Deeq la Gaadhsiiyay
Tuulooyinkii Barafku
WaxYeeleeyey ee Gobolka
Awdal
(Updated:-(Fri.22.Feb..2008)
Boorama(Bnn)Goobihii ay waxyeeleeyeen
roobakii barafka watay ee ka da'ay deegaano
ka tirsan gobolka awdal gaar ahaan
degmooyika xeebaha sida Lughaya, Saylac iyo
waliba Baki
Mar uun maanta na soo booqday Xoghayaha
xisbiga Udub ee Gobolka Awdal ahna
Gudoomiyaha Gudiga mucaawimada deegaanaday
roobabku wax yeeleeyeen ee G/Awdal Axmed
Muumin Seed oo noo xaqiijiyaya deeq ay
gaadhsiiyeen dadkii ku barakacay musiibadii
ka dhacday deegaanadaa isaga iyo culimada
magaalad boorama. oo iyaguna deeq ka
uruuriyey masaajidada magaalada.
Deeqdan oo iskugu jirtay Daqiiq,Sonkor iyo
Saliid iyo waliba dhar yaa waxaa gaadhsiiyey
dhulkii ay raaobabku wax yeeleeyeen Gudiga
loo xilsaaray iyo waliba xubno ka socda
culimo awdiinta magaalada borama.
Mud.Axmed Seed oo mar uu ka hadlayay deeqaha
lagaadhsiiyey wuxuu sheegay in ay deeqda ay
gaadhsiiyeen ay aheyd dhiig-joonin laakiin
loo baahan yahay wax ka badan oo wax ugu
filan dadkan aadka u tabaalaysan,
Sheekh Cali Aadan(sheekh Cali dheere) oo ka
socday Culumada diinta masaajidada borama
ayaa sheegay in loo bahan yahay mucaawimo
socota ilaa mudo ku dhaw sanad ka dibna
dadka loo sameeyo dib-u-dajin oo loo ii biyo
xoolo
Dhanka kale waxaa gaadhay gudi ka socota
xukuumada s/land oo ka kooban wasiiro
,wasiiro ku xigeeno iyo waliba xunaha labada
gole aa iyaguna sheegay in xaalada ka taagan
deegaanadaa ay tahay mid aad u xun isla
markaana loo baahan yahay in degdeg loo la
gaadho mucaawino.
Iyaguna waxaa wada dadaalo hor leh jaaliyada
dibada ee G/Awdal oo soo bixiyey lacago
deeqo ah oo ay ku deeqayaan walaalahooda ku
caydhoobay roobabkii barafka wadatay ee ka
deegaano ka mida G/Awdal.
deeqahan gaadhay deeganadii roobabku wax
yeeleeyeen ayaa wax ay yihiin kuwa wax aan
ka qaban karin dhibaatada meesha ka jirta
Dadkii ay deeqda gudoonsiiyeen ayaa u
mahadnaqay walaalahooda la soo gadhay
deeqdan
wixii inta ka soo kordhan waaidin la soo
socodsiinaynaa
Borama News Network
Abdoulkarim Qamaan Ali "Fiiri"