Addis
Ababa( Bnn-Waftigii uu hogaaminayey
madaxweyneha Jamhuuriyada Somaliland mudane
Daahir Rayaale Kaahin ee ayaamahanba ku
sugnaa Dalka Imaraadka Carabta.
Oo xalay ka
soo amba baxay dalkaasiayaa saaka si diiran
loogu soo dhaweeyay caasimada dalka Itoobiya
ee Addis Ababa, madaxweynaha oo socdaal
shaqo ku tagay dalkaasi Imaaraadka Carbata
ayaa halkaasi waxa uu kulamo kula soo
yeeshay madax sare oo dalkaasi ka tirsan
waxa sidoo kale uu madaxweynahu uu la kulmay
jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan
dalkaasi oo ka kooban noocyo kala duwan,
wayeel.
Dhalinyar,
waxgaradaka, aqoonyanahada ka soo jeeda
Somaliland ee ka shaqaysta dalkaasi iyo
dhamaan dadkii soo booqday madaxweyanah oo
ka koobnaa diblomaasiyiin shisheye ah iyo
madax kaleba.
Ilo ku dhow
dhow waftiga madaxweynaha ayaa sheegay in
socdaalkoodu uu ahaa mid sidii loogu talo
galay u dhamaaday oo ay labada dhanba ay ku
faraxsanaayeen, waxa ay wararkaasi
raacinayaan in hada wadamada Carabta iyo
xukumada Somaliland oo hada qarka u saaran
in la aqoonsado uu xidhiidhkoodu sidii hore
ka soo raynaayo isla markaasina socdaalka
madaxweyne Rayaale uu daaha u sii xaadhaayo
sidii mustaqbalka ay Somaliland xubin uga
noqon lahayd jaamacada Carabta.
Madaxweyanaha
iyo waftigiisa oo maalmaha soo socda lagu
wado in ay u kicitimaan caasimada
Somaliland, ayaa waxa ay kulamo kala gadisan
la yeelan doonaan madax ka tirsan dawlada
Itoobiya iyo diblomaasiyiin ku sugan
dalkaasi, dhanka kalana warar aanu ka helnay
Hargaysa ayaa noo xaqiijiyay in safarkii
madaxweyanah ee uu ku tagi lahaa dalal kale
oo Carbeed uu soo gaabiyay, taasi oo ay
wararku sheegayaan in ay Somaliland ku soo
fool leeyihiin wufuud culculus oo ka sacota
dalal waaweyn oo caalmka ka mid ah, warar
kale oo aan helayno ayaa iyana sheegaaya in
madaxweyne Rayaale uu socdaalkiisu uu ku
eekaa uun dalka Imaaraadka Carabta , taasi
oo uu hada ku soo guulaystay ujeedadii
s9ocdaalkiisa..



SOurce
Qarannews