|
|
|
|
|
|
|
Mayd Wiil dhaliyaro ah oo
saaka lagu arkay inta u
dhexeysa isgoyska baar Ubax
iyo hotel Salaama ee degmada
H/wadaag |
|
|
|
(Updated:-(Sun.24.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Aroornimadii
saaka ayaa lagu soo waramayaa in meydka nin
dhalinyaro ah lagu arkay inta u dhexeysa
Hotelka Salaama iyo isgoyska baar Ubax ee
wadada Soddonka oo ka tirsan degmada
H/wadaag ee magaalada Muqdisho sida dad
halkaasi ku sugan ay soo sheegayaan.
Meydka nin dhalinyarada ah oo ay muuqdaan
qeybo ka mid ah jirkiisa dhaawacyo rasaaseed
iyo dhiig aad u badan ayaa u muuqda nin
xalay la qaarajiyey, waxaana goobta uu
yiilay soo buux dhaafiyey dad fara badan oo
isku dayeyey iney aqoonsadaan meydka
ninkaasi dhalinyarada ah oo da’diisa lagu
qiyaasay 25 illaa 30 jir sida dadku ay
sheegeen
Lama oga illaa hadda cida meydka wiilkaasi
dhalinyarada ah soo dhigtay halkaasi ee ka
dambeysa dilka loo geystay iyo sababaha loo
dilay midna, hase ahaatee waxaa
muddooyinkanba mararka qaarkood lagu arkayey
qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho meydadka
dad kala duwan oo la dilay kuwaasoo la soo
dhigayo meelo isgoysyo ah iyo wadooyin
intaba.
Boramanewsnetwork
Abdoulkarim Qamaan Ali "Fiiri"
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|