|
|
|
|
|
|
|
Gudoomiyaha Ururka
Dhagoolayasha
Soomaaliyeed(waxaan usoo
hooynay guul wayn dalka
soomaaliya). |
|
|
|
(Updated:-(Sun.24.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Ayada oo ay dalka Kenya
gaar ahaan magaalada Nairobi kusugan yihiin
aqoonyahano, waririyaal , iyo dad hormuud u
ahaa dhaqdhaqaaqa bulashada soomaaliyeed oo
dhamaantood kazoo qaxay dhibaatada kasucoto
magaalda muqdisho ayaan manta waxan wareysi
kula yeelanay magaalada Nairobi gudoomiyaha
midowga dhagoolayasha soomaaliyeed Abubakar
Sh.Abdulle oo kazoo qaxay magaalada
Mogadishu hadana kusugan Nairobi.
Waxa waraysi kula yeeshay bile gurxan
maxamed
Wariye bile gurxan: haye mudana
gudoomiya kawaran goorme bad katimid
magaalada muqdisho maxaase sababay inaad
kazoo qaxdo?
Abubakar: waxan kazoo tagay magaalada
muqdisho bishii AUSGOST sanadkii hore
waxaana sabab u ahaa inaan isaga soo tago
kadib markii uu xumaaday amaankii
islamarkaana mararbadan ay noloshayda halis
gashay uga danbeyna igu qasabtay inaan isaga
soot ago MUQDIHSO
Wariye bile gurxan: waan gartay sida
aan lasocono waxaad ahayd ruux hurmuud u ah
Dhagoolada Soomaaliyeed islamarkaana waxaad
kashaqayn jirtay sidi aad ugu doodi lahayn
xuquuqda dadka aanan wax maqlin ee
soomaliyeed marka hadii aad adigii kazoo
tagtay dalkii yaad ugu soo tagtay arimihii
ururka oo sii wadayo howlihii?
Abubakar:dhaba ahantii aniga iska
carar ugama aana soo tagin magaalada
muqdisho inkastoo ay nolosheyda marar badan
gashay halis hadana sababtii aan udoortay
inaan imaado Nairobi waxay ahayd inaan sii
wado howlihii ururka dhagoolayasha
soomaaliyeed hadana waxaa dalkii jiro
xubnihi kale ee fulinta sida gudoomiye
kuxigeenka midowga dhagoolayasha
soomaliyeed.
Wariye bile gurxan: gartay mar hadii
ujeedadaada kamid ahayd inaad howlihii sii
wado ilaa iyo hada maxaad qabatay intii aad
joogtay magaalada nairoib??
Abubakar: waxan qabtay howlo waa waa
wayn oo waxtar uleh bulasha dhagoolada
soomaaliyeed iyo bulshada soomaaliyeed oo
dhan hada waxaan usoo hooynay guulo waa wayn
qarinimada soomaliye ururkena Somali
national Association of the Deaf[SONAD]
waxuu kamid noqday urur waynaha aduunka ee
WORLD FEDERATION OF THE DEAF ayada oo
soomaliye ay kamid noqotay markii ugu
horeysay tan iyo taariikhda soomaliye marka
taas waa guul wayn oo aan usoo hoynay
qaranimada iyo jiritaanka calanka soomaliyed
waxaad booqan kartaa
http://wfdeaf.org/members.aspx.
halkaas waxaan ka arki doontaa calankii
soomaaliye oo ka muuqanay masraxa Dhagoolada
Caalamka
Wariyr bil gurxan: hambalyo dhab
ahaantii waa guul wayn haye mar hadii aad
kamid noqoteen urur waynahay aduunka yaa
idin taagero oo idinka bixinayo qarashka
xubinimada sanadkii ah iyo qarashaadka kale
ee aad u baahantihiin maadama sida aan
lasocono aadan taagero kahelina dowlad KMG
iyo hayada samafalka ee ka howl galo
soomaliye?
Abubakar: maadaama aysan jiran meel taagero
aanu kahelno anaga ayaa shaqsi ahaan iska
aruurino oo isaga bixino qarashka membership
fee
Wariye bile gurxan:waxaa jira sida
aan maqalay ururwaynaha Dhagoolada aduunka
waxuu qabtaaa shirar caalami 4tii sanaba mar
hadaba goormee buu dhacayaa shirkada ugu
sokeeyo oo ay soomaliya ka qayb gali doonto?
Yaase kafilanaysa inay idin taageeraan oo ay
idinka bixiyaan travil iyo waxyaabaha kale
maadama hada aysan dalkii dowlad idin
taagerayso aysan kajirin?
Abubakar: shirka ugu horeyo ee
soomaliya ka qaybgali doonto ee uu qabanayo
ururwaynaha Dhagoolada Aduunka waxuu dhici
doonaa sanadka 2011 waxuuna kadhacayaa
magaalad DURBAN ee south Africa marka waxan
rajaynaynaa inaan heli doono cid nataagerto
si ugu qayb galno ha ahaato shaqiyaad ,
haayad amaba dowlada
Wariye bile gurxan: waan gartay ilaa
iyo hada majiraan wax xiriir ah oo aad
layeelateen dowlada KMG si aad ugu sheegtaan
inaad dalkii guulo waawayn usoo hooyseeen oo
aad calankii soomaaliye geyseen masarax
aduunka?
Abubakar: haa aniga waxaan lakulmay
safiirka soomaaliye ee dalka keyna
Ambassador Maxamed Cali Ameriko waana tusnay
shahaadii ururkayga waana usheegnay
Warye bile gurxan: haya majiraan wax
balan qaad ah oo idin siiyay sida in dowlada
idin taageri doonto?
Abubakar: wuu nasoo dhaweyay laakin
ilaa iyo hada ma uusan noo sheegin wax
taagero ah oo uu noo raadinaho ama aan
kasugayno
Wariye bile gurxan: ugu danbeeyn
maxaad rajayneysaa mustabalka inaaad
gartaan?
Abubakar:waxan rajaynaynaa inaan
hurumar wayn gaari dono islamarkaan aas soo
qaban doonao asagaayna dhagoolada aduunka oo
aan helo doono dowlad iyo shacab nataagero
insha allah.
Cidii doonayso inay laxirirto gudoomaya
waxay kala xariiri kartaa emailkaan
president@somalideaf.org
ama
abuush4@hotmail.com
www.somalideaf.org
.
Waxaa waraystay wariyo bili gurxan maxamed
Bilegurxan109@hotmail.com
Nairobi Kenya
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|