komishinka Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ka
kooban 11 xubnood ayaa caawa gaadhay
magaalada Burco, ee gobolka Togdheer.
“Waxa socdaalkayagu qaadan doonaa muddo
tobaneeyo cisho ah, waxana aanu dadweynaha
gobolada Tog-dheer, Sool iyo Sanaag, aanu ku
wacyi gelin doonaa sidii aanu loo geli lahaa
hawshii diwaan gelinta”Ayuu yidhi Md Xirsi
Cali, oo caawa khadka telefoonka iigu
waramayay isagoo ku sugan magaalada Burco.
“Weftigan waxa xubno ka ah 3 Xubnood oo
komishinka ah, 3 qof oo ka kala socda
sadexda xisbi qaran, 3 xubnood oo guurtida
ah, sarkaal ka tirsan wasaarada daakhiliga
iyo xoghaynta komishinka, waxana aanu soo
samaynaynaa wacyi gelin iyo gudiyadii
xafiisyada gobolada Bariga Somaliland”Ayuu
intaas raaciyay Gudoomiye ku xigeenka
Komishinku.
Md Xirsi Cali, oo aan weydiiyay sababta ay
weftiga Komishinka ee u kala baxay Gobolada
ay uga hadheen xildhibaano ka tirsan Golaha
Wakiilada, oo qorshuhu ahaa inay raacaan
wufuudaasi, waxana uu yidhi “Golaha
Wakiilada waxay ahayd in sida golaha
guurtida ay noo soo diraan 6 Mudane oo kala
raaca labada Wefti, balse waxay sheegeen in
kalfadhigoodii uu socdo oo aanay ka maarmayn
Mudaneyaasha, waanay ka cudur daarteen,
wayse ku jireen markii hore”.
Dhinaca kale, wefti 11 xubnood ka kooban oo
uu Hoggaaminayo Gudoomiyaha Gudida
Doorashooyinka Qaranka, Mudane Maxamed
Aw-Yuusuf Axmed, ayaa iyaguna caawa gaadhay
magaalada Boorame, ee xarunta Gobolka Awdal.
Waxana ay halkaasi u tageen sidii ay wacyi
gelin ugu soo samayn lahaayeen dadweynaha
gobolkaasi.
Gudoomiyaha Komishinka Doorashooyinka, Md
Maxamed Aw- Yuusuf Axmed, oo markii weftiga
uu hoggaaminayaa ay 8:30 caawa gaadheen
Boorame, saxaafada u waramayay, ayaa yidhi
“Waxa socdaalkayagu la xidhiidhaa sidii aanu
gobolka Awdal, uga furi lahayn xafiisyadii
diwaan gelinta codbixiyeyaasha iyo kuwii
doorashooyinkaba, waxana aanu kulamo
macluumaad ururin ah aanu la yeelanaynaa
waxgaradka bulshada”.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|