Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Wararkii Saaka Oo Diiran

           (Updated:-(Fri.22.Feb..2008)
 

Xuubsireed oo ka hadlay arinta Bakaaraha.
 
Afhayeenka Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Somalia Xuseen Maxamed Maxamuud "Xuubsireed" ayaa ka hadlay xaalada suuqa Bakaaraha oo muddooyinkii ugu dambeeyay ammaan daro xoogan ka aloosneed.
Xuubsireed ayaa ka shanqariyay inay ciidamada DF iyo kuwa Ethiopian-ka ay wadaan howl-galo baaxad weyn oo lagu sugayo ammaanka suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Afhayeenka waxa uu yiri "Ganacsatada hadaladooda waan maqlay, mana ahan boolis ee waa shacab mana sugi karaan ammaanka suuqa Bakaaraha, taasi waxaa ku shaqa leh ciidamada booliska".
Xuubsireed waxa uu sheegay inay ciidamada booliska ay maalmaha soo socda soo gaba gabeyn doonaan howl-galada ay Bakaaraha ka wadaan.

"Bakaaraha waxa uu hooy u noqday kooxo Argagaxiso ah oo habeenkii dibada usoo baxa waxna qarxiya weerarana qaada, subaxdiina waxa ay ku gambadaan daaraha dhaadheer ee Bakaaraha" ayuu yiri Xuubsireed.

Xuubsireed ayaa wacad ku maray inay gacanta kusoo dhigi doonaan kooxaha uu sheegay inay Muqdisho ka wadaan ammaan darada sii baaheysa sida uu hadalka u dhigay.
"Guddoomiyaha odoyaasha Hawiye Xaad iyo rag kale oo burburka Muqdisho iyo nabad darada ka shaqeynaya ayaa ku dhuumaaleysanaya suuqa Bakaaraha, waana ku raadjoognaa" ayuu yiri Xuubsireed.
 
Xuseen Maxamed Maxamuud wuxuu intaasi ku daray in Madaxweynaha Soomaaliya uu mudo dheer ku jirey kulamo kala duwan oo uu la leeyahay qeybaha kala gedisan ee Magaalada Muqdisho ,uuna kala hadlay amaanka Suuqaasi ,oo uu sheegay in uu yahay halka laga maamulaya dhibaatada ka taagan Magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Xuubsireed ayaa kusoo beegmaya xili bililaqo xoogan ay suuqa Bakaaraha ka wadaan ciidamada Dowlada KMG ah oo ku marmarsiinaya inay baaritaano halkaasi ka wadaan.
 
Ethiopia iyo Australia oo ka wada hadlay arrimaha Somalia.
 
Madaxweynaha dalka Australia Hanas Fishar iyo Ra'iisul-wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Addis Ababa ayay labada mas'uul ku lafa gureen xaalada Somalia iyo sidii nabada Somalia dib loo soo celin lahaa 17 sanno kadib.

Madaxweynaha Australia ayaa ugu baaqay Meles inuu ku dadaalo sidii loo nabadeynlahaa dalka Somalia isla markaana ciidamadiisa looga soo saari lahaa marka koowaad ee la arko nabad kasoo bidhaantay dalka Somalia.
Wasaarada arrimaha dibada ee Ethiopia oo War Saxaafadeed kasoo saartay kulankaasi ayaa sheegtay in Ra'iisul-wasaare Meles uu ka codsaday dowlada Australia inay taageero lixaad leh siiso Ethiopia isla markaana ay qalab iyo lacagba ugu deeqaan ciidamada Ethiopian-ka ee gudaha Somalia ku sugan.

Madaxweynaha Australi ayaa balan qaaday inuu gacan ka geysan doono xalin dalka Somalia oo uu sheegay hadii sida uu hada yahay caalamka uu ku fiirsado inuu nabad daro u keeni karo dhamaan caalamka.
Isku soo duubo, dowlada Australia ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay lagu tirin jiray inay ka dhaga laabatay arrimaha cakiran ee dalka Somalia ka aloosan.
 
Muqdisho: Mas'uul xalay lagu dhaawacay degmada Wadajir.
 
Kooxo hubeysan ayaa xalay dhaawac culus u geysteen Guddoomiyaha waaxda Gen. Daa'uud ee degmada Wadajir Mudane Cabdilaahi Axmed Muuse.Falkaan oo ka dhacay meel aan ka fogeyn guriga Guddoomiyaha ayaa lagu soo waramayaa inay weerarka kusoo qaadeen kooxo ku hubeysnaa Bastoolada.

Guddoomiyaha ayaa lagu soo waramayaa inuu iska difaacay kooxdii soo weerartay oo uu dhaawac u gestay mid kamid ahaa.Guddoomiyaha Wadajir Axmed Daaci ayaa saaka Saxaafada u sheegay inay xaalada Cabdilaahi Axmed Muuse aad u wanaagsan tahay.

Axmed Daaci waxuu xaqiijiyay inuu Guddoomiyaha waaxda Gen. Daa'uud oo Bastoolad ku hubeysnaa uu dhaawac u geystay mid kamid ahaa ragii soo weeraray."Waan u daba joognaa ragaasi, waana la yaqaan badankood waxeyna degan yihiin Wadajir, dhawaana gacanta ayaan kusoo dhigeynaa" ayuu yiri Axmed Daaci.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay caado ka noqday ugaarsiga lagu hayo mas'uuliyiinta ka tirsan gobalka Banaadir.
 
Baydhaba: Isbaarooyin laga cabanayo.
 
In ka badan 12 Isbaaro ayaa lasoo dhigay inta u dhaxeysa magaalooyinka Waajid iyo Baydhaba ee gobolada Bay iyo Bakool.
Isbaarooyinkaan ayaa waxaa soo dhigtay maleeshiyaad hubeysan oo gobalka kasoo jeeda, kuwaaso lacago baad ah ka qaadaya gawaarida isticmaasha Waajid ilaa Baydhaba.
Gaadiidleyda ayaa cabasho ka muujiyeen isbaarooyinkaa dhowr iyo tobbanka ka badan ee isku dhow dhow, waxeyna ugu baaqeen maamulka Bay inuu wax ka qabto arintaan.
Muxyadiin Cabdi oo kamid ah gaadiidleyda wadadaasi isticmaasha ayaa yiri "Dhibaato xoogan ayaan ku qabnaa maleeshiyaadkaan isbaarooyinka dhigtay, mana yaqaaniin 1000 shilin ayaa iga dhiman, waxeyna kaa reebanayaan hadii aad lacagta siin weysid gaariga".
Si kastaba ha ahaatee, Isbaarooyinkaan ayaa dhaawac xoogan u geystay Ganacsigii Baydhaba oo cirka isku shareeray maalmihii lasoo dhaafay.

 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye