Main Manu

   

Home

Music

Sports

Photo Gallery New

Contact Us

         
                                     
                                 

Xaalada Magaalada Badhan ee Bariga Sanaag oo Kacsan

           (Updated:-(Mon.25.Feb..2008)
 

Badhan (Bnn)Xaalada Magaalada Badhan ee bariga Gobolka Sanaag ayaa aad u kacsan kadib markii ciidamada Somaliland ay fadhiistayn duleedka magaalada.
 
Wararka nagasoo gaadhaya Magaalada Badhan ayaa Sheegaya in ciidanka Puntland ee ku sugan Badhan ay bilaabayn abaabul dagaal iyagoo dadka deegaanka kicinayana una sheegay ainay difaacdaan dalkooda,
 
Siday wararku nagu soo gaadhayaan rasaas Googoos ah baa xalay laga maqlayey duleedka magaalada Badhan oo ah magaalada ugu weyn Bari sanaag,
 
wararku waxay intaa ku darayan in Ciidan Puntland ah ay yimaden magaalada si ay u xoojiyeen kuwii hore usii joogay iyagoo ku gaashaman gawaadhida dagaalka.
 
Xiisadan ka aloosan Bariga sanaag ayaa bilaabantay kadib markii Ciidan katirsan Somaliland iyo Wasiiru ay gadhayn Magaalada Dhahar Sanadkii hore halkaas oo ciidanka somaliland iyo kuwa puntland ay ku dagaalameeen balse wixi intaa kadambeyey waxay xaaladu ahayd mid degan, xiisaduna waxay u wareegtay dhinacaga Gobolka Sool oo dagaalo fool ka fool ah la iskaga hor imid taaso keentay in somaliland la wareegto gacan ku haynta magaalada Laascaanod.
 
Daruuraha Colaadeed ee dul hoganaya magaalada Dhahar ee Bariga Sanaag waxay ka dambeyeen markii shalayto ciidanka somaliland oo ay hogaaminaya seddex wasiir oo ka tirsan Somaliland iyo nin talye Asluubeed ka ahaan jiray Puntland ay gaadhayn Degmada Hadaaftimo iyagoo uga sii gudbay dhinaca Badhan.
 
siday wararka qaar sheegayan Waxa abaabul laga bilaamay deegaanada miyiga ee xiga dhinac Puntland iyadoo Saraakiisha puntland bilaabayn inay dadku ku kiciyaan dhiilo colaadeed oo ku salaysan qabiil.
 
Xiisadaha iyo dagaalada Ka jira Gobolada bariga gaar ahaan Sool iyo Sanaag Bari ayaa salka ku haya Muran Dhul ahaneed oo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland iyagoo ku muransan lahaanshaha Goboladaasi oo Puntland ku doodayso hab isir nimo ah iyadoo somaliland ku doodayso Xuduudi ay Dhigtayn Ingiriiska iyo Talyaanigu markay kala gumesanayeen Somalia.
 
Borama News Network
Hargeysa Office
 

                                  
                   
Google
 

html web counters
Super 8 Motels Coupons
Copyrights 2006 Boramanews.com All rights reserved.
Design by webmaster:- Mustafe Haji Mohamed Diiriye