Tartanka Koobka Kubada Cagta
ee iskuulka Al-aqsa Oo
Maanta Ka Bilawday Boorama
(Updated:-(Sat.23.Feb..2008)
Boorama(Bnn)Galabta
ama maanta waxaa si rasmi ah uga bilodowday
ciyaar kubada cagta ah oo ay ku tartamayaan
sagaal kooxood oo dhamaantood ka socda
dugsiga sare ee Alaqsa, ciyaartaas ayaa
waxaa soo qabanqaabiyey fasalka form 3C oo
isagu isku soo dubariday tartanka koobkan,
agaasmiyaasha ciyaartan ayaa sida ay BNN u
sheegeen waxaa caado ahaan jirtay in sanad
kasta mar la qabto tartaranka oo kale ayna
dhex maraan ciyaaryahano ku cayaaraya magaca
iskuulka.
Ciyaarta maanta ayaa waxa ay ku bilaaban
tahay ciyaar aad u xiiso badan oo dhex
martay labada fasal ee kala ah form 4A iyo
Form 4C, daawshdeedana waxaa ka soo qayb
galay dadwayne aad u fara badan taas oo ay
dadka daawanayey ay aad uga heleen, waxa u
tartanka koobkani socon doonaa mudo sagaal
maalmood.
Guushiina waxa ay raacday oo halkaasi ku
badiyey fasalka form4C oo laba iyo sadex
kaga badiyey fasalkii kale ee form 4A Hassan Issa
(Bnn)Borama News Network
Boramanews.com