Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Maleeshiyaadka Shabaabka oo saacado kooban la wareegay degamda Diinsoor

           (Updated:-(Sun.24.Feb..2008)
 

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay saaka la wareegeen gacant ku haynta degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, halkaasi oo dagaal qaraar ay kula galeen ciidamada Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

Masuul ka tirsan maamulka Gobolka Baay ayaa daboolka aka qaaday in saacado ka koban ay maleeshiyad hubaysan oo ka soo horjeeda dawlada KMG ah ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Diinsoor laakiin ay ka baxeen saacado ka dib.

Kooxda Al-Shabaab afhayeen u hadley oo lagu magacaabo Mukhtaar Roobow Abu-Mansoor oo u waramayay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen magaalada Diinsoor, waxaana uu sheegay inay qabasadeen waa sida hadalka uu dhigay'e inay qabsadeen baabuur iyo qalab ciidan inkastoo aanay jirin cid madaxbanaan oo warkaasi xaqiijisa.

Dad madaxbanaan oo u ku sugan degmada Diinsoor oo ka gaabsadey in magacooda saxaafada laga sheego ayaa u sheegay warbaaahinta caalamiga ah ee SBC in maleeshiyadkii maanta qabsadey degmada Diinsoor ay isaga baxeen magaalada, isla markaana magaalada ay haatan caadi tahay oo isgaarsiintii oo horey saaka u go'neyd ay dib hawada ugu soo laabatey.

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye