Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

“Muu ahayn Mukhaabaraad ee Wuxu ahaa Diblomaasi” W/Dowlaha A/Dibada SL. Saciid Maxamed Nuur.

           (Updated:-(Mon.25.Feb..2008)
 

Hargeysa (Bnn) Wasiiru Dowlada Arimaha Dibada JSl Md Saciid Maxamed Nuur ayaa War aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay War uu faafiyey wargeyska Haatuf kaas oo sheegayey in nin Todobaadkan yimid Hargeysa uu ahaa Mukhaabaraadka Masar.

Wasiiru Dowlada oo shir jaraaid ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in ninkaas uu aahaa Diblomaasi ka tirsan Safaarada Masar ay kuleedahay Jabouti uuna u yimid arimo siyaasadeed balse aanu ahayn Basaas.

Wasiirku wuxu intaa ku daray in ninkaasi diblomaasiga ahi uu la kulmay Dowlada, Labada Gole, iyo Xisbiyada Qaranka taasina ay wax weyn ka tarayso buu yidhi xidhiidhka labada dale e Masar iyo Somaliland.

Wasiirku wuxu ku eedayey Wargeyska haatuf inuu faafiyey war been ah oo aan sal lahayn isla markana maro habaabinayo Shacabka Somaliland

Wuxu Wasiirku ugu baaqay Wargeyska Haatuf inuu ka waantoobo faafinta wararka noocan oo kale ah ee aan salka lahayn, isagoo intaa ku daray in Wargeysku caadaystay aflagaadada iyo wararka been abuurka ah.

Dhinaca kale Madaxa Macalimiinta Masaarida ee Somaliland Saalim Maxamed Saalim ayaa waxba kama jiran ku tilmaamay warka wargeysku faafiyay isagoo sheegay in ninkasi uu ahaa diblomaasi ka tirsan Safaarada Masar balse aanu ahayn Basaas.


Borama News Network

Hargeysa Office
 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye