|
|
|
|
|
|
|
"Ma Dhacayso Mana Oggolaan
Doono In Gobolka Awdal Wax
Diiwaangalin Ah Laga
Sameeyo" Suldaan Muuse
Cilmi(Sanbuurad)
|
|
|
|
(Updated:-(Sat.23.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Borama
(Bnn) Midka mid ah salaadiinta Gobolka
Awdal ayaa sheegay inaan waqtigan laga qaban
karin gobolka wax diiwaangalin ah, maadaama
ay dadka deegaankan ku jiraan xaalad
abaareed iyo barakac ka dhashay
masiibooyinkii dabiiciga ahaa oo aanay ilaa
hadda jirin xukuumad iyo cid kale oo wax u
qabatay.
Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye (Sanbuurad) oo
ka mid ah salaadiinta inta badan ka hadla
danta iyo tabashooyinka Gobolka Awdal ayaa
ku adkaysay in dadkii gobolkan ku noolaa 40%
ay tahriibeen, dadkii degmooyinka gobolka ee
ay ku habsatay dhibaatadii roobabka barafka
ee xoolihii ka fara bexeena markii ay
waayeen cid ka gargaarta dhibaatadii soo
gaadhay ay u yaaceen dhinaca qoxootiyada ka
furan dalalka Jabuuti iyo Yemen, xukuumada
Somaliland-na aanay wax jawaab ah ilaa hadda
ka bixin baaqyadii salaadiinta iyo bulshada
gobolka ee gurmadka loogu dalbayay dadkaa
dhibaatadu ku dhacday iyo baaqyadii kale ee
ka horreeyay ee cunaqabayntii dhaqdhaqaaqa
ganacsigii Jabuuti ka imanayay iyo xoolihii
laga qaadayay cashuur aan dalka intiisa kale
laga qaadin, sidaa awgeedna aanay
salaadiinta reer Awdal aanay raali ka ahayn
in la yidhaa; “Diiaangalinta waxa loogu
horraysiinayaa Gobolka Awdal oo waliba
xaaladan ku jira, kuwo kalena waxaannu u
soconaa tirakoobka Gobolka Awdal, waxaan u
aragnaa in ujeeddadoodu tahay ku digasho,
iyada oo waliba la sheegayo inay damacsan
yihiin diiwaangalinta la hadal hayo inay
gobolkan ka bilaabaan, taana oggolaan mayno
ilaa gobollada kale la diiwaangaliyana, ma
dhacayso mana ogolaan doono in Gobolka Awdal
wax diiwaangalin ah laga sameeyo, waayo
gobolkan noqon maayo galkii usha lagu
dayayay."
Waxa kale oo uu ku dheeraaday sida mar kasta
oo tallaabo la qaadayo gobolkan loogu
horraysiiyo iyada oo dadka ku dhaqana aanay
wax hadal ah ka keenin, tan hadduna aanay
waxba u soo kordhinaynin"ma kolay ayay
diiwaangalintan la sheegayaa wax sax ah
gobolkan u soo kordhinaysaa sawnagii
xaqayagii siisanay Madaxweynaad leedihiin,
reer Awdal wax kasta oo xaqiina lagu dulmayo
maxaa idiin diiday inaad ka hadashaan," ayuu
hadalkiisa ku yidhi Suldaan Dugsiiye.
Source Jamhuuriya News Paper
Borama News Network
Hargeysa Office
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|