|
|
|
|
|
|
|
Madaxweyne ku xigeenki hore
ee dalkani Kenya oo isaga
baxay saaxadda siyaasadda. |
|
|
|
(Updated:-(Mon.25.Feb..2008) |
|
|
|
|
|
|
Nairobi(Bnn)Madaxweyne ku xigeenkii hore
ee dalknai Kenya "Moody Awori" ayaa sheegay
in uusan ka dhex muuqan doonin siyaasadda
dalka, wuxuuna markuu shaaca ka qaaday
arintan ku eedeeyey saxiibadiisa dhinaca
siyaasadda in ay ka dambeeyeen in uu dib u
hanan weeyo kursiga barlamaaniga ah ee
deegaanka laga soo doorto ee Funyula.
Balsi waxaa uu sheegay in waxay ahaataba uu
haatan raggaas iska cafiyey.
sida ay noo sheegtay wariyahayaga 'fadumo
Macalin C/laahi- iyada oo halkkaasi nooga
warmaysay waxayna tidhi .
"Wax kasta oo dhaca , ka dib doorashadii
27_kii December ee dalka ka dhacday , ma
ahan aduunka markii iigu dambeysay noloshana
waa ay socon doonata" ayuu yiri Mr awori.
Awori" ayaa waxaa uu ka hadlaayey sanad
guuradi 50 ee guurka isaga iyo xaaskiisa
Rose waxayna xafladaasi ka dhacday gurigiisa
ku yeela deegaanka Funyula.
Moody Awori oo ku magac dheer Uncle Moody (
adeer Moody) ayaa waxaa uu ahaa saxiibka ugu
weyn ee madaxweyne Kibaki ugu jiray
baarlamaankii sagaalaad.
Kursi baarlamaaneedkii Funyula ee uu Awori
ku tartamaayeey ayaa waxaa ku guuleystay oo
booska ka saaray musharrax ka mid ahaa
xisbiga Mucaaradka ODM Dr. Paul Otuoma.
Awori ayaa waxaa ugu horeyntii loo soo
doortay baarlamaanka dalka sanadkii 1983.
waxaana loo soo magacaabay inuu noqdo
madaxweyne Ku xigeen ka dib geeridi
madaxweyne ku xigeenkii isaga ka horeeyey
Kijana Wamalwa.
Mody Awori oo ah wiilka aqoon yahanka ah ee
loo aqaano Canon Awori ayaa waxaa uu dhashey
sanadkii 1927.
Boramanewsnetwork
Faadumo Macallin Abuukar (Faadumoruush)
Kenya Nairobi
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|