|
|
|
|
|
|
|
Xaflad Loo qabtay Afka Hooyo
Iyo Sen. Coleman Oo Hibo
Nuura uga Tacsiyeeyey
Gaaridii Marxuum AbwaanXasan
Sh. Muumin |
|
|
|
(Updated:-(Fri.22.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Minnesota(Bnn)Maanta oo ah Febtuary 21
waa maalin UNESCO u aqoonsatay maalinta afka
hooyo ee caalamiga waxaa Minnesota ka
dhacday xaflad heer sare ah oo gu xusayo
afka Soomaaliga. Waxaa lagu qabtay Xafiiska
senator Norm Coleman. Waxaa xafladdan si
wada jir ah usoo wada qabanqaabiyey sanadkan
2008 Senator Norm Coleman oo isagu sheegay
inuu aad ugu faraxsan yahay inuu marti gliyo
xuska af Soomaaliga iyo Naadiga qalinlayda
iyo hal abuurka SomaliPEN.

Magaca SomaliPEN waxaa ku hadlay wakiilkooda
Minnesota oo ah qoraaga weyn ee Anwar
Maxamed Diiriye oo ka warbixiyey sida ay ku
timid in February 21 loo aqoonsado maalinta
caalamaiga ee afka hooyo. Waxaa kale oo
goobta ka hadlay abwaanka weyn ama macalinka
weyn ee Siciid Saalax oo ka war bixiyeye
taariikhdii iyo iyo halgankii uu soo maray
qoraalka afka Soomaaliga iyo habaca hadda ku
yimid.

Senator Coleman waxaa uu rasmi ah tacsi ku
saabsan abwaanka weyn ee dhowaan geeriyooday
Allah ha u naxariistee Marxuum Xasan Sheekh
Muumin ugu gudbiyey fanaanadda weyn ee Hibo
Nuura oo uu adeer u yahay iyo dhamaan
bulshada Soomaaliyeed.
Caruurtii ay dhaleen abwaanada Soomaaaliyeed
ee ku nool Minnesota oo kala ah Deeqo
Maxamed Ali Kaariye iyo Absame Maxamuud
Cabdillaahi Ciise Sangub ayaa aad u
taageeray xuska maalinta afka hooyo iyo
dhamaan dhaqanka soomaaliyeed
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|