|
|
|
|
|
|
|
Salaadiinta Togdheer oo ka
hor imid Diiwaangalinta
Codbixiyayaasha
Doorashooyinka. |
|
|
|
(Updated:-(Sun.24.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Burco(Bnn)
Salaaadiinta iyo waxgaradka beelaha
gobolka togdheer ayaa sitoosa uga hor imid
qorshaha diiwaangalinta codbixiyayaasha
doorashooyinka soo socda.
Salaadiinta iyo waxgaradka oo shir la qaatay
xubno koob iyo toban xubnood ah oo ka kooban
koomishanka, wasaarada arimaha gudaha,
guurtida oo uu hogaaminayo gudoomiye
kuxigeenka koomishanka doorashooyinka Md
Xirsi Cali X. Xasan ayaa salaadiintu u
shegayn inan xiligan diiwaangalin laga qaban
Karin gobolka togdheer daruufo jira awgood.
Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo ka mid
ah saladiinta ugu waaweyn gobolka togdheer
ayaa sheegay in daruufaha gobolku aanay
saamaxayn in hada diiwaangalin laga qabto,
isagoo intaa ku daray inaan loo baahnayn in
la isku hawlo waxay reer galbeedku 500 oo
sano lasoo rafanayeen inaynu markaliya
fulinayo.
Suldaanku wuxu intaa ku daray in loo bahan
yahay in doorashooyinka aynu ku qabsano sida
aynu garanayno ee kuwii horena ku qabanay.
Xirsi Cali X. Xasan oo ah gudoomiye
kuxigeenka Koomishanka doorashooyinka oo
hogaaminayey guddida tagtay Togdheer ayaa
kulankaa ka sheegay in wixi cabasho ah ay u
gudbinayaa loona eegi doono heer qaran.
Wuxu intaa ku daray Md Xirsi in uu ogyahay
Abaaraha iyo daruufaha ka jira gobolka,
balse buu yidhi gudigoodu u timid qiimayn ay
ku qiimeenayan xaalada gobolada Bariga
isagoo sheegay inay hada dhisayaan
Xafiisyadii heer degmo iyo tuulooyin.
Xirsi oo ka hadlayaa cabashada Salaadiinta
wuxu sheegay in cabashadooda la isla eegayo
si heer qaran ah isla markana si heer qaran
ah loo gali doono oo wixi lama huraan noqda
oo qaban doono.
Borama News Network
Hargeysa Office
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|