Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

 Suldaan Saleebaan Cali oo Gaashaanka ku dhuftay Saamiqaybsiga Komishanka Awdal Shirna ugu baaqay Beesha......

           (Updated:-(Sat.23.Feb..2008)
 

Borama(Bnn) Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ka mid ah Suldaanada Beelaha G/Awdal ayaa maanta shir Jaraaid saxaafada ugu qabtay Hutel RAYS, waraysiga oo uu suldaanku ku sheegay in uu ka biyo diidsan yahay sida loo qaybiyay Komishanka doorashooyinka, taas oo uuu sheegay in Beeshiisu aanay ka helin xaqii ay ku lahayd, Suldaanku isaga oo hadlaya wuxuu yidhi shalay shirkii waxaan ku balanay in aan lagu degdegin Arimaha sida wax loo dhisayo, intaa ka dib xalay ayaa la qaybsaday, wixii beesha reer Nuur lahaana lama siin wax aan aqballaynana maaha, Suldaanka oo la suaalay in xubno beelaha uu ku hadlayo la siiyay G/xigeenka ayuu yidhi G/xigeen xaq uma lihin ee gudoomiyaha in lana siiyo ayay ahayd, wuxuu intaas ku daray in uu shir degdega isku yeedhayo beesha uu madaxda u yahay, shirkaas wixii ka soo baxa ayaanan ku dhaqmi doonaa. cida uu eeda saarayo ayaa la weydiiyay suldaanka wuxuuna yidhi waan doondoonaynaa markaan helo ayaanan sheegaynaa,
I
ntaas ka dib ayuu Suldaanku Shir balaadhan ku qabtay Xaafada Qoorgaab ee Borama, waxaana ka soo qayb galay Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Oday dhaqameedo iyo Dhalinyar, Hadaba Suldaan Saleebaan isaga oo la hadlaya dad gaadhaya boqol qof wuxuu yidhi shirkan anaa iskugu kiin yeedhay waxaana weeyi dadka mustaqbalka rabaa waa dhalinyarta, deegaanka beeshu leedahay waad ogtihiin dadka ka faaiidaysan lahaana waa idinka dhalinyartiinaasi, waar degmada Borama, Dila, Baki yaa u sheeganaya reer Nuur ? waa loo sheegtay maanta, shalay shirkii aan qabanay waa la diiday xalay saqdii dhexe ayaa lagu kala tegay, waan u sheegay dadkii ay khusaysay, waxaanan idhi waxaan qabnayaa shir reer Nuur wixii ka soo baxana waad maqli doontaan, Wixii taladaas lagaga tashanayo waxay u taal beesha reer Nuur, Goaankaygu Suldaan ahaan waa waxaa soo baxay maaha wax aan ku shaqaynayno, wixii halkaas ka dhacay wax noo yaal maaha, hadaan suldaankii ahay, wax reer Nuur ku jirana maaha, wax reer Nuur Dawlada kaga qayb galayana maaha, cidii diidaana isaga ayay u taal,


waxa isna halkaas ka hadlay Musharax Ismaaciil Muumin oo yidhi waad ogaydeen in aan is sharaxay, hawshaasi mid aniga igu dhalatay ayay ahayd, balse hawshan laba todobaad ka hor ayaan liis samaynay mutacalimiin oo aan idhi u geeya Suldaanka, wixii aad beel ku doonaysaana sheega ayaan idhi idinka oo wata suldaanka, hawshii waataa xalay la dhamaystay, Anagu Axsaab ayaan nahay xalayna komishanka ayaan la fadhiyay, waxa weeyi waxa la rabaa 3boqol oo goobood oo min sideed qof ah 2400 Qof oo shaqeeya, intaas ayaa la rabaa ee dhalinyarta iyo caruurtiina keena ha shaqo tagaane, Suldaanku wuxuu idiin sheegayo qaata, waxa soo baxay reero, oo odaygii udub ahaa ayaa wata siyaasigisii kulmiye ahaa, Anigu waxaan idhi waar arinka reeraha inaga daaya waase la diiday, waxaan idhi wuu qaloocan waase la iga diiday, wixii aad xaq u leedihiina waad raadsan kartaan.

Source ; ANN

 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye