Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Maayarada degmooyinka dalka iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ah oo kulan balaadhan ku yeeshay magaalada Boorama

           (Updated:-(Mon.25.Feb..2008)
 

Boorama(Bnn)Kulan balaadhan oo lagu falanqaynayay mashaariicda horumarineed ee shantii sano ee u dambeeyay ay deeq bixiyayaasha caalamiga ahi ku taageereen D/hoose ee dalka iyo qorshaynta baahiyaha kale ee u baahan in wax lagala qabto ayaa shalay ku dhexmaray Hutelka Rays ee magaalada Boorama ururada deeq bixiyayaasha caalamiga ah oo ay weheliso hayada UN- Habitate iyo maayarada degmooyinka waaweyn ee dalka.

Deeq bixiyayaasha caalamiga ah ee kulankan ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa hayada UN-habitate oo qaramada midoobay u qaabilsan magaalaynta, iyo ururada ay ka hesho dhaqaalaha deeqda ay ku hawlgasho oo kala ah EC[european comission], World bank, xubno ka socday dalalka iyo hayadaha dawliga ah ee deeq bixiyayaasha sida hayada ingiriiska ee Dfid, xubno ka socday safaaradaha Nairobi ee dalalaka Sweden, iyo Italy. Dhinaca mayorada waxa ka qaybgalay maayorka caasimada Eng Jiciir,mayorka Boorama C/raxmaan Shide, mayorka gabiley Xuseen Jameeco,mayor ku xigeenka BerBera Cabdi Jaamac Faduul,mayorka Sheekh Ibraahin C/laahi iyo xubno kale oo ka tirsan golayaasha deegaanada oo ay ku jirto Ceerigaabo iyo agaasimaha guud wasaarada hawlaha guud oo isna kulankaa ku weheliyay

Kulankan oo labada dhinac is dhaafsadeen iyo macluumaadyo la xidhiidha mashaariicda hirgalay iyo kuwa loo baahan yahay in la isla qorsheeyo waxaa hadalo ka jeediyay mayorka caasimada Hargaysa Eng Jiciir iyo Mayorka Boorama C/raxmaan Shide kuwaas oo ka waramay mashaariic wax ku ool ah oo u hirgalay dawlaha hoose ee dalka arintaas oo ay mahadnaq balaadhan ugu soo jeediyeen Hayada Habitate iyo dde bixiyayaasha oo gacan ka gaystay taageerada maaliyadeed iyo farsamo ee lagu hirgaliyay,

Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay Isabel  Candle oo ka socotay EC da iyo Filiep oo ka socday hayada UN-Habitate waxaanay amaan balaadhan u soo jeediyeen maayarada degmooyinka dalka oo bilaabay inay is taageeraan iyo xidhiidhkooda joogtada noqday oo keenay inay wax badan ku kala faaiidaystaan waxaanay balanqaadeen inay marwalba diyaar u yihiin inay ka taageereen sidii loo horumarinlahaa adeegyada bulshada iyo maamul wanaaga. waxaa dhinaca kalena bar bar socday kulan ay  maayarada  degmooyinkani ku falanqaynayeen iyaga iyo hayada Habitate buug Draf ah oo ka hadlaya nidaamka dhismaha magaalooyinka oo la doonayo in dhismaha cusub ee soo kordhayaa uu noqdo mid tayo leh isla markaana lagu kantaroolo qaabka ,qalabka iyo tayada dhismaha iyada oo la waafajinayo qaabka caalamiga ah iyo shuruucda aas aaska u ah.

Mayorada magaalooyinkan waaweyn ee somaliland oo labadii sano ee u dambeeyay samaystay urur ay ku bohoobeen oo ay aas aaskiisa door laxaad leh ku lahayd hayada Habitate oo la shaqaysa dawladaha hoose ee dalka Ururkaas oo lagu magacaabo SMA[Somaliland Municibality assosiation] gudoomiyena uu ka yahay Maayaorka caasimada Eng Jiciir] waxa uu keenay sida ay sheegeen masuuliyiintani kala faaiidaysasho waxa uu dhinacba kan kale kaga wanaagsan yahay iyo is taageeraysi dhexdooda ah.

Wafigan deeq bixiyayaasha oo mari doona magaalooyinka waaeyn ee somaliland waxa la filaya inay bari socdaalkooda ka bilaabaan magaalada BerBera ka dibna uga sioi gudbaan gobolada bariga. 


Cabdiraxmaan Maxamad Habane
(Bnn)Borama News Network
Boramanews.com

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye