Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisii ku soo laabtay dalka

           (Updated:-(Sat.23.Feb..2008)
 

HARGAYSA(Bnn)-Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdigii uu hogaaminayay ayaa galabta dalka ku soo laabtay , ka dib markii uu u soo dhamaaday socdaalkii ay ku tageen dalka Imaaradka Carabta.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Afayeenka Madaxweynaha Siciid Caddaani ayaa sheegay in Mudane Daahir Rayaale Kaahin ay dhabaha diyaaradaha ee cigaal International Airport ku soo dhaweeyeen Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiro , Xildhibaano , Saraakiil sare oo ka tirsan xukuumada iyo dadweyne aad u tiro badan.

Madaxweynuhu waxa uu salaan ka qaatay cudubyo ka tirsan ciidamada Qaranka .

Madaxweynuhu isaga oo ka waramaya socdaalkii isaga iyo wefdigiisu ay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta Bishan 17-keedii , waxa uu sheegay in socdaalkiisu ku ekaa dalka Imaaraadka Carabta , isaga oo Magaalada Abu Dubai kulan kula yeeshay Madax ka tirsan dawlada Imaaraadka Carabta oo uu hogaaminayo Raysal Wasaare ku xigeenka Dawlada Imaaraadka Sh . Xamdaan Binu Saa’id Al Nahyaan iyo Madax ka tirsan ururka Bisha Cas ee dalka Imaaraadka.

‘’Waxaan ugu Bushaaraynayaa shacbiga Somaliland in safarkayagii uu si fiican u bilaabmay , isla markaana aanu rajaynayno in uu noqdo mid khayr ku dhamaan doona Mustaqbalka soo socda’’ ayuu yidhi Mudane Rayaale.

Madaxweynuhu waxa uu kulankaasi ku tilmaamay kulan qiimo leh oo jawi wanaagsan ku dhamaaday , iyada oo Natiijooyinka ka soo bixi doona safarkayagaasi shacbiga wakhtiga ay ku haboon tahay ay ogaan doonaan.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in ay la kulmeen Jaaliyada Somaliland ee dalka Imaaraadka , si fiicana u soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Wefdigiisa.

Madaxweyne Rayaale mar uu ka hadlayay socdaalkii uu ku hakaday dalka Itoobiya caasimada Addis Ababa waxa uu sheegay in uu kulamo kala duwan la yeeshay Madax ka tirsan Ururka AU-da , kana wada hadleen xaalada Mandaqada Geeska iyo arrimaha Somaliland.

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa wefdigiisa ka mid ahaa Wasiirada Arrimaha Dibada , Hawlaha Guud iyo Madaxtooyada

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye