|
|
|
|
|
|
|
KOMISHANKA DOORASHOOYINKA OO
KULAN LA YEESHAY QAYBAHA
BULSHADA REER BOORAMA. |
|
|
|
(Updated:-(Fri.22.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Boorama(Bnn)Gudoomiyaha komishanka
doorashooyinka qaranka md Maxamed Axmed
Yuusuf iyo wafti uu hogaaminayo ayaa shalay
kulan balaadhan kula yeeshay xarunta
maamulka G/awdal qaybaha bulshada reer
Boorama.Kulankaas warbixinta iyo u
diyaargarowga diiwaangalinta codbixiyayaasha
oo ay u socdaan furitaanka xafiisyadii
gobolada ee laga hagi lahaa iyo xafiiskii
gobolka ee komishanka doorashooyinka.
Gudoomiyaha oo ay weheliyeen Jaamac
Baakistaani oo ka tirsan komishanka qaranka,
saedex xubnood oo ka socday xisbiyada, afar
xubnood oo guurtida ah iyo xubin ka socotay
wasaarada arimaha gudaha, waxaanay
salaadiinta iyo dhinacyada kale ee bulshada
Boorama ay uga warameen mihiimada ay
leedahay hawshan diiwaangalinta iyo sida
loogu baahan yahay in cidkastaa qaybteeda ka
qaadato.
Badhasaabka G/awdal Maxamuud Sheekh oo
kulankaa furay ayaa ka hadlay siyaasada
arimaha dibada ee soomaaliland oo meel
wanaagsan maraysa iyo sida ay bulshadu isha
ugu hayso sida ay u dhacaan doorashooyinka
dalka ka dhici doona oo ah tijaabo uu
caalamku inagu qiimaynayo iyo sida ay u
yihiin furihii aqoonsigeena inoo hayay sidaa
awgeed Bulshada reer Awdal iyo reer
somalilanda waxa kula dardaarmay in la
ilaaliyo nabadgalyada si loo helo jawi ay
inoogu dhacaan doorashooyin wanaagsan oo
xalaal ahi.
Gudoomiyaha komishanka qaranka Md Maxaed
Axmed ayaa isna sheegay in ujeedada
socdaalkoodu la xidhiidho furitaanka
xafiisyadii heer gobol ee gudiyada diiwaan
galinta iyo komishanka doorashooyinka
arintaas oo ay xisbiyo iyo xukuumadba ka
go,an tahay in la xaqiijyo sida
doorashooyinkeenu u noqdaan kuwa xor iyo
xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo, lana sugo
muwaadiniinta xaqa u leh ka qaybgalka
codbixinta doorashooyinka.
Waxa kale oo uu sheegay in diiwaangalintu ay
gobolkasta ka socon doonto shan maalmood,
iyada oo marka horena la sii diyaarin doono
imkaaniyaadkii iyo wacyigalinta loo baahan
yahay in bulshada la gaadhsiiyo si dadka oo
dhami uga qayb galaan, iyada oo xiliga
diiwaangalintani ay shaqadu ka socon doonto
goobihii hore ee codbixinta doorashooyinkii
hore ee gobol walba goobkastana ay ka
hawlgali doonaan 8 hawlwadeen si hawsha loo
fududeeyo, hawlwadeenka goobtiisa laga soo
sheego arimo qaldan ama wax diiwaangalinta
ama doorashada wax u dhimaya lala xisaabtami
doono.
Ugu dambayntii waxa uu bulshada ka codsaday
inay kala shaqeeyaan hawshan baaxada
leh"bulshada waxaan ka doonaynaa inay nala
shaqeeyaan oo ay hawshan baaxada leh nala
fududeeyaan, waayo waxba lama kala riixanayo
mana jirto kanaa sidan ah iyo kanaa sidan ah
wax qabiil ahina ma jiro qofkastaana waa
inta uu isa saaro masuuliyada arintan kaga
soo hagaagta"
Salaadiin reer Awdal ah oo ay ka mid
ahaayeen Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar,
Suldaan Ibraahin Dacar, Suldaan C/raxmaan
Jaamac Dhawal iyo Suldaan Saleebaan oo
halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay xubnahan
iyo wada shaqeynta ay ku baaqeen, iyaga oo
dhinaca kalena muujiyay saluug la xidhiidha
qaabka deg deg ah ee loo wado hawshan
diiwaangalinta oo ah mid aan suurto gal
ahayn in shan maalmood hawl intaa leeg lagu
qabto, waxa kale oo ay codsadeen inaanu
gobolkoodu noqon ka u horeeya ee hawshan
laga bilaabayo iyaga oo u arka in wax la
iskaga soo riixayo, waxa kale oo ay ka
hadleen sida aanay isku qabanayn bulshadan
reer guuraaga ah ee marba meel u hayaamaysa
iyo soo jeedinta komishanka ee odhanaysa
qofkastaa goobta laga diiwaangaliyay ayuu ka
codaynaa, ugu dambayna waxa ay codsadeen in
la kordhiyo goobaha codbixinta.
Jaamac Baagistaani oo ah xubin komishanka
qaranka ah, iyo xubno kale oo ku hadlayay
xisbiyada iyo guurtida ayaa ka dhawaajiyay
iyana sida hawshan diiwaangalintu u tahay
mid qaran oo xisbiyo iyo xukuumadba laga
midaysan yahay, wax weyna ay filayaan inay
dalka u soo kordhin doonto.
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|