Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Biriij Ama Buundo Afar Tan ah Oo La Xaday !!!
 

           (Updated:-(Fri.22.Feb..2008)
 

BridgeCheb(Bnn) Waxaa lalayaabay dhacdadii ugu weyneyd ee soo marta dalka czeck republic . Tasoo fajac iyo yaab ku keentay dadkii daganaa tuulada la yidhaah cheb ee ku taala xuduudka dalkaase ee galbeedka.

Iyadoo maalintii isniintii dadka tuuladaa iyo police kuba ugu tooseen iyadoo ay maqantay buundadii dhanayd oo ka maqan meeshii ay ka dhisneyd .

Police ka dalkaasi ayaa hawlgal weyn wada sidii loo soo heli laha buun dadaas oo ilaa hada lahayn meel la geeyey .

Police ka ayaa su`aalay shirkadii dhistay buundadan oo markii hore ugu tala gashay kuna dhistay qalabka qaylya (alert) hadii ay dhacdo in la isku dayo in furto ama cilad farsamo ku timaad ba .  Shirkada U qaabilsanayd ilaalada buundada ayaa  wargalisay Police ka in ay maqantay buundadii sacado ka dib markii ay ogaaden.

Waxa suurto galisay In la xado Buundada ama biriijka iyadoon mudo la isticmaalin darteed amaba aanay gabi ahaanba maraynin wax gaadiid ah in mudo ah

Afyaheenka Police ka ayaa wuxuu sheegay inuuna hubin waxa lagu qaban doono ama ujeedada loo xaday . habase ahaatee waxaan ka warbixin donaa ayuu yidhi marka aan helno dadkii xaday iyo buundadiiba..
 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye