Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Golaha Wakiilada SL oo Laalay Qaar ka mid ah Ajandaha Kalfadhiga 6-aad

           (Updated:-(Sat.23.Feb..2008)
 

Hargeysa (Bnn)- Golaha Wakiilada JSL ayaa manta laalay Qaar ka mid ah Ajandayaasha kalfadhiga 6-aad ee Golaha.

Fadhiga manta oo uu gudoominayey gudoomiye kuxigeenka kowaad ee Golaha isla markana ah ku simaha Gudoomiyaha Md. C/casiis Samaale, ayaa goluhu cod ku diiday qodobado ka mid ah ajendaha kuwaas oo ahaa Xeerka ka kooban 8 qodob oo ku saabsana dib u eegista, kaabista iyo waxka badalka xeerka Guddi hoosayada Golaha.

Kulanka manta oo ay fadhiyeen 41 Mudane waxa diiday 24 Mudane waxana ogolaaday 17 mudane cid ka aamusnayna may jirin.

Qodobka la laalay ayaa ahaa mid ay aad ugu kala qaybsan yihin Xildhibaanada Golaha,

Golaha Wakiilada ayaa gudo gali doona Baritoole ka doodista qodobada kale ee ku jira ajandahooga kalfadhiga 6-aad. Qodobadaas oo intooda badan xasaasi ah..


Borama News Network
Hargeysa Office

 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye