Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Oo U Boqoolay Degmooyinka  Xeebaha Ee G/Awdal

           (Updated:-(Sat.23.Feb..2008)
 

Boorama(Bnn)Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka md Maxamed Axmed Yuusuf iyo wafti uu hogaaminayo oo isugu jira saraakiil komishan ah, xisbiyada iyo golaha guurtida ayaa Maanta subaxdii u baqoolay dhinaca degmooyinka xeebaha ee Awdal sida Baki, Lughaya iyo Saylac, ka dib markii ay mudo laba maalmood ah kulamo kula yeesheen magaalada Boorama, nabadoonada, xisbiyada iyo qaybaha kale ee bulshada.

Xubnaha waftigan oo gobolka u yimid sidii ay u furi lahaayeen xafiisyadii gudiyada diiwaangalinta iyo komishanka doorashooyinka ee heer gobol, isla markaana u magacaabi lahaayeen saraakiishii ka hawlgali lahayd, waxaanay subaxnimadii Jimcihii kulan balaadhan la qaateen qaybaha bulshada reer Boorama oo ay warbixin ka siiyeen socdaalkooda iyo qaabka ay hawsha u wadaan,

iyada oo dhinaca kalena ay u soo qadimeen arimahaas oo ay ka mid ahaayeen inaanu gobolka Awdal noqon doonin ka koowaad ee laga bilaabi doono diiwaangalinta, balse ay soo dhaweynayaan hadii uu noqonayo ka sadexaad,goobaha codbixinta oo ku yar gobolka maadaama ay diiwaangalintuna goobahaas ka dhacayso loo baahan yahay in la kordhiyo, dadka gobolka ee reer guuraaga oo aanay suurto gal ahayn inuu ka codeeyo goobta uu iska diiwaangaliyay iyo qodobo kale waxaana soo jeediyay salaadiinta Awdal, waxa kale oo ay xubnaha waftigani la kulmeen maamulka gobolka iyo xisbiyada ka dibna waxa ay soo saareen wareegto aan wali si rasmi loogu dhawaaqin oo ay ku magacaabeen saraakiisha iyo hawlwadeenadii gobolka ee gudiyada diiwaan galinta iyo komishanka, arintaas oo la sheegay inay ka dhasheen dareeno taban iyo saluug ka soo yeedhay qaar ka mid ah beelaha gobolka oo aan ku qancin sida loo miisaamay saamiwadaaga beelaha ee xubnaha la magacaabay.


Magacaabistan oo aan wali si rasmi ah u soo bixin waxa ay sheegayaan warar ku dhow dhow oo aanu helnay in gudoomiyaha diiwaangalinta gobolka loo magacaabay Faarax Cilmi Maxamuud, gudoomiyaha komishanka doorashooyinka ee G/awdalna loo magacaabay Cumar Yuusuf Buuxane [cumar shugar] oo hore u soo qabtay komishanka degmada Boorama, iyo Xasan Muxumed Nuur oo ay wararku sheegayaan in loo dhiibay komishanka degmada Boorama, sidaa si la mid ahna saraakiil iyo hawlwadeeno kale loo magacaabay degmooyinka kale ee gobolka.

Ka dib markii ay soo bexeen wararkan magacaabista sheegayaa waxa bilaabmay in wax badan la iska waydiiyo sida loo arko xubnahan la shaaciyay iyo waxa ka soo bixi doona diiwaangalinta loo diyaargaroobayo.
Xoghaya Awdal ee xisbiga Udub Axmed Seed oo aanu wax ka waydiinay aragtidiisa la xidhiidha magacaabistan saraakiisha iyo hawlwadeenada komishanka iyo diiwaangalinta wanaanu sheegay in gobol ahaan xisbigoodu ku qanacsan yahay ayna soo dhaweynayaan  xubnahan loo magacaabay garsoorka doorashada iyo diiwaangalinta in kasta oo uu sheegay inaan wali rasmi ahaan loo soo saarin, waxa kale oo uu ka waramay kulan ay yeesheen sadexda xisbi maamulkooda heer gobol, iyo badhasaabka gobolka kaas oo uu sheegay inay isula qaateen in wax kasta laga horaysiiyo danta qaranka iyo diiwaangalinta oo iyana ah hawl qaran oo doorashada wanaajinaysa, sidoo kalena ay dhinacyada xisbiyadu sexeexeen qoraalkan qabyada ah ee komishanku ku magacaabay hawlwadeenadan  komishanka iyo diiwaangalinta, in sidaa raali loogu wada noqdana uu rajaynayo.

Dhinaca kale Gudoomiyaha G/awdal ee Xisbiga Kulmiye Aadan X Muxumed oo aanu isna arintan wax ka waydiinay ayaa ka gaabsaday isaga oo sheegay inuu ka hadli doono marka rasmiyan loogu dhawaaqo balse aanu doonayn inuu ka hordhoco.

Cabdiraxmaan Maxamad Habane
(Bnn)Borama News Network
Boramanews.com

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye